Burburka TFG kadib maxaa dhici doona?
Waxaa dadka in badan la yaabsan yihiin khilaafka soo noq noqonaya ee u dhexeeya
Madaxweyne Cabdullahi Yusuf iyo Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde.
Khilaafkani waa mid soo bilaabmay waxyar kadib kolkii uu Nuur Cadde noqday
Ra'iisal wasaarihii labaad ee dowladda TFG-da. Khilaafkani waa mid salka ku haya
dastuurka iyo kala qaybsanaanta howlfulineed ee xubnaha ugu sareeya dowlada. Waa
mid salka ku haya aragtida siyaasadeed, hab maamul, iyo xeeladeed ee labada
oday. Hadaba si aan u fahamno khilaafka labada oday waxa uu salka ku hayo iyo
aayaha iyo Masiirka TFG iyo haykalka dowladeed ee Soomaliya, waxaa mudan in dib
loo yare jaleeco dhacdooyinkii siyaasadeed kadib magacowgii Nuurcade.
Nuur Cadde waxaa keenistiisii dagaal u soogalay kuna guulaystay in Nuur qabto
booskii Geedi faaruqiyay Maxamed dheere. (maxamed dheere oo abaal weyn ugalay
TFG , kadib markuu kursigiisii u baneeyay Geddi si uu RW u noqdo, TFG oo aan
deegaan kumeel gaar ah ku marti geliyay Jawhar oo uu ka talinayay, Dowladana
dhidibada ugu aasay Muqdisho, dabadeedna Nuur Cadde keenistiisa laf dhabar u
noqday).
Dabadeed markii Nuur uu jagadii qabtay waxaa dhacday dhowr arimood oo ku
dhalisay Cabdulaahi iyo Maxamed dheeraba shalayto iyo dhabana hays:
1- Wuxuu Nuur Cadde wasiirka warfaafinta isla markaana ah Ra'iisal wasaare ka
dhigtay Axmed Cabdisalaam (oo dad badan aaminsan yihiin inuu sababay kala furka
dowlada, isku dirka labada oday, u saamixista mucaaradka inay si sahlan ku
qabsadaan gobolada koonfureen, iyo Carinta Maxamed dheere oo u sabab uga dhigay
si dadka muqdisho ka cararay u soo noqdaan, mucaaradkuna jowhar deegaan uga
dhigto waa in maxamed dheere socdaa) taas oo waji gabax ku noqotay Cabdulaahi
iyo Maxamed dheere.
2- Wuxuu Nuur iyo gacan yare Axmed Cabdisalam waxay howshii ka bilaabeen inay
ooda ka soo qaadaan Odayada la baxay Dhaqanka Hawiye, la shireen kana ogolaadeen
qodobo ay soo jeediyeen oo dhowr ah.
3- Wuxuu Nuur kala furfuray awoodii dowladu ku lahayd gobolada laga soo bilaabo
Hiiraan ilaa Gedo. Taas oo sababtay in Dowladii lagala wareego Hiiraan,
Shabeelada Dhexe, Jubbada Hoose, Gedo, Shabeelada Hoose iyo inta badan Baay iyo
Bakool.
4- Intaas markuu sameeyay ayuu usoo jeestay inuu ka takhaluso Maxamed dheere.
Taas oo duq Cabdulaahi ku noqotay kadiso, dhabar jab iyo lama yeelaan ah.
Kadib markii Cabdulaahi arkay in hirku isaga ku soo food leeyahay ayuu
go'aansaday in intii isaga mowjadu qaadi lahayd in Nuur Cadde Isagaa fudude
socodo qaadana wadadii walaalkiisii Geedi.
Laakiin Khaladka uu Cabdulaahi sameeyay ayaa ahayd filin horay loo soo galay
inuu ku soo celiyay kaas oo ahaa in wasiiradii isaga gacan saarka lalahaa ama ka
soo horjeeday hanaanka maamul ee Nuur Cadde inuu ka codsado inay is casilaan.
Filimkaani waa mowjadii sajaratay Geedi, sidaa awgeed Nuur cadde oo hooyadiis
ugu ducaysay "igaarkay atoore Ilaahay ha kaadhigo usugaa dhimahayne" ayaa ku
fahmay odayga sheekadaan.
Sidoo kale waxaa soomaalidu tiraahdaa "maxaa waranka iyo weedha kulmiyay ",
isacasilista wasiirada iyo moshin ka dhan ah dowlada cadde ayaa iyaguna kulmay,
sidaa awgeed hadii arinku sidaa ku sii soconlahaa waxaa la saadaalin karay in
seeftu la tagi lahayd Nuur Cadde, khilaafkuna oo san meesha uu maanta marayo soo
gaareen. Maxaa yeelay, xubnaha baarlamaanka badankoodu in Nuur laga takhaluso
ayay u heelanaayeen, codkii aqlabiyada oo kalsooni lagala noqon lahaana way
haysteen. (sababaha ay ku diidanaayeen Nuur Caddena waxay ugu waawaynaa isagoo
dowlada soo hordhigi kari waayay miisaaniyadii dalka, sugi waayay amnigii dalka
, dareemayna in hadii mucaaradka heshiiskiisu sii socdo waxna lagu qaybsado 4.5
in rag badan oo xubnaha baarlamaanku socon doonaan.)
Waxaase nasiib wanaag Nuur Cadde iyo Nasiib xumo Duq Cabdulaahi noqotay markii
Adis looga yeeray labada oday.
Adis waxaa la soo dhoodhoobay wax loogu yeeray heshiis kaas oo meel dhexe labada
oday la isugu keenay sidaa awgeed ayay labadoodiiba heshiiskii soo saxiixeen.
Heshiiskaasi nuxurkiisu wuxuu ahaa sidan:
In wasiirada shaqadoodii ku soo noqdaan
In Maxamed dheere socdo
Kadib in Mooshinka ka dhanka ah Nuur Cadde la joojiyo.
Hadaba khilaafkaasi wuxuu keenay ama dhaliyay dhibaatooyin ay ka mid ahayd:
Dowlado badan oo international community ka mid ah uguna horayso EU inay la
noqdeen deeq maadi iyo macnawi oo ay doonayeen inay la garab istaagaan dowlada
iyo mucaaradka heshiiya.
In niyad jab ay ku keentay wadamada IGAD iyo UN-taba
Niyad jab iyo caro ku dheliyay xubnaha baarlaamanka badankood gaar ahaan kuwii
Nuur inay Carshaan rabay
Itoobiya oo muujisay niyad jab ku aadan hadafkeedii Soomaaliya iyo Dowlad
saaxiib la ah oo ka dhalata Soomaaliya.
Iyo in khilaafkii soo shaacbaxo ilaa maantana wax xal ah ama turxaan bixin ah
aan loo hayn
Hadaba akhristow hadii heshiiskaas la fulin lahaa wax badan oo khilaaf ah oo
maanta jira ma yimaadeen, laba oday oo dowlada TFG hormuudka u ahina way isku
soo dhawaan lahaayeen, jawi wadashaqayn iyo kalsoonina way abuurmi lahayd, balse
waxaa dhacday dhow dhacdo oo talada faraha ka sii bixisay sida:
Xubnihii baarlamaanka badankood oo rabay inay Nuur Cadde tuuraan oo u xanaaqeen
Cabdullahi yusuf, maadaama uu heshiis la soo galay kaas oo mooshinkoodii meesha
ka saaray
In Nuur Cadde uusan fulin heshiiskii Adis, balse la orankaro wuxuu yeeg u
gediyay ama khiyaameeyay Cabdullahi. Maxaa yeelay Nuur Cadde markuu ogaaday in
warqadii shaqo joojin ee Maxamed dheere uu saxiixay Cabdulahi, ayuu mooshin ka
dhan ah wasiiradii uu hoosta uga diray baarlaamanka, taas oo la sii marsiiyay
Aden Madoobe.
Dabadeed waxaa dhacday labo dhacdo oo kulmay taas oo ah in baalamaanka oo u
xanaaqsanaa Cabdulaahi iyo Gudoomiyaha baarlamaanka oo xoogaa nafaqo ah ama
gacan gelis loo dhiibay (sida dad badani aaminsan yihiin) laguna qanciyay inta
xamaasadaani socoto in uu dakhso u mariyo diidmada wasiirada.
Hadaba waxaa cajiib ah dhacdooyinkaas iyo kuwo kale oo badan ayaa ku tusin karta
in Baarlamaanku uusan fahamsanayn shaqadiisa, ra'iisal wasaarahu fahamsanayn
kaalinkiisa, madaxweynahuna dareensanayn xadkiisa. Sadexdooda oo isku duubanina
fahmin, akhrin, kuna camal falin dastuurka ku meel gaarka ah ee TFG-da. Intaas
waxaa kaaga sii daran in aysan dhamaantood ku baraarugin inay isku doon saaran
yihiin hadii doontu dagtana ay dhamaantood harqan doonaan una dhamaan doonto.
Sidaa awgeed qaanuuniyan Ra'iisal wasaaraha waxaa keenay oo shaqada siiyay
Madaxweynaha , wasiiradana waxaa shaqaalaysiiyay Ra'iisal wasaaraha , sidaa
awgeed iscasilista wasiirada waxay ahayd howl utaala RW, ee wax baarlamaanku
shaqo ku leeyahay maaha. Madaxwaynuhuna Mooshin ay wataan Xubnaha baarlamaanku
inuu faraha la soo galo ama joojiyo maahayn. Nuur caddena hadii uu qown leeyahay
inuu heshiiskii Adis ku soo saxiixay khilaafo may ahayn ee in wasiiradii
shaqadoodii ku noqdaan, maadaana uu duq Cabdulaahi labadii arimood oo kale
wallow ay labaduba ku adkayd haba ugu darnaayo cayrinta Maxamed dheeree yeelay
fuliyayna.
Hadaba haatan iyo dan maxaa xal ah:
Akhristow, inta aanan xalka ka hadlin waxaa xusuusin u baahan ama in TFG fahamto
baahan, horta xagayba ka taliyaan: intii iyagu is jiijiidanayeen ayaaba dalkii
la qabsaday oo la qaybsaday'e. Laga bilaabo siinka calamada iyo ceel cirfiid
ilaa Raaskamboni ilaa balad xaawo waxaa haysta Al-Shabaab, Baraxlay Ilaa
Balcadna waxaa haysta Maxkamado, inta kale dalkana waxaa kala haysta Puntland
iyo Somaliland. Muqdisho iyo baydhabo oo TFG difaac tahay habeen iyo dharaarna
weerar lagu yahay mooyee dhulkale oo ay ka taliso ma jiro ayay ila tahay.
Hadaba hadii xaalada dhuleed, maamul iyo awoodeed sidaa tahay TFG waxaa la
gudboon labo arimood, waa hadii ay rabto inay sii jirto, dalkana ay dowlad ka
noqdaane.
Xalka Koowaad: waa in Nuur Cadde Socdo, is casilo ama Moshin ka dhan ahi dhaco
oo shaqada laga eryo. Maxaa yeelay hadii Nuur Cadde uu ahaa sida dad badani
aaminsanaayeene mid wax midaynaya, nabadeed, dhibkana ka saaraya dalka, nasiib
daro taasi ma dhicin balse waxaa dhacday bil caksi, sida intuu meesha joogay
dowladii ayuu kala qaybiyay oo kala diray, mucaaradkii kala qaybi oo kala jebi
sida Al-shabaab iyo Maxkamado, dalkiina dowladu gacanta ku haysayna farahooda ka
bixi, marka hadii ajandihiisa qarsooni ahaa Divive and let the Enemies Rule,
then he succeeded, laakiin hadii dadku u arkayeen inuu mideeye nabadeed yahay
intuu joogay dhiig daata, khilaafkii oo dowlad iyo mucaaradba cirka isku
shareeray iyo dhul lakala dhaco un baa soo badatay ee saxan saxo nabadeed iyo
naruuro midnimo midna ma soo kordhin Mr. Adde, therefore he has to GO.
Xalka labaad waa in Cabdullahi Yusuf is casilo, taasina ciribteedu waxay
noqonaysaa in dad badan oo maanta aaminsan inay midaysan yihiin common enemy #1
uu oday Cabdulaahi yahay in ay dhici doonto in xamar khadkii cagaarnaa soo noqdo
oo la is dooxdo, shabaab iyo maxkamado dagaalamaan, Kismaayo lagu dagaalamo,
Baydhabo dhiigu daato. Taas ugama danlihi mana odhanayo Cabdulaahi waa malaa'ig
nabadeed iyo weli soo daahiray midna, laakiin waa xaqiiqda runta ah ee taala oo
dad badani ogayn, ama ogyihiin oo iska indha tirayaan. In huwan badan oo maanta
wada socota oo isku duubani kala daadan doonto, dabadeedna kadhimeey kadhim iyo
jug jug meeshaada joog noqon doonto. Wax Soomaaliya la yiraahdo ay u dhamaan
doonto.
Xalka Sadexaad waa in labada odayba baxaan, TFG burburto , dagaal sokeeye oo
kala bax ahi dhaco, ay Al-shabab guushu raacdo iyagoo ka soo raayay, TFG,
Maxkamado, Puntland iyo Somaliland, taasina waxa ka dhalan doona iyo dhiiga ku
daadan doona cidwalba way ogtahay cidii ay ka qarsoon ana dahsoon tahayna ha
iska sugyo iyagaaba indhahooda ku arki noonee.
Farah Aw-Osman
awosman@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 16, 2008 |