SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

PUNTLAND IYO DOORASHADA 2009

Sida aan kawar hayno maalmulka puntland waxaa dhidibada loo taagey muda hada lagajoogo tobansano (1998) himiladii puntlan loo aas aasey waxa ay ahayd labo arimood oo muhiim ah

1, in shacabka gobalada puntland kunool helaan maamul dowladnimo oo danahooda kashaqeeya horumar iyo baraarena gaarsiiya

2, maadaama ay soomaliya bur burtey. qabiil qabiil na ukalatagtey in dadka puntland oo isku isir ah ay cududooda mideeyaan si ay soomalida dhexdeeda miisaan ugu yeeshaan hadaba 10sano kadib puntland himiladeedii maxaa kahirgalay?

waxaan dhihi karnaa wax waaka hirgaleen waxbadana waa dhimanyihiin kahor intii aan puntland ladhisin somaliya waxaa lagu qiimayn jiray labo qaybood (waqooyi)iyo (koonfur) hadana waxaa somaliya laguqiimeeyaa sadex qaybood somali land, puntland, iyo koonfur marka dhinacaa lagafiiriyo waxaa ladhihi karaa puntland himiladeedii qayb kamid ah weygaartey laakiin waxaan ku guuldaraysaney in aan gaarno hadafkeenii u gu waynaa oo ahaa in aan helno maamul hufan oo kudhisan sinaan iyo cadaalad

horukacna noohorseeda sida aan kawarhayno markii puntland la aas aasayey waxaa lagu dhisey ( 66xildhibaan) 63 xildhibaan oo beelaha kayimid iyo sedex xubnood oo lasiiyey ragii madaxda ka,ahaa jabhadihii markaa jiray hadaba 63dii xubnood ee beelaha loo qoondeeyey suuragal manoqon in beelaha oo dhan iska dhex arkaan waxa ayna arintu kusocotey oraahda ah (xaq maaha ee waa xal) beelahaas kaharay baarlmaanka iyo guud ahaanba shacbiga puntland wey qaacsayeen waxa ayna rajadoodu ahayd in ay hirgasho balantii puntlan lagu dhisay

oo ahayd in sedex sano kadib lagagudbo nidaamka qabiil ka ku dhisan loona gudbo nidaam dowladnimo buuxda kudhisan qofwalba oo muwaadin ah na uu codkiisa helo nasiib daro 10 sano kadib doodu wali waxay taagantahay meesheedii maalmahan waxaa soo badanayey cabashada ay soo gudbinmyaan beelo reer puntland ah oo aad utirabadan kuwaas oo kacabanaya in eeyan puntland wax xuquuq ah kulahayn maadaama puntland lagudhisay xaq maahee waa xal suuragalna noqonweysey in nidaamkii qabiil ka laga gudbo soo xaq maaha beelahan tirda badan in codkooda ladhagaysto oo baarlamaanka qaybtooda kaqaataan siada beelaha kale ee baarlamaanka kujira maadaaan uusan baarlamaaku kudhisnayn gobol iyo degmo ee uu qabiil kudhisanyahay ,

qabiil miyaa qabiil kale wakiil uganonaaya baarlamaan ka? Dhinaca kale shacbiga puntland oo mudo ladhutinayey dhibaato maamul xumo dhib kasta oo ay qabaan waxa ay niyadooda kudajinayeen in ay soosocota 9 ka Janaayo taas oo ay kurajawaynyihiin in ay saxaan qaladkii ay galeen 10sano ee lasoo dhaafay hadaba doorashadii waxaa kaharay 56maalmood ilaa hadana majiraan wax nidaam doorasho ah oo heshiis lagu yahay xukuumada hada jirta waxay dajisay sharci doo rasho waxayna go,aansadeen in ay garoonka ciyaarta galaan firinbigana hayaan hadaba musharaxiin iyaga mowqifkoodu muxuu yahay inta aan kawarhayo ilaa hada malaha mowqif midaysan waxayna uqayb sanyihiin ilaa mse dex qaybood qeyb waxay qabaan in wax lagu doorto ergooyin sidii puntland lagu aasaasay oo kale 360 ergay beelaha aan baarlaanka kujirin na inay xuquuqdooda helaan

oo doorashada kaqayb qaataan qayb kale waxay qabaan in ladhiso gudi doorasho oo madax banaan laakiin wax dood ah kama qabaan in nidaamkii hore wax lagu doorto qaybta sedexaad weli mowqifkooda macadaysan Ugu danbayntii waxaan kusoo gunaanadayaa maqaalkayga maxaa laguboon maamulka cade muuse maxaase lagudboon musharaxiinta iyo guud ahaan shacbiga puntland maamulka cade muuse waxaan leeyahay xisaabta kudarsada shacbiga puntland idinkama yeelayo doorashadii ay mudada sugayeen in aad kadhigtaan hal bacaad lagulisay,

cade muusoow masuuliyad baa kusaaran hakufakarin aniga ama laigama danbeeynaayo dantaada gaarka ah kahormari tan puntland iyo inay puntland sii jirto

Musharaxiinta iyagana waxaan kuladardaarmayaa in ay danahooda gaar ka ah iyo kursi raadis ka kahormariyaan danta guud ee puntlan in ay samaystaan nidaam ay kumi daysan yihiin oo kusaabsan qaabkii doorashadu udhci lahayd in midnimada beelaha puntland ilaaliyaan. in ay guuldarada ogolaadaan sida ay guusha uogolyhiin.

SHacbiga puntland na waxaan kuladardaarmayaa sidii looga bartey in ay midninadooda iyo nabadooda ilaashadaan

Isimadana waxaan leeyahay maanta masiirkii puntland gacantiinuu kujiraa puntland na maanta hiil bay idiinka baahantahay waxaad maanta samaysaana waa mid sigaar ah loo xusuusandoono marnaba hakufakarina in aad dib usoo celisaan xildhibaadii hore ee madax katiriska sidii ariga loo kal iibsanayey 10 baa ii gadan iyo 20tan baa iigadan marna madhacayso in aan idinka aqbalno kuwaas kudadaala in aad noosoo xushaan dad diin leh wadaniyad kujirto jecelna puntlan in ay hore udhaqaaqdo ilaahow xaqa nawaafaji wabilaahi towfiiq

ISMAIL SAID OSMAN

ISMAACIIL-SAKI2002@YAHOO.COM saki23@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 16, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS