SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Fatahada Webbiga Jubba Uu Ka Gaystay G/GEDO Oo Uu Ka Dhashay Barakac Xoog leh

Tan iyo Markii Webiga Jubba uu billaabay in uu ku fataho deegaanno ka tirsan degmooyinka iyo tuulooyin ku teedsan webbigasi ,kuwaasoo dhaca gobolkan Gedo ayaa waxa uu sababay barakac aad u ballaaran.
Boqolaal qoys oo u badan haween iyo carruur ayaa billaabay inay isaga cararaan guryahooda kagadaal markii ay fatahaada webbiga saamaysay dhulkii ay deganaayeen waxaana kamid ah meelaha uu webbiga Jubba ku fatahay Degmooyinka Luuq,Dooloow Iyo Buurdhuubo.



Dadka Ka Barakacaya guryahooda ayaa markoodii hore ku tiirsanaa tabaca beerahawaxaana ay iminka ay ku noolyihii goob taag ah oo ka baxsan webbiga,halkaasoo aysan ku haysan waxyaabihii aas aaska u ahaa nolosha bina’aadamka.

Xasan Gaaruun Diiriye oo mid ah Ururka Beeralayda Degmada Buurdhuubo ayaa walaac ka muujiyay nolol xumo soo wajahday beeralayda degaanka Buurdhuubo.waxana uu ka digay haddii aan kaalmo lala soo gaarin in ay dhici karto in xaalad halis ah ay galaan.




Fatahaadaasi uu iminka gaystay webbiga Jubba ayaa la rumaysanyahay inay ka dhalatay kagadaal roobab xoog leh oo ka da’ay dhulka ismaamulka soomaalida ee waddanka Itoopiya oo uu webbiga jubba soo maro.arrintaasi ayaa waxaa sidoo kale sare u sii qaaday kanaalo yar yar oow ebbiga ay beeralaydu ku waraabsan jireen.



Mamulka.Odayaasha Iyo waxgaradka Degaanada ay fatahaadaha ka dhaceen ayaa ka codsaday in lala soo gaaro kaalmo deg deg ah si loo samata baxsho dadka dhibaatada ay haysato maadaama aysan iminka jirin meel ay ku tiirsanyihiin.
Fatahaadan ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xili roobab xoog leh ay misana ka da’aan Gobolkan Gedo,kuwaasoo sababay in daadad ay ku soo rogmadaan xaafado ku yaallla degmadan baardheere.

Maxamed Gaarane Aadan

Somalitalk News Desk Gedo
Baardheere-Gedo

gaarane68@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 15, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS