SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

{Jabuuti}= Shir Al-baabada u xiran oo ay yeesheen Golaha fulinta Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya

Shir Al-baabada u xiran oo ay isugu yimaadeen xubnaha Golaha fulintaa Is-bahaysiga dibu-xoreynta Soomaaliya oo uu shir gudoominayo Gudoomiyaha Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Sheekh Shariif ayaa lagu qabtey Hoteel Imperial ee caasimada dalka Jabuuti.

Shirkaan oo socdey in ka badan laba saacadood ayaa markii uu soo gabageboobey Xog-hayaha warfaafinta Axmed Cabdullaahi, oo aan wax ka weydiiyey ujeedada shirka iyo waxyaabiohii layskulaa soo qaadey ayaa waxaa uu yiri “ shirkaan wuxuu ahaa mid aan caadi ahayn, waxaana looga hadlaayey, xaalada guud ee dalka uu ku sugan yahay, is-bedelada siyaasadeed, tayeynta ciidan iyo dardar gelinta hawlaha Is-bahaysiga u xilsaaran fulintooda”

Mar uu ka hadlaayey Axmed Cabdullaahi xubaha shirka ka soo qayb galey ayaa wuxuu yiri “shirka waxaa uu ahaa mid ay isugu yimaadeen xubnaha Golaha fulinta Is-bahaysiga, waxaana shir gudoominayey Godooomiyaha Is-bahaysiga Sheekh Shariif, gunaaanadkiina shirka waxaa laysku af-gartey in gudiyo soo aruuriya waxyaabihii looga doodey loo saaro, islamarkaana dib laysugu soo noqdo mar kale, si go’aan looga gaaro talooyinka ay soo jeediyeen gudigan”.

Shirkan ayaa wuxuu qayb ka yahay kulamo is daba jooga ahaa oo uu kula yeelanayey Sheekh Shariif xubnaha Golaha dhexe iyo Golaha fulinta Is-bahaysigiisa tan iyo markii uu dib ugu soo noqdey safaro kala duwan oo uu ku soo kala bixiyey dalka gudihiisa iyo dibadiisa, gudoomiyaha ayaa wuxuu ka codsadey Is-bahaysiga guud ahaan sidii loo fulin lahaa qodobadii heshiiska, isalmarkaana loo qaadan lahaa talooyin wax ku ool ah o ay soo jeediyeen, mas’uuliyiinta Is-bahaysiga eek u sugan dalka gudihiisa.

Dhinaca kale waxaa 11/11/2008-da soo gaarey caasimada dalka Jabuuti xubno uu hogaaminayo Axmed Walad Cabdallah, kaasoo ujeedadiisa safarkiisa aan la shaacin, bale warar kala duwan oo aan helney waxay sheegayaan in shirkii ay isugu imaan lahaayeen gudiyada labada dhinac ee ARS iyo TFG oo lagu wado inuu dhaco 17/11/2008-da, furitaankiisa in uu u yimid.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Nov 14, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS