Boqolaal qof oo maalintii sedexaad si xawli ah isaga diiwaangalinaysa
Johannesburg, iyadoo xumada buufiska ay gaartay halkii ugu saraysay ebed.
Safaf dhaadheer ayaa loo galay xafiiska jaaliyada Soomaaliyed ee K/Afrika
(SASA), iyadoo diiwaangalintu ay ka socoto maalintii sexedaas, boqolaal iyo
boqolaal Soomaali ah oo dhoofku uu madax maray ayaa buuxdhaafiyey xafiiska SASA
kadib markii si layaab leh uu u fidey war dhoof ku saabsan oo aan la xaqiijin.
Markaliya ayay K/Afrika wax kasta is badaleen, hadal kasta oo dhegahaaga kusoo
dhaca oo aad ka maqashid afka qof Soomaali ah waa arrin ku saabsan dhoof iyo
diiwaangalinta oo si aan waligeed horey loo arag oga socota xafiiska SASA.
Waxaa si aanan la malaysan karin u fidey war ku saabsan in Soomaalida la
dhoofinayo dalkana laga qaadayo, qof kasta oo aad la kulanto taas ayuu kuu
sheegayaa, dadka qaarkoodna waxayba kaaga dhigayaan in dayuurada Maraykanka u
rakaabsanaya ay taaganyihiin, dadkana la daadgureeynayo.
Waxaa la sheegey dad ganacsiyadoodii soo xirey si ay isu diiwaangaliyaan kadib
markii ay maqleen sheekada, haween caruuro watta iyo odayaal, iyo waliba
shaqsiyaad caan ku ahaa kasoo horjeedka jiritaanka jaaliyadani ayaa buux
dhaafiyey xafiiska, waxayna dhiibanayaan nuqullo (copy) sharciyadooda ka mid ah
kadibna diiwaanga la galinayo.
Marka aad xafiiska jihadiisa aadid xittaa haddii aadan garanaynin halka uu ku
yaala waxaa ku hagaya qulqulka dadka oo mararka qaar sidii dad qaxaya fiilo u
samaynaya inta u dhaxaysa xaafada Soomaalida iyo meesha uu ku yaalo dhismaha
xafiiska oo guri dhan kaligiis ku fadhiya. marka aad illinka gaartid waxaad ugu
tagaysaa dad taagtaagan oo aan wali laga qaadin sharciyadooda oo sugaya fiilada,
waxaa suurogal ah in ay kugu qaadato muddo 20 daqiiqo ah in lagu diiwaangaliyo,
waxaa diiwaangalinta wadda koox rag ah oo magacaaga iyo sharcigaaga nuqulka ah
ku daraya diiwaan gaar ah iyadoo la eegayo hadba waxa aad tahay, tusaale ahaan
curyaan, qof xanuunsan, xaasaska, iyo wax la mid ah.
Maalinimadii khamiistii xafiiska ayaa xoog lagu xirey iyadoo ay wali dad
hortaaganyihiin salaadii maqribka kadib, la yaabi meeysid in aad suuqa ka
maqashid dhalinyaro ku sheekeysanaya in maalinta xigta ay xafiiska hortiisa sii
seexan doonaan si aan safka looga hormarin.
Garan meeysid cidda dadka wax u sheegtey, iyo duulalka u warama, gabar ayaan
weeydiiyey waxa meesha ka socda, waxay igu tiri “war heedhe Maraykanka iyo
Canada ayaa la’isku shubayaa sow kama warheeysid, war yaanan dhurwaaga lagaag
tagin ee horey iska diiwaangali”, inta aan qosley ayaan horey u galay xafiiska
si aan u wajaho gudoomiyaha Jaaliyadda Maxamed Cabdi Diiriye “Qooqaani” oo
malaha ay u ahayd saacidihii ugu mashquulka badnaa ee waligiis soo mara, waxaa
hareerihiisa hawada ka xirey ku dhawaad 30 qof xafiiskiisa 4 mitir ee isku
wareega ah, , halka xafiisyada kale aadan kaba fakari karin in aad foodo galiso.
Ugaas Qooqaani waxaan weeydiiyey waxa meesha ka jirra, wuxuu ii sheegey in uusan
garanaynin cidda dadka u warantey, balse sababta diiwaangalintu ay tahay
barnaamij muddo billo ah jirey oo ay jaaliyada ay ku dooneysey in ay wax u
qabato dadkii dhibaatada soo gaartay, gaar ahaan dadka curyaamay, agoonta
aabayaalkood ay ka dhinteen, qoysaska tabaaleysey, iyo dadka caafimaad darada ay
heeyso, diiwaangalinta kadib ayay jaalidu damacsanayd in magacyadaasi u gudbiso
dowlada iyo hey’adaha ay quseyso si ay wax ugu qabtaan dadkani sidii marar hore
dhacdayba, balse war cidda uu kasoo fuley aan la garanaynin ayaa suuqa la
galiyey, kaasoo keeney in ay sidani wax u dhacaan.
Waxaan weeydiiyey mar haddii ay arrintu sidaasi tahay sababta ay u
diiwaangalinayaan dadka aanan ahayn kuwaasi uusoo sheegey ee an wax dhibaato ah
qabin, wuxuu iigu jawaabay “ma jirto cid aad ka dhaadhicin karto, dadkani wax u
warama garan meeysid, waxbo kaa dhagaysan maayaan, laakiin in aan diiwaangalino
waxbo kuma jabna haddiiba ay sidaasi ku qancayaan, waxayna sahli doontaa in
haddii ay timaado cid wax qabanaysa aan markiiba heli karno dadka diiwaankooda”.
Wuxuu ka gaabsaday in uu sheego hey’adaha iyo jihooyinka dowliga ah ee laga
yaabo in ay damacsanyihiin in ay Soomaalida wax u qabtaan.
Waxay wararka dhoofka ku saabsan cirka isku shareereen markii uu soo baxay war
kale oo sheegaya in saraakiil safaarado ka socda ay booqdeen xero Pretoria ku
taala oo ay dad Soomaali ah ay ku jirraan, waxaa la sheegey in xeredaasi oo ay
kol hore dowlada xirtey dadkii Soomaalida ee ku haray ay diideen in ay ka
baxaan, iyadoo markii waftiga aan la xaqiijin ee safaaradaha ka socda ay
booqdeen ay dadkii Soomaalida diideen in uu qof kale kusoo biiro xerada, waxaa
la sheegey in marka aad hal kilo mitir xereda kaga soo muuqato ay dhagax
halkaasi kaaga horkeenayaan, wixii aad isugu timaadaana uu uun tahay dagaal iyo
gacan qaad.
Waxaa kale oo iyadana soo baxday in qoowmiyado kale sida Xabashida ay iyaguna
bilaabeen in ay is diiwaangaliyaan oo ururo ay leeyihiin xabashida ay Pretoria
diiwaangalinta ka wadaan.
Tan iyo bishii May ee sanadkani markii ay dhaceen rabshadihii dalka gilgiley ee
shisheeye nacaynbka ahaa waxaa si shaac ah dibbada ugu soo baxay warar kuwani oo
kale ahaa oo la’isla dhex ordayay oo ku saabsanaa in la’isu qaadayo wadamada
galbeedka, dadka xerooyinka ku jirray ayay ahaayeen kuwii siyaasada dalka
K/Afrika oo dhan qalqal galiyey kadib markii ay xittaa qaarkood cuntada ka
soomeen iyagoo dalbanaya in loo sameeyo dib u dajin, arrintaasi oo dowlada dalka
meel adag iska taagtay, gaashaankana ku dhufatay.
Warar goordambe iga soo gaaray magaalooyinka Pretoria, Port Elisaberth, iyo Cape
Town waxay sheegayaan in xafiisyada SASA ee magaalooyinkaasi ku yaala iyo
wakiilada u fadhiya meelaha aan aysan xafiiska ku lahayn ay iyaguna ka
bilaabatay diiwaangalin tan oo kala ah oo aad u xoogan.
Soomaalidu ma ahan wax tacajab ku ah in wadamada reergalbeedka ay dib u dejin u
sameeyaan dad qaxooti Soomaaliyeed ah, dalka Kenya waxaa muddo 20 sanno ah ka
jirey xumada buufiska oo dad kumanaan iyo kumanaan qoys ah dib u dejin looga
sameeyey dalka Maraykanka, dadka iminka sida weyn loo hadal hayo in Maraykanka
uu dib u dejin u sameeyo ayaa ah dadka kasoo jeeda gobolada Ogadenya ee dhulka
Soomaali galbeed kuwaasoo ku jirra xerada Xagar Dheer ee degmada Dhadhaab.
Johannesburg iyo Xafiisyada SASA maalmaha soo socda waxay u noqon doonaan kuwii
ugu mashquulka iyo madax xanuunka badnaa, iyada oo warka daqiiqad kasta uu
jarayo masaafo baaxad leh, qof kastana dhagahiisa gaarayo.
Madaxda SASA waxay u tahay “gamuun la ganay, ka gaaris ma leh”, warka dhoofka ku
saabsan ee faraha ka baxay ma jirto qaab lagu horjoodsado, mana jirto qof laga
dhaadhicin karo sida ay wax u jirraan, xittaa haddiiba ay jirraan dad dib u
dejin loo samaynayo, ma noqonayaan 30,000 kun (30-ka kun) ee Soomaalida ah ee
dalka ku nool in la wada dhoofinayo, saraakiisha jaaliyadana waxay ku
qasbanyihiin in ay cid kasta diiwaangaliyaan si aan loo tirsan wax godob ah.
SASA waxay dhisantahay 10 sanno, waxaa la asaasay 1998 dii, waana ururka kaliya
ee dhamaan qoowmiyada laajiga ah ee dalka ku nool marka la’isu geeyo heysta
aqoonsi gunta u qodan xagga dowlada, ka sokow wax qabadkii 10kii sanno SASA ay
Soomaalidu qabatay, arrintii ugu dambeeysey ee dadka sida weyn ugu diirsadeen
ayaa ahayd in ay shaqo galisey ku dhawaad 10 qof oo ka howlgalaya xafiisyada
wasaarada arrimaha gudaha ee dalka ee Soomaalida ay sharciga ka qaataan kuwaasoo
si weyn loogu dhibbanaa.
Jaaliyada oo ololihii ugu weynaa ee siyaasadeed u gashay nidaankii maxaakiimta
islaamiga ahaa ee Soomaaliya ka curtey 2006 dii illaa heer dowlada dalka ay ka
dhaadhicisey in ay ergo u u dirto Soomaaliya, ayaa ku samaysatay mucaaradad dad
ka mid ah Soomaalida oo ay horboodayaan dad ganacsato ah oo xariir dhow la lahaa
madaxda DF, kuwaasi oo markii dambe sameeyey urur kale kaasoo madaxdiisa ay
maanta ka mid ahaayeen kuwii iska diiwaangaliyey iyaga iyo qoysaskooda isla
xafiisyada jaaliyadii shalay ay damacsanayeen in ay hilfaha u laabaan,
sheekadani ayaa dadka Johannesburg u abuurtey sheeko maad iyo qosol leh.
FG: waxaa hawada kusoo jirta qormadii Xuuraan oo aad maalmahan u xiisteen, kuna
saabsan dhoofka iyo Soomaalida K/Afrika, qosolka iyo layaabkana ha’iska sii
dhamaynin, u keeydso C/naasir Saxansoxo iyo qormadii Xuuraan.
Cabdinasir Axmed Sh. Bashiir (saxansoxo). Email:
saxansoxo1@hotmail.com
Tell: +27767059384. SomaliTalk.com, Johannesburg.
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 14, 2008