Kuwait: xaflad qado sharafeed oo lagu sagootinaayo wafdiga ka yimid
Soomaaliya xafladaaso heerka sare aheyd ay soo abaabushay safaaradda
soomaaliddu ayku leedahay Dalka Kuwait uwna horumoodka ka yahay Danjire
C/qaadir Amiin sheikh Abuubakar.
Waxaa gelinkii danbe ee maalintii talaadda 11/11/2008, Hoteelka Al Haia
ee wadanka Kuwait ka dhacay xaflad qado sharafeed oo lagu sagootinaayo
wafdiga ka yimid Soomaalliya xafladaaso heerka sare aheyd ay soo
abaabushay safaaradda soomaaliddu ayku leedahay Dalka Kuwait uwna
horumoodka ka yahay Danjire C/qaadir Amiin sheikh Abuubakar.
Wafdigaasi ee u horkacaayay Sheikh Maxamed Qeyrow Aden oo ah Agaasimaha
guud ee wasaaradda . caddaaladda iyo Awqaafta DFKMG iyo agaasimaha waxda
awqaafta mudane C/qaadir Sheikh Cali ibrahim oo wafdigaaso casuumaad ka
helay dawladda kuwait gar ahan Wasaaradda Awqaafta .
Sidoo kale madaxda wafdiga soomaaliya waxay is arkeeyn madaxda
wasaaradda Awqaafta ee Dawladda Kuwait , iyo sidoo kale madaxdda
Uruuradda Sama falka, ee reer KUWAIT .
Ayagoo ka wadda hadlay labadda dhinacba si xoojinta xiriirka walaalnimo
iyo wax wada qabsiga, taaso ay isugu afgarteyn dhamaan waxii laga wada
hadlay .
Xafladdaas qado sharafeedkaasi waxaa ugu horeyntii ka hadlay safiirka
soomaalia u fadhiya ee dalka kuwait Danjire mudanne Cabdulqaadir Amiin ,
) isagoo soo dhawaynaya dhammaan wafdiga iyo marti sharafta kale ee
shirka iyo xafladaasi joogtay .ka dib aya safiirka soomalia ka
warbixiyay waxyabaha la taabankaro ee dawladda Kuwait iyo uruuradda
samafalka ee dalak Kuwait ay soomaalidu u qabtay lama soo koobi karo ayu
yiri danjire C/qaadir amiin ayaa sheegay asagoo tusaale ahaan u soo
qaatay sida 1= waxbarashadda ,2= xurumnaha agoonta.=3 u gargaarka dadka
barakacay.4= .cusbitaalladda iyo masaajidyadda 5=.caafimaadka iyo indho
fiqista iyo ugargarida dadka cudurada soo rita sida dac'uunka oo
dawooyin deg deg u gaar siyo meelahaas oo cuduradda ka dilaaca ee dalka
hooyo ka mid ah iyo iwm.
Xafladaasi waxaa sidoo kale ka hadlay Sheikh maxamed qeyrow Agaasimaha
guud ee wasaaradda caddaaladda iyo arr.Awqaafta .aya sheegay in aay la
kulmeyn intii aay joogin dalka Kuwait soo dhaweyn her sare ah asagoo si
gaar ah ugu mahad celiyay danjire C/qaadir amiin shelkh iyo madaxda kale
ee diplomasiyiinta safaaradda soomaalidu ee dalka Kuwait .iyo
jaaliyaddooda oo si aan kala go'laheyn hil iyo hoba leh iigu so dhaweyda
waxuu yiray waan ooga mahad celinaaya sido kale bu yiri waxaan salaam
kal iyo lab leh idinka gaar sinaayaa dhamaan madaxda dalka iyo shacaba
soomaaliyeed …