SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

BANDHIG DHAQMEED LAGU SOO BANDHIGAY WADANKA NETHERLAND OO AY SOOMAALIYA KA QAYB GASHAY.

Sawirada Halkan ka daawo....


Waxaa lagu soo Bandhigay Dhawaan Wadanka Netherland Bandhig Dhaqmeed oo ay Soo Qaban qaabisay Hay,adda STICHTING KLEURRIJK BERAAD oo ka dhisan Gobolka Frieslan ee Woqooyiga Wadanka Netherland.

Bandhigan ayaa waxaa ka soo Qayb galay ilaa Dhawr iyo Toban Wadan oo ka Mid ah Wadamada iyagu Magangalyada ku jooga Wadanka Netherland oo ay ka mid yihiin Wadamada Maroko,India,Turkiga,Somalia,iyo Kuwo Kale oo ka yimiday Wadamada Qaaradda Afrika.

Xafaladii lagu soo Bandhigayay oo ka Dhacday Xaruunta Lagu soo Bandhigo Dhaqamada iyo hidaha ee Magaalada Leeuwarden oo ah Xaruuna Gobolka Frieslan ayaa waxaa soo Bandhigay Qaar ka tirsan Xubnaha Jaaliyadaha Ajnabiga ah ee iyagu ku nool Guud ahaan Goboolka Frieslan oo ay ka mid ahayd Jaaliyadda Soomaalida ee k u nool Goblokaas.

Bandhigan ayaa Wadan waliba waxaa uu soo bandhigayay Hidaha iyo Dahaqanka Wadan Waliba uu Caanka ku yahay sida Raashinka iyo Waxyaabaha Taariikhiga ah oo uu Wadan waliba leeyahay oo ka mid tahay Hidaha iyo Dhaqanka Wadanka.

Hadaba Jaaliyadda Sooomaalida ee ku nool Gobolka Frieslan ayaa iyadu waxaa ay ku dadaashay sidii ay ugu soo bandhgi lahayd Xafladaas Hidihii iyo Dhaqankii ay lahayd umadda Sooomaalida,waxaana ay Goobta Xafladda ka dhaceysay ay Jaaliyadda Soomaalida ay ku soo bandhigeen Barnaamij ka Kooban:

Soo Bandhigitaanka Hidaha iyo Dhaqankii Soomaalida,Iyo soo Bandhigitaanka Buugaag ka Hadlaya kala Duwanaanshaha Dhaqanka Somalida iyo kan Wadanka Netherland oo uu Qoray Alaha u Naxariistee Siyaasiga Weyn ee Soomaaliyeed Md:Dahir Yusuf Maxamuud oo ka mid ahaan jiray Xubnaha Jaaliyadda Soomaalida ee ku Nool Gobolka Frieslan isla Markaana Xilal Kala Duwan ka soo Qabtay Maamuladii hore ee Soomaalida.

Sidoo Kale Xafladan ayaa isaguna waxaa Ku soo Bandhigay DVD ka hadlaaya Muhiimadda uu isbortigu u leeyahay Bulshada iyo isbortiga in uu yahay kan kaliya oo Bulshada isku keeni kara Ciyaaryahanka Caanka ah ee Soomaaliyeed ee Ciyaara Kubadda Miiska Mr:Magan Tahir Yusuf oo isaguna ka mid ah Xubnaha Jaaliyadda Soomaalida ee ku Nool Gobolka Frieslan ee Wadanka Netherland . Isla Markaana ah Ciyaaryahan Asalkiisa ka soo Jeedo Soomaali oo u Ciyaara Kubadda Miiska Xulka Qaranka Wadanka Netherland iyo Waliba Naadiga D.O.V oo ka Dhisan Goblka Freislan .

C/qaadir Jaamac oo ka ah Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Goboolka Freislan ayaa Sheegay in iyagu ay Mar waliba ku Dadaalaan sidii ay Magaca Soomaalida u geyn lahaayeen Goobaha ay iskugu yimaadaan Dhamaan Wadamada Kale ee ku Nool Wadanka Netherland Wuxuuna Sheegay in Xafladan Tii ka horeysay oo la Qabtay Sanadkii 2004ta ay sidaan oo kale u soo Bandhigeen Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida.ayna sii wadi doonaan ka Qayb galka Barnaamijyada noocaan oo kale ah si Magacii soomaalida ay u soo bandhigaan aduun weynahana Barto.

Dhanka kale Ciyaaryahanka Caanka ah ee Soomaaliyeed islma Markaana lagu Naaneyso Mucjisada Kubadda Miiska Mr,Magan Tahir Yusuf ayaa isgana Sheegay in uu Mar Waliba ku dadaalayo in uu Hormariyo isbortiga isagoo sheegay in uu Xafladan ku soo bandhigay DVD ka hadlaya Taariikhdiisa Ciyaareed iyo in Ciyaaraha yihiin kan kaliya ee isku xira Bulshada iyo in isbortigu yaha kan kaliya ee isku keeni kara Bulshada.,Wuxuuna sheegay Magan in uu isagu jecelyahay Mar Waliba in Bulshada Soomaaliyeed ee Cayaaraha Xiiseeya in ay ku dadaalaam mideynta Walaalahooda Soomaaliyeed ee Dhibaatada dabada dheeraatay haleeshay.

Xafladan ayaa Xubnaha Jaaliyadda Soomaalida ee Gobolka Freisland waxaa ay ku soo bandhigeen Cunto Soomaali sida Sanbuuska iyo Bajiyaha,iyo Sidoo kale Sawirada Taariikhiga ah ee Soomaalida sida Sawirada Axmed Gurey,Xaawo Taako,Maxamed Cabdulle Xassan,Aadan Cabdulle Cismaan,iyo sidoo kale Sawiro Muujinaya Goobo Taariikhi ah oo Muujinaya Bilicsimada Magaalada Muqdisho.iyadoo sidoo kale la soo bandhigay Dharkii Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida iyo waliba Alaab Muujinaya Hidahii iyo Dhaqankii Soomaalida.waxaana Sidoo kale Goobta Xafladda ka Dhaceyysay laga Daaray Heeso Soomaliyeed iyadoo ay kuwada Raaxeysteen isla Markaana ay Si Qiirad leh u Ciyaareen Dhamaan Dadkii ajnabiga ahaa ee ka soo Qayb galay Xaflada.

Ugu Danbeyntii ayaa Guud ahaan xafladan waxaa ay ku soo gaba gabowday sidii loogu tala galay iyadoo ay Xubnaha Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool Gobolka Freisland ay si a aad ah goobta Xafladda ka dhaceyysay ay u soo camiireen iyaga oo ka kala yimida Xaafado badan oo ka tirsan Gobolka Friesland isla markaan si aad ah waxay ula dhacsanaayeen Qaabka ay Xafladani u Dhacday.

Maxamed Abukar Sh/xassan(M.deeq)
Leeuwarden,Frieslan,Netherland
GSM:0031643642191
E-mail: deeq1982@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Nov 13, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS