SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Diyaaradaha Kenya oo Talaadadii Dulheehaabay hawada Deg.Ceelwaaq Ee G/Gedo


Wararka naga soo gaaraya qaybo ka mid ah deeganada xadka u dhaxeeya soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan deg.ceelwaaq ee gobolkan Gedo ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey ee Talaadadii hawada Degmadaasi lagu arkay diyaaradaha dagaalka oo joog hoose ku socda kuwaasoo dul heehaabaya magaaladaasi.

Diyaaradahan oo la sheegay inay yihiin kuwa militariga Kenya ayaa waxa ay cabsi ku abuureen dadka deegaanka iyadoo dadka degmada Ceelwaaq ay sheegeen inay walwal xoogan ka qabaan dhaqdhaqaaqa dhanka hawada ee Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya oo maanta duhurnimadii kor wareegayay hawada.

Qof ku sugan degmada Deg.Ceelwaaq oo ka gaabsadey in magaciisa saxaafada laga sheego ayaa xusey in saacadihii ugu dambeeyey guuxa diyaaradaha dagaalka Kenya ay dadku si weyn u dhibsadeen.waxaa qoysas badan oo halkaasi ku dhaqan ay isaga carareen guryahooda ku soo u baxay dhinaca dhulka miyiga ah.
Dadka deegaankaasi ayaa waxaa cabsi iyo wal wal ku keenay diyaaradaha oo dul heehaabaya hawada degmada Ceelwaaq waxaana ay arrintan timid kaddib markii habeenimadii isniin afduub loo gaystay labo dumar ah oo u dhashay wadanka talyaaniga.kuwaasoo ay qafaasheen koox aad u hubeysan oo aan heybtooda la aqoonsanin.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in maanta ay magaalada ceelwaaq ka jirto xiisad kacsan kagadaal markii ay dadku maqleen guuxa diyaradaha.waxaana xiran inta badan goobaha ganacsiga sida ay ii sheegtay gabar diiday in magaceeda la isticmaalo.

Maxamed Gaarane Aadan
Baardheere /GEDO


Faafin: SomaliTalk.com | Nov 12, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS