SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xafiis Cusub ee Northland State of Somalia (Buuhoodle)

ka dib dood badan iyo falanqayn dheer ayaa waxa go’aan lagu gaaray in laga furo xafiiskii ugu horeeyey ee ay yeelato Northland State of Somalia wadanka gudihiisa. Xafiiskan ayaa waxa laga furayaa magaalada Buuhoodle, halkaas oo lagu soo bandhigi doono hindisaha dowlada Northland iyo sidii ay uga taaba geli lahayd dhamaan gobolada oo dhan.


Xafiiskaas oo noqon doona mid ku simo ah inta la xoreynayo caasimada gobolka oo ah Magaalada laascaanood. Xafiiskan ayaa hada waxa lagu guda jiraa sidii loo qalabayn lahaa iyo gudigii maamuli lahaa.

Waxa mahad balaadhan aanu u soo jeedineynaa: cuqaasha, isimada, culimada, ardayda, abwaanada, ganacsatada iyo haweenka gobalka. Amaantaas oo aanu ugu mahad celineyno sida diiran ee ay noogu soo dhaweeyeen, kuna dhiiradeen in maanta laga furo xafiis xor ah oo ka madax banaan labadii maamul ee soo maray goboladan. Anagana waxa aanu ka balan qaadaynaa in aanu ku soo dabaalno gobalkan nabadgalyo, horumar, iyo in si dhaqso ah loogu xiro caalamka oo markii hore laga indha saabay.

Warqad qiimo badan ayaanu u gudbinay caalimka in ay indho dheeraad ah ku eegaan goboladan la xaqiray, lagu abuuray colaada, laga dhigay xuduud, dadkoodiina lagu xidhxidhay jeelasha Somaliland iyo Puntland, markii la doonana lagu dhex gowraco jeelasha.

Abdimalik Askar
aabdimalik@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Nov 12, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS