SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Mudane ka Tirsan Baaralamaanka FKMG Soomaaliya Oo Gurigiisa Lagu Weeraray Bam Gacmeed


Xildhibaan yuusuf maxamed kheyre oo kamid ah xilidhibaanada baarlamaanka FKMG ah ee soomaaliya ee dhowaan kasoo laabtay dalka Kenya islamrkaana ku sugan magaalada baydhabo ayaa saaka goor hore gurigiisa lagu weeraray bam gacmeed kaasoo khasaare u gaystay dad rayid ah oo xiligaas ka ag dhowaa goobta qaraxa loo gaystay .

Inta la og yahay labo qof ayaa dhaawac kasoo gaaray qarax bam gacmeed oo lagu weeraray guriga xildhibaanka kaasoo qaraxa kadib ay soo gaareen goobtaasi ciidamada booliska dowlada KMG ah islamrkaana rasaas afarta gees u riday islamrkaana ku kala eryey dad shacab ah oo qaraxa kadib goobta kusoo buuqay .

Sidoo kale qaraxan ayaan waxba u gaysan xildhibaanka lalala beegsaday hoygiisa bam gacmeedka kaasoo sida ay wararku sheegayaan ku qarxay afafaafka hore ee guriga xildhibaanka .

Dhinaca kale weerarkan bam gacmeed ee loo gaystay Guriga xildhibaan yuusuf maxamed kheyre ayaa kusoo beegmay xili habeen hore lagu qaarijiyey magaalada baydhabo gudoomiyihii baydhabo xasan roonoow taasoo walaac kusoo kordhisay mudanayaasha baarlamaanka oo dhowaananahanba kusoo laabanayey magaalada baydhabo kadib markii ay kulamadi IGAD kazoo qayb qaateen kuwaasoo ka dhacay dalka Kenya magaaladaiisa Nairobi .


Dilal kala Duwan Oo Ay Ciidamada AMISOM Iyo Kuwa Ethiopia U Gaysteen Dad Rayid Ah

Ilaa labo qof oo rayid ah ayaa saaka ilaa xalay ay ciidamada AMISOM ityo kuwa Ethiopia ku kala toogteen goobaha ay fariisimada ku leeyihiin kuwaasoo sida la sheegay ku diley garoonka diyaaradaha aadan cadde airport iyo isgoyska folorensa ee degmada wardhiigley .

Mid kamid ah dadkan oo labaduba ahaa labo nin ayaa isagoo saaka ku dhex lugaynaya wadada dheer ee isku xirta wardhiigley xaafada xararyaale islamrkaana kusoo jeeda dhinaca suuqa bakaaraha ayaa ciidamada Ethiopia ee fariisinka ku leh isgoyska wardhiigley ku toogteen halkaasi isagoo ku geeriyooday goobtaasi ,halka marxuumka kalena ay ciidamada AMISOM habeenkii xalay ku dileen irida weyn ee garoonka diyaaradaha ee aadan cadde airport .

Ma cada sababta ka dambaysa dilka loo gaystay labadan marxuum ee rayidka ahaa iyadoo dadka qaarkiis ku macneeyeen inay ciidamada isku jirka ah ee AMISOM iyo Ethiopia ay xiliyada ay dagaalka la galaan xoogaga kazoo horjeedaa kadib ay ka aar goostaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan .

Dagaal U Dhexeeya Ururka Al-shabaab Iyo Kooxo Hubaysan Oo Is Abaabuley Oo Ka Dhacay Degmada Ceeldheer

Sida uu saxaafada u sheegay sh,cali dheere oo xiligan ku sugan degmada ceeldheer ee gobolka gal-guduud ayaa shaaca ka qaaday inay xalay ilaa saaka dagaal kusoo qaadeen Kooxo hubaysan oo ka tirsan kuwo ka falaagoobay awaamiirta ay ururka alshabaab doonayaan inay ku xaqiijiyaan shareecada islaamka ee gobolka gal-guduud waa siduu hadalka u dhigaye

Sheikh Cali Dheere oo ah madaxa gobolada dhexe ee Ururka Al Shabaab oo ka hadlayey qaar ka tirsan idaacadaha magaalada muqdisho ayaa xusay in dagaalku uu saaka markale dib u bilowday islamarkaana uu haatan dagaalku socdo isagoo sheegay in dhinacooda ka geeriyoodeen labo askari taasoo uu ku macneeyey inay weerar kaga yimid kooxahan is abaabuley .

Sidoo kale Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo Amar ay soo saareen ciidamada Ururka Al Shabaab kaasoo ah in la joojiyo waxyaabaha muqaadaraadka sida Jaadka ,sigaarka iyo waxii kale oo waxyeelo ku ah bulshada iyadoo arintaasi ay dhalisay buuq iyo bulaan ka dhex abuurmay dhinacyada ururka al-shabaab iyo bulshada ku dhaqan degmadaasi .

Warka ayaa intaasi ku daraya in dhalin yaro ka gadooday amarka kasoo baxay Ururka Al-shabaab ee la xiriira joojinta mukhadaraadka ay weerar hubaysan ku qaadeen saldhig milatari oo ay Ciidamada ururka Al-shabaab ku leeyihiin degmada ceeldheer ee gobolkaasi gal-guduud .

Dagaalka oo xalay bilowday ayaa la sheegayaa in saaka uu markale kasoo cusboonaaday halkaasi iyadoo ay weerarka ku soo celiyeen kooxihii hubaysnaa saldhiga ciidamada Ururka Al Shabaab ay ku leeyihiin degmada Ceeldheer.

Ma jiraan warar dheeraad ah oo laga helayo halkaasi waloow la sheegayo in xaaladu ay iminka degan tahay balse ay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo labada dhinac ah oo halkaasi ka dhashay intii uu dagaalku socdey .


yaasiin Maxamed Faytin
Yaasiinfaytin@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Nov 12, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS