SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Imisa shisheeye ah ayaa lagu haystaa gudaha Soomaaliya

Markii ay soo galeen Ciidamada Itoobiya gudaha dalka Soomaaaliya ayaa waxaa kordhay tirade dadka shisheeyaha ah ee lagu afduubayo gudaha dalka Soomaaliya, waxaana ilaa iyo haatan la xaqiijiyey in dad tiradoodu gaareyso dhowr iyo toban qofood haatan lagu haysto gudaha dalka Soomaaliya , ilaa iyo hadana lama garanayo sababah loo afduubtay dadkaasi oo u badan Dumar.

Lib bilood ka hor ayaa waxaa deegaanka Bu’aale lagu afduubtay labo nin oo ku kala dhalatay wadamada Ingiriiska iyo Kenya, sidoo kale deegaanka Awdhiigle ayaa lagu afduubtay labo nin oo iyana u dhashay wadanka Talyaaniga, waxaa ku xigay shaqaale iyana u shaqaynayey Hay’adda WFL oo tiradoodu gaareysay shan ruux oo ka hawlgalayey Magaalada Marka ee Gobolka Sh/hoose ayaa iyana la afduub ilaa iyo haddana raq iyo ruux mid lagu hayo, sidoo kale nin u dhashay wadanka Kenya macallina ka ahaa mid ah Jaamacadaha Muqdisho ayaa isna laga afduubtay agagaarka ceelasha Biyaha ilaa iyo haddana lama garanayo goob lala aaday.

Gudaha Soomaalida Itoobiya ayaa iyana laga afduubtay hal qof oo u dhashay dalka Holland kaas oo u shaqaynayey Hay’ada Samafalka oo ka hawlgashay ismaamulka Soomaalida Itoolbiya, waxaana isna lala soo galay gudaha dalka Soomaaliya, sidoo kale labo weriye oo u kala dhashay wadamada Australia iyo Canada ayaa iyana lagu haystaa gudaha dalka Soomaaliya, waxayna ka tirsanaayeen Hay’ad warbaahineed, waxaa kale oo lala afduubtay hal nin oo Soomaali ah oo Cameraman ah, waxaa iyana gudaha dalka Kenya gaar ahaan Ceel-Waaq Kenya laga soo afduubtay labo haween ah oo ka tirsanaa Kaniisadda Catholic-ga, kuwaas oo mudo 24 sano ah hawlo samafal halkaasi ka waday, waxayna u dhasheen wadanka Talyaaniga.

Intaa markaan kaga gudubno afduubka lagula kacayo dadka, waxaa sidoo kale gudaha dalka lagu dilay tiro dad ah oo dhor iyo toban qofood ah kuwaas oo u badnaa dad Soomaali ah oo iyagu wakiilo ka ahaa hay’ado samafal, lamina oga sababaha keenay in ay sii kordhaan dilalka iyo afduubyada loo gaysanayo shaqaalaha Hay’adaha samafalka.

W/D A amiin yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Nov 12, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS