SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Bakhiilnimada Cudur Aan Daawo Laheyn (Faalo).

(Ninkeyga waa bakhiil) waa qeylo wadato ooyin ka soo yeerto dumar badan, sheekoyinka ku saabsan bakhiilnimada waxa ay ka mid yihin sheekoyinka ay dad badan ku sheekeystan kuna qoslaan, laakin marka ay gabar aroos gasho ka dib is la yaab leh u ogaato ninki ay ka sugeyso in rajoyinkeda iyo riyooyinkeda u meel mariyo uu yahay nin bakhiil ah markaas ayay sheekoyinkan noqdaan kuwo dhab ah oo ku saleeysan nolosha, tanina waxa ay ka mid tahay fiinta ama baarka ugu sareeyo ee musiboyinka qoysaska.

Hablaha qaar ay ku dhacday musibadan waxa ay goostan in ay sii watan la noolanshaha ninkoda bakhiilka ah, taasna kama ahan jaceyl laakin naxitan ay u naxayan caruurtoda.Halka qaar kale aysan u adkeysan karin cudurkan khatarta ah oo ay goostan in ay ka cararan nolosha guurka, oo ay ka door bidan in ay ku nooladan nolal qalbi jaban oo ku dhisan furiin.

Gabar ka sheekeynaysan ninkeda oo bakhiil ah waxa ay tiri:"aniga oo yar ayaa abahey waxa uu igu daran nin leh xoogay dhaqaalo ah, inkasto aan ku faraxsaneyn firkada aabahey hadane ma diidi karin hadalka aabahey, waxa uu aabahey qalbiga igu dajiyay in la ii dhigi doono aroos weyn guri weyna la ii aqal geyn doono. laakin bilal ka dib waxa dhacday arin la yaab leh ka dib marki aan dareemay in ninkeyga uu bakhiilnimeynayo in uu xirto dharka uga buuxo qanada oo uu maalin kasta shaqada ugu baxo jakadi iyo surwalki uu xirnay maalinti arooskena".gabadhan oo hadalkeda sii wadato ayaa waxa ay tiri " waxaa maalinba maalinta ka dambeyso ka soo muuqanayay calaamadaha bakhiiltinimada ka dib marki aan ku arkay cabsi dhanka isticmaalka korontada, isticmaalka badan ee biyaha qubeyska iyo sabunta iwm.waxaan iska adkeystaba bakhiilnimadisa waa sii badatay waxa ay gartay meel qofki maqlo uu qosal la ilmeynayo laakin aniga waxa ay iga gaartay ilaa aan ku hamiyo in aan dhinto si aan uga baxo bakhilnimada ninkan";

Baritan dheer ka dib waxan ogaanay in arinkan la xiriiro bakhilnimada uu yahay ah mid aan ku yareeyn umada soomaliyed dhaxdeeda, balse arinka la yaabka leh aya waxa uu yahay in dhamaan ragan bakhilnimada daashatay ay u badan yihin rag heesto shaqoyin wanagsan ilaahna uu siiyay wax xoogay lacag ah.hooyo kale oo soomaliyed oo aan la sheekeystay ayaa waxa ay ii sheegtay in uu qabay nin bakhiil ah kaas oo ay tiri halka ay bakhiilnimo ka gaartay waxa uu sameyn jiray in uu qeyliyo hadi hal qaando oo sonkor ah ka badan lagu daro shaaha maalinti oo dhan. hooyadan ayaa hadalkeda raacisay in uu ninkeda ka mid ahaay raga ugu lacagta badan xafada ay markas ku noolayen balse nasiib daro waxa ay hadalka ku soo gabgabeysay in guurkoodi uu ku dhamaday fashil bakhilnimada ninkeda aawged.

Mar ay ka jawabeysay su'aal la xiriirto arinkan oo la weydiyay ditoreyso wax ka dhigto jamacad ku taalo dalka mareykanka waxa ay tiri: " Bakhiilnimadu waa cudur nafsi waxana lagu tiriya in uu yahay nuuc ka mid ah in qofka uu waayo dareenka Security iyo Safety. cudurkaan aya waxa uu qofka ku soo bilaawda yarantisa asiga oo qofka lagu arko (selfish-nimo) in uu asiga lee wax isla jecelyahay iyo in uu karaahsado marka uu wax dhiibayo ama siinayo qof kale iyo in uu la heshin wayo qoyskisa." Si kasta oo ay ahaatabo cudurkan bakhilnimada ah aya waxa uu yahay mid khilaafsan diinta islaamka sababto ah diinteyna waxa ay nafareysa in ninka waajib ku tahay in uu xaaskisa iyo caruurtisa uu quudiyo,wax kasta oo ay u baahan yihin siiyo iyo in uu mustaqbalkoda ka shaqeyo. ninka waxa looga baahan yahay in uu ogaada in bakhilnimada iyo wax siin la'aanta qoyskisa ay tahay wax ka soo horjedo shareecada islaamka uuna sameynoyo macsi, waxa rasuulka (NNKS) laga wariyay in uu yiri:"ma jirto maalin ay adoomada waabaristan ilaa waxa soo dago labo malag midkood waxa uu leeyahay ilaahow sii qofki wax dhiibo midka kalane waxa uu leeyahay ilaahow ka qaad midki wax bakhiilo";

Mar uu ka waramayay ditoor ku taqasusay dhinaca cudurka nafsiga waxa uu yiri:" bakhilnimada waa cudur aan laheyn wax daawo ah sidaas daraaded waxa haboon in qofka uu ku dhaco cudurkan loola dhaqmo sidi cunug yar oo caruur ah, sababto ah qofka bakhilka ah waxa uu u cabsada una dareema amaan la'aan sida canug yar oo kale, waxa uuna sacaado iyo amaan ba ka hela in uu lacag badan jeebka ku heesto, canuga yar waxa lagu yaqaana in uu is difaaco marka lagu eedeyo in uu wax haleyay ama dambi galay, sidaas si la mid ah ayuu sameeya qofka bakhiilka ah marka waxa haboon in aan la eedeyn hadii kale waxa uu gaaraya marxalad ka daran mida uu markaas ku jiro"

Shareecada islaamka waxa ay si waadix ah u cadeysay in naagta ay xaq ku leedahay ninkeeda si waafaqsan awoodisa maaliyaded dhib iyo fudeed, daliilka ugu weyn ee arinkan waxa uu yahay in Hindah Bin Cutbah ay u timaaday nabiga (NNKS) ayada oo ka dacwoneyso ninkeda oo bakhiil ahay waxa ay tiri:"kama helo ninkeyga wax ikaafiyo oo maal ah oo aan ka aheyn lacag aan ka qaato asiga oo an ogeyn",markaas ayuu nabiga (NNKS) ku yiri:"qaado wax adiga iyo caruurtada idin kafiyo",waxan halkan ka dheehan karna in xuquuqda naagta ay ka mid tahay in ay ninkeda ka qaadato wax kaafiyo ayada iyo caruurteda hadii xata uusan ogeyn.

dhanka kale qofka bakhiilka ah waxaa qof waaqici ah oo aan xaqiiqda ka daboolneyn sidaas darteed waxa wajib ah in laguga dhaqmo si waaqici ah ama xaqiiqda ku dhisan, tusaale ahaan hadii uu diido in uu bixiyo waxyabaha loo baahan yahay waxa fiican in la iskaga dulqata waxa laga yaaba mudo haba dheerate ka dib in uu wax is badal ah sameeyo.

Ugu dambeynti waa waajib sharci ah in ninka uu siiyo xaaskiisa iyo caruurtiisa wax kaafiyo marka loo fiiriyo lacagta uu leeyahay, hadii uusan sameyna uu ogaado in maalinta khiyaamo lagula xisaabtami doono.

Wabilahi Towfiq.

mursal | soomaboy@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Nov 11, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS