DHIBAATADA DHAQAALE
" Deyrtii 2000, howl-gab ayaa ku yimid shirkadda Greenspans IT. Taasi
waxay ahayd mid ka dhalatey macaamilkii dhaqaale ee kharibnaa ee jiray sanadihii
90-aadka. Dhacdadaasi waxay sababtey laba arimood. Marxalad ah in uu si kedis ah
u hakado xowligii uu ku socdey maamulkii G.W. Bush muddadii u dhexeysey
2001-2005. Iyo guud ahaan fadhiid ku yimaada guud ahaan hannaankii
macaamil-cumladeedka dhaqaale ee dunida. Fadhiidkaasi maahan mid ay suuragal
tahay in uu dhaco am la sugayo in uu dhowaan dhaco. Balse waa hore ayuu dhacay
oo waanu ku guda jirnaa " (Earth's Next Fifty Years. By. Lyndon H. Larouche.
2005. p. VII).
Hadalkaas waxaa qorey dhaqaalyahan Mareekan ah oo magaciisa la yiraahdo Lyndon
H. Larouche. Ninkaasi wuxuu goor hore ka digey dhibaatada dhaqaale ee dunida
maanta heysata. Isagu 25 sano horteed ayuu arkayay shiddada laga dhaxlayo
hannaanka dhaqaale ee khariban oo ay ku socdaan shirkadaha waawayn ee ka dhisan
dalalka reer galbeedka, gaar ahaan kuwa Mareekanka. Wuxuu si cad weerar ugu
qaadey siyaasadaha ceynaanka u haya hannaanka hanti-goosiga ah ee aanan aadamiga
lagu xushmeyn, bal ku dhisan xoogga iyo boobka bahal-nimada ah. Taasi waxay gebi
ahaan curyaamisey kobcinta hal-abuurkii iyo wax soo-saarkii aadamiga.
Fadhiidka ku yimid hannaanka dhaqaale ee dunida waa mid xambaarsan khatar baaxad
wayn. Qof kasta oo wax ka sheega, maahan mid soo gudbin kara beeg dhab ah oo
looga cabir qaato heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca laga dhaxlayo fadhiidkan
dhaqaqaale. Maxaa yeeley maahan arin la qiyaasi karo inta ay le'eg tahay
wax-yeellada ay geysan karto shiddada soo muuqata. Si haddaba aanu u helno faham
bilow ah halka ay salka ku heyso dhibaatadan, aynu faallo gaaban ka bixinno
qodobada u saldhigga ah aqoonta dhaqaalaha.
Ereyga dhaqaale (economy) waxaa laga fahmayaa saddex micne oo waawayn, kaas oo
laga qaatey marka la sarifo hannaanka uu leeyahay nadaam kasta ee dhaqaale.
Ereyga dhaqaale wuxuu noqonayaa mid ka taagan saddex arimood oo is biirsadey.
Waxay yihiin sidan:
1) Physical Economy - Hantida maguurtada ah
2) Financial Economy - macaamilka dhaqaale
3) Monotery Sysytem - hannaanka cumladaha
Midda koowaad ee ah Physical Economy waa hantida ma guurtada ah oo Eebe inoogu
deeqey, taas oo ceegaagta dhulka guudkiisa iyo gudihiisa. Hantidaasi waa
joqraafiga deegaan-dhaqaale, ciidda, hawada, biyaha, buuraha, dhagxanta,
xoolaha, ugaarta, dhirta, macaadinta, taranka bulshada, iyo garaadka aqooneed oo
bulshadu ay leedahay. Majiro 1 meter square oo dhulka oogadiisa ah oo aanan
lahayn nafac dhaqaale. Laakiin weli waxaa kooban aqoonta aadamiga uu u leeyahay
sidii uu uga faa'iideysan lahaa. Waxaa hubaal ah hantida ceegaagta dhulka in ay
tahay mid ku filan aadamiga, tira kasta oo uu yahay. Taasina waa xisaab Eebe
xaggiisa ka ahaatey oo jaangooyadeeda ay waa hore dhacdey.
Dhaqaalaha rasmiga ahna waa hantidaas ma-guurtada ah.
Midda labaad ee ah Financial Economy waa hannaan macaamil ee aadamiga dhex-marta
marka uu is-dhaafsanayo walxahaas aanan nolosha looga maarmin. Kala
duwanaanshaha aadamiga ee ku dhisan garashada, garaadka, dhaqanka, iyo cimilada
uu ku nool yahay waxay sababtaa in wax soo-saarkooduna uu kala duwanaado.
Markaas ayaa qolo waliba waxay hanti u yeelataa waxyaabo qolada kale ka maqan.
Waxaa halkaas ka imanaya baahiyo badan oo aadamiga ku khasbaya in uu dhex-maro
wax is-dhaafsi. Habsami u-socodsiinta howlaha wax is-dhaafsiga, wxaan looga
maarmin maamul ku dhisan xeerar hagaagsan iyo heshiisyo lagu ballamay oo leysku
aaminey. Islamarkaa la huwiyey kalsooni iyo anshax aadaminimo. Habsamida
u-socodsiinta macaamilka dhaqaale ayaa waxay tahay mid tayo u yeelaysa walxaha
leys dhaafsanayo.
Midda saddexaad ee ah Monotery Sysytem waxay tahay hannaan la xiriira cumladdii
sahli lahayd in wax leys dhaafsado. Taasina waa lacagaha xaashiyaha iyo
qadaadiicda ah ee wax lagu kala iibsado. Inkasta oo ay kamid tahay hannaanka
macaamilka ee dhaqaalaha, misana mugga ay ku leedahay hannaanka dhaqaale ayaa
kallifaya in ay ahaato qodob gooni u taagan.
Saddexdaas qodob oo wada socda ayaa lagu magacaabaa dhaqaale, waxayna ku
yimaadeen baahiyo badan ee aadamigu la soo gudboonaadey. Dhaqaaluhu waxaa hooyo
u ah baahi (nessecity). Mana ahan arin qof keliya uu dhameystiri karo, haddaan
bulsho ahaan loogu howl gelin. Meesha ugu sareysa oo bulshadu ay ka gaarto
nolosha dhaqaalaha hagaagsan waxay tahay isku-fillaansho (sufficient) iyo in
caqli lagu ilaashado noloshaas la gaarey. Masaafada u dhexeysa labada
heer-nololeed (baahi & isku-fillaansho) waxay tahay nolol qallafsan oo harjad
iyo halgan adag la marayo.
Laba arimood oo camali ah ayaa loo baahan yahay maareynta hantidaas leynoogu
nicmeeyey. Waa iyada oo taranka dadka la badiyaa si loo helo ciddii ka
faa'iideysan lahayd nicmadaha Eebe. Iyo iyada oo dadka aqoon loo yeelo si loo
helo shaqaale badan oo aqoon wax kula soo baxa. Halkaas ayay ka curaneysaa
bulsho ka faa'iideysata xeerarka Eebe. Waana bulshadaas midda heleysa nolol
beryasamaad wacan.
Fadhiidka dhaqaale wuxuu ka yimid saddexdii qodob oo dhaqaalaha uu ku dhisnaa
ayaa lagu tuntey. Niman mooryaan ah ee la baxay New Conservatives ayaa gacanta
ku dhigey caynaanka dowladdii dunida ugu xoogga wayneed. Siyaasaddooda dhaqaale
waxay ku dhisan tahay dhac iyo boob. Maahan siyaasad lagu doonayo dhaqaale ku
dhisan wax soo-saar iyo mu'asasaad. Iyagu waxay iska fogeeyeen garaadkii wax
soo-saarka iyo in laga faa'iideysto hantida ceyriin ee Eebe inoo ceegaagshey
dhulka oogadiisa.
Qodobka labaad ee macaamilka ah, waxay dardareen xeerkii wanaagsanaa oo ay
dejiyeen raggii kaga horeeyey ceynaanka siyaasadeed ee dalka Mareekanka.
Raggaasi ayaa waxay ka tageen hannaan dhaqaale oo mu'asasaad ku dhisan, kaas oo
leh xeerar adag. Islamarkaana lagu xushmeeyo aadamiga looguna adeego dan-yarta.
Raggaas kuwoodii ugu danbeeyey wuxuu ahaa madax-weynihii 34-aad ee Mareekanka
Dwight D. Eisenhower. Madax-weynahaas ayaa wuxuu ka tegey hannaan dhaqaale oo
lahu ilaashey mu'asasaad hagaagsan. Waa xilligiisii marka la qaatey nadaamka
deeq-bixinta ay qaataan dadka itaalka daran sida waayeelka, caruurta iyo kuwa
xanuunsan. Waa xilligiisii marka la guddoonsadey in Yurub laga hir-geliyo
mashruucii ahaa Marshall Plan si waddamadii qaaradda ay dib ugu noqdaan waddamo
wax soo-saara. Waa xilligiisii marka Mareekanku uu ku khasbaey dowladaha Yurub
in ay ka dul-kacaan ummadaha ay gumeynayeen. Ugu danbeyntii waa xilligiisii
marka la dhigtey heshiiskii la magac-baxay Bretton-wood Agreement, ee lagu
ilaalinayay hannaanka dhaqaale ee dunida.
Heshiiskaan ayaa wuxuu dhacay saddexdii toddobaad ee ugu horeeyey bishii
julay sanadkii 1944-kii, iyada oo dagaalkii II-aad uu weli socdo. Waxaa isu
yimid aqoonyahanno tiradoodu dhantahay 730 qof. Waxay isugu jireen siyaasiyiin
iyo dhaqaalyahanno. Iyagu waxay matalayeen 44 dal oo markaas xor ahaa. Heshiiska
waxaa lagu magacaabey magaaladii uu ka dhacay ee ahayd Bertton-wood ee dalka
Mareekanka (New Hampshare).
Dadkaasi waxay isla meel-dhigeen aayaha hannaanka dhaqaale ee dunida iyo sidii
looga badbaadin lahaa dhaawacyadii ka soo gaarey muddadii ahayd dagaalka
hortiisa. Waxaa xusid mudan in dunidu ay weli xilligaas ku jirtey fadhiidkii
dhaqaale ee waynaa kaas oo ah midka loo yaqaan (The Great Depression).
Dabeylihii uu fadhiidkaasi ku kiciyay dhaqaalaha dunida ayaa waxay kamid ahayd
sababihii waynaa ee curiyay dagaal-waynihii II-aad. Waxaa kaloo fadhigii leysla
meel-dhigey siyaasadda cumladeed (monetary policy) iyo qiimaha uu yeelanayo
sarifka cumladdu (exchange rate), iyada oo aanan leysku dulmeyn sarifaadda.
Taasina waxay ku dhacdey in marka hore la helo cumlad caalami ah oo heer
care-edeg wax loogu kala iibsado.
Waxaa leysku raacey, dalka martida loo ahaa lacagtiisa in loo qaato mid caalami
ah. Sababo badan ayaa jiray oo ay kamid ahayd dowladda Mareekanka oo
dhaqaalaheedu uu markaas ka badbaadey dagaalkii iyo iyada oo xiiso u heysey in
ay kaalintaas buuxiso. Sidaas laguma deyn ee waxaa loo sameeyey dabar xayira in
lacagtu ayan noqon mid xarga goosata oo ummadaha lagu dulmiyo. Waxaa lagu
heshiiyey in lagu dabro beeg dahab ah, kaas oo u dhigma sidan: (1 US $ = 35
wiqiyad oo dahab ah)
Heshiiskii waxaa kale oo ka soo baxay in la dhiso laba mu'asasad oo caalami ah,
kuwaas oo ka qeyb qaata hagaajinta hannaanka dhaqaale ee dunida. Waxay yihiin
World Banka oo loogu tala galey in uu ka qeyb qaato kobcinta dhaqaalaha
dowladaha soo koraya, islamarkaana ka sheqeeyo sidii loo sahli lahaa ganacsiga
dunida. Iyo IMF (International Monotery Found) oo iyadana loogu tala galey in ay
hagaajiso nadaamka cumladeed ee dunida.
Caqliyaddaas is biirsatey ee daacadda ahayd ayaa sababtey in dunida ay ka baxdo
dabeylihii qallafsanaa ee dagaalka hortiis wax-yeelada u geystey hannaankii
dhaqaale. Waxaa markaas dunida ka bilowdey dib u-dhis dhisma-hoosaadkii
mu'asasaadka dhaqaale. Waxaa bilaabatey in dhaqaalaha dunida uu dib kor ugu
kaco.
Nasiib-darro wiilashii ay dhaleen mooryaantii ka danbeysey dabeylihii hore ee
dhaqaale xumida keeney ayaa mar kale khalal geliyay hannaankii lagu heshiiyay.
Mooryaantaasi waa caa'iladaha hantida leh ee Ingiriiska iyo Mareekanka ah
(Anglo-American Oligarchy Familys). Iyaga ujeeddadoodu waxay tahay siyaasad
dhaqaale oo ku dhisan boob iyo bililiqeysi. Sidaa darteed muddo dheer kama soo
wareegan in ay kala dhilqiyaan doolarkii iyo dahabkii is haystey. Tallaabadii
ugu xooganeyd waxay qaadeen sanadkii 1963-kii, markaas oo ay khalal geliyeen
siyaasadihii ay ku socdeen qaar kamid ah dowladihii xoogga lahaa.
Sanadkaas aanu soo xusney, dhowr jeer ayaa leysku deyey in la dilo
madax-waynihii Faransiiska General Charles de Gaulle. Islasanadkaas waxaa lagu
guuleystey in la dilo madax-waynihii Mareekanka Jhon F. Kennady. Islasanadkaas
waxaa is casiley ra'iisul-wasaarihii Ingiriiska Harold Macmilan. Sababtu waxay
ahayd fadeexad lagu sameeyey wasiirkiisii dibadda Alexander Fredrich
Douglas-Home. Islasanadkaas waxaa kale oo fadeexad isla casiley hoggaamiyaha
dowladdii la oran jiray Jarmalka Galbeed. Ninkaasi wuxuu ahaa Konrad Adenauer.
Waxaa markaas Jarmalka odey u noqdey Ludwig Erhard.
Falalkaas guracan waxaa saaxaddii siyaasadda ay ka fogeysey rag maqaawiir ah ee
hannaanka dunida wax ka hayay. Waxaa xigey sheeko dheer oo lagu boobey dahabkii
dowladaha u keydka ahaa ee yiil World Bank. Waxaa halkaas ku kala furtey
xiriirkii dahabka iyo cumladda doolarka ah. Taasi waxay ku abyootey in maanta
wiqiyaddii dahab ah, qiimaheedu uu kor u dhaafey 700 oo doolar. Waxay noqotey in
xaashiyo doolar ah wax lagu kala iibsado. Mareekankii dhankooda ayay ka
bilaabeen in ay xaashiyo daabacdaan lamid ah kuwa lagu daabaco Xamar iyo
Boosaaso. Waxaa halkaas ku joogsadey xooggii wax soo-saar dalkii ugu waynaa
dunida. Xaashiyahaas bugta ah oo dunida hafiyay, waxaa la qiyaasayaa in
seyladaha dunida ay maanta yaaliin 330 trilyan oo doolar. Walxaha lakala
iibsanayo oo seyladaha dunida yaal waxay la qiimo yihiin 30 trilyan oo doolar.
Taas micnaheedu wuxuu yahay in adduunku oo waa hore uu ka tallaabey inflation,
oo uu ka tallaabey deflation, oo uu ka tallaabey hyperflation, si markaas uu ugu
gudbo pubble.
Shanta qaaradood waxaa ka ridey qeyladiyo buuqa
Qunbuladihiyi sawaariikhda iyo qaraxa naabaalka
Waxa qamarka guud iyo hawada qalabka loo saarey
Waa quud nin heystiyo nin raba inuu ka qaataaye (Dhoodaan)
Qore: Dr. Saadiq
dr_saadiq@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 11, 2008