SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

CAAWI NAAFADA SOOMAALIYEED...

HORDHAC



Ururka IEDSOM waa urur u adeego dadka naafada somalia kaas oo ka hoowlgalo qaar ka mid ah gobalada somalia qasatan Gobolka Banaadir. Ururka IEDSOM waa urur ay aas aaseen dhalinyaro somali oo u badan kuwo naafo. Ururka waxaa uu mudo toban sano kasoo shaqeynaayey arimaha difaac, daryeelka, quudinta, dhaqancelinta, tacliinta, shaqaaleeynta iyo horumarninta dadka naafada somalia.




MA DOONEEYSAA LIBAAN ADUUN IYO MID AAQIRO WALAAL


Waxaa qofkasto oo somali ah ALLAH uu wax u dhiibey kunool dalka iyo dibada laga codsanayaa inuu dadka naafada wax u qabto. Waxaa lagaa codsanayaa kaalmo dhaqaale iyo mid qalabeed waxii aad awoodo.



Waxaa qofkii awooda inuu kifaalo qaado hal cunug oo naafo iidiisa laga codsanaa inuu bixiyo waxii uu awoodo. Wax qof joogo xamar ku ciidi karo waa 10$-20$ dollar. Waxaana hadeer ururka uu hayaa caruur ilaa 230 caruur naafo kuwaas intooda badan kunool xeryaha qaxootigga.



Dadka waa weeyn, waxaa ay codsanayaan in lagu saacido UDXIYODA taas oo eey ku quudina lahaayeen caruurutooda baahan.

WAX YAR OOD BAXSATAA WAXAA AY KA FARXINEE DADBADAN OO NAAFO AH


Walaal waxaa si naxariis leh lagaaga codsanaa inaad ka qeeyb qaadato cawinaada dadka naafada somalia. waxaa bulshada ku dhexnool dad badan oo naafo oo dad waaweeyn iyo caruurba ah. Dadkaan waa kuw naafo u baahan kaalmo nololeed iyo mid dhaqaale. Waxa jiraan caruur badan oo naafo kuwaas oo kaalmo ka helaan ururka naafada IEDSOM kaas o had iyo jeer u tagan kaalmada dadka naafada ayadoo la kashanaayo hayadaha iyo ganacsatda somalia

Waxaa jiraan caruur badan oo naafo ah kuwaas oo aan heeysnin wax daryeel nololeed iyo mid cafimaad. Caruurtaan oo kunool somalia ayaa waxaa ay u baahan yahiin kifaalo qaad wax barasho, quudin, caafimaad iyo in laga kaalmeeyo dhanka ciidaha sidii ay ku helilahaayeen dhar iyo wax yaabaha caruurta ku ciidaa.

Waxaa jiraan hooyooyin badan oo somalia ah kuwaas oo heeysto caruur naafo ah kuwaas oo ay heysato dhibaatooyin badan oo kal duwan. Waxaa jiraan caruur ilaa 4 gaarayo oo madaxa biyo kaga jiraan kuwaas oo u baahan qaliin looga miiro biyah, waxaan aragney ilaa 4 caruur oo dadoodu u dhaxeeyso 3 ilaa 11 sano kuwaas oo madax biyo uga jiran oo aan socani karin.


IEDSOM OFFICE

Wadada Saxafi two, Xafada Buulo-xubeey, Degmada Wadajir, Mogadishu Somalia.

Abdullahi Hassan Husse
Habiibo Ali Abuukar

Tel :2525-932773/990885/
Mobile :2521-5907530
Email: naafo@hotmail.com  , naafosom@yahoo.com 

www.iedsom.8k.com 


Faafin: SomaliTalk.com | Nov 11, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS