SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii Nov 10, 2008

Wararkii Ugu Dambeeyey ee Dagaaladii Shalay ka Dhacay Caasimada Muqdisho Iyo Khasaraaha Ay Gaysteen .

Dagaalo faraha lagaga gubtey ayaa shalay ilaa gabgal dhacii ka soconayey meelo ka tirsan magaalada muqdisho kuwaasoo gaystay khasaare laxaad leh islamarkaana barakiciyey qoysas xiligaa ku adkaysanayey guryahaooda iyo qaar kusoo laabtay kadib markii ay u adkaysan waayeen dhibaatada hoy la,aaneed .

In ka badan 42-qof ayaa la gaarsiiyey isbitaalka madiina kuwaasoo qaar u geeriyoodeen dhaawacyadii kazoo gaaray madaafiicda iyo rasaasta habowga ah ee laysu adeegsanayey dagaalada ka soconayey isgoyska folerensa iyo meelo kale .

Mid kamid ah Saraakiisha isbitaalka madiino oo saxaafada u waramayey ayaa shaaca ka qaaday in isbitaalka madiino lasoo gaarsiiyey xalay ilaa shalay in ka badan 42-qof kuwaasoo uu sheegay inay ku jireen dad qaba dhaawacyo halis ah islamrkaana ay 5-kamid ah u geeriyootay dhaawacyadii intii lagu guda jirey dabiibkooda caafimaad .

Dhinaca kale dhimashada dagaalkan ayaa inta la og yahay la sheegay inay gaarayso ilaa 4-qof oo rayid ah oo rasaastu ugu tagtay guryahooda halka aan la ogayn dhinacyadii ku dagaalamayey inta waxyeelo kasoo gaartay.

Dagaalkii shalay ka curtay meelo kamid ah magaalada muqdisho ayaa ahaa kii ugu saamaynta balaadhnaa tan iyo intii lagu guda jirey waan waantii xabad joojnta ee dalka jabuuti magaaladiisa jabuuti islamrkaana gaystay bur bur laxaad leh oo soo gaaray goobihii dagaaladu ka dheceen .



Dowlada FKMG ah Oo Ganacsatada Gobolka Banaadir Ku Eedeeyey Inay Dagaalka Ku Jiraan Iyo Ganacsatada Oo Eedaas Iska fogeeyey

Afhayeenka ciidamada milatariga dowlada KMG ah daahir maxamed xirsi ayaa shaaca ka qaaday in dagaaladii shalay ilaa xalay ka dhacayey qaar ka tirsan magaalada muqdisho ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah ilaalada suuqa bakaaraha kaasoo uu sheegay inay ka bar bar dagaalamayeen kooxaha kasoo horjeeda.

Afhayeenka ciidamada milatariga ayaa intaasi sii raaciyey in askariga ay qabteen uu ku lebisan yahay dharka u gaarka ah ilaalada suuqa bakaaraha kaasoo uu ku eedeeyey ganacsatada suuqa bakaaraha inay dagaalka dhinac ka yihiin waa siduu hadalka u dhigaye isagoo intaasi raaciyey inay maxbuuskaas hayaan islamrkaana soo bandhigayaan .

Sidoo kale eedaynta loosoo jeediyey ganacsatada gobolka banaadir gaar ahaan suuqa bakaaraha ayaa waxaa si kulul uga jawaabay arintaas islamarkaana gaashaanka u daruuray hadalka kasoo yeeray dowlada ,afhayeenka ganacsatada suuqa bakaaraha kaasoo sheegay in hadalkaasi uu yahay mid wax kama jiraan ah oo lagu doonayo in suuqa bakaaraha lagu bililiqaysto.

Afhayeenka ganacsatada suuqa bakaaraha cali maxamed siyaad (cali dheere) ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay arintaasi kasoo yeertay afhayeenka ciidamada milatariga ee dowlada KMG ah isagoo xusay in ilaalada suuqa bakaaruhu ay yihiin ciidamo kooban kuwaasoo uu sheegay inay leeyihiin lambaro iyo aqoonsi tasina ayuu yiri ay ku doonayaan in suuqa bakaaraha oo markii horeba marka dagaal dhaco la duqeyn jiray la doonayo in mar marsiiyo loo helo.

Hadalka kasoo yeeray afhayeenka ciidamada milataarka ee dowlada ayaa kusoo beegmaya xili ay tiro ka dhowr jeer ka dhawaajiyeen dowalada KMG ahi in laga soo weeraro suuqa bakaaraha islamrkaana xililayada dagaalku ka jiro goobaha ka Fog fog suuqa bakaaraha ay madaafiic kusoo tuuraan kuwaasoo waxyeelo ba,an u gaysta dad rayid ah oo aan waxba galabsan .



Gudoomiyihii Degmada Baydhabo Oo Xalay La Diley Kadib Rasaas Lala Beegsaday

Marxuum xasan roonoow oo ahaa gudoomiyihii degmada baydhabo ayaa xalay dabley ku hubaysan baastoolado ku dileen bartamaha magaaladaasi kadib markii la sheegay inay rasaas madaxa kala beegsadeen isagoo xiligaa ku sugnaa xaafada bardaale ee degmada baydhabo .

Dilka gudoomiyaha kadib ayaa waxaa goobta falku ka dhacay isku gadaamay ciidamada booliska dowlada ee gobolka bay waloow aysan jirin Cid ay usoo qabteen falkaasi mana jiraan cid sheegatay dilkan gudoomiyaha degmada baydhabo .

Sidoo kale waxaa sii kordhaya dhaq dhaqaaqa ay samaynayaan ciidamada booliska dowlada KMG ah ee baydhabo halkaasoo la sheegay inay baadi goob ugu jiraan cidii dilkan ka dambaysay mana cada ilaa iminka cida dilka gaysatay .

Dhowaanahan ayay ahayd kadib markii baarlamaanka KMG ahi qaarkood kusoo laabteen magaalada baydhabo kuwaasoo markoodii hore booqasho gaaban ugu maqnaa dalka Kenya magaaldiisa Nairobi iyadoo la sheegayo ugaarsashada masuuliyiinta dowlada KMG ah ee ku sugan magaalada baydhabo ay arintaasi walaac ku abuurtay


yaasiin Maxamed Faytin
YaasiinFaytin@hotmail.com
 


Faafin: SomaliTalk.com | Nov 11, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS