SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Itoobiyaanku wadanka ha nooga baxaan ma qaladaa, nabad ha la raadsho ma dembiyaa?

Waxaa in badan ka dhex guuxayay maskaxdeyda su’aalo fara badan oo aan filayo inay dadka intiisa badani ila qabaan, kuwaasoo ka dhashay khilaafka la sheego inuu u dhaxeeyo halgamaayaashii qalabka u qaatay dib u xoreynta dalka Soomaaliya, iyo inay dhabarka ka jebiyaan caddowga ku soo duulay dalka ee Itoobiyaanka.

Anigu waxaan ka tirsanahay xubnaha golaha dhexe ee isbaheysiga dib u xoreynta dalka Soomaaliya, waxaana ahay oday Soomaaliyeed oo muddo ku soo dhex jiray siyaasada, haddii aan inyar dib u jaleecno wixii ka dhacay dalka sanadihii 1991-dii illaa maanta, oo ah 2008-da dalka waxaa ka dhacay taariikh-yo aad u culus una fool xun oo ay mar kasta sabab u ahaayeen isu tanaasul la’aanta iyo isu talin la’aanta (ii talin meysid, kuu talin maayo, kala tegi mayno, isu tegi meyno), halkaana waxaa ku baaba’ay shacabkii Soomaaliyeed ee nabad ku noolka ahaa, waxaa sidoo kale lumay mustaqbalkii da’yarta, ugu dambeyntiina waxaa qatar xoogan ku jira qaranimadii ummadda Soomaaliyeed.

Sida aanu la wada socono markii la dhisay isbaheysiga dib u xoreynta dalka Soomaaliyeed, waxaa la dejiyay shuruuc iyo xeerar isbaheysiga lagu hogaaminayo oo la wada ansixiyay, waxaana ka mid ahaa:-

:Xeerka guud ee isbaheysiga, qodobkiisa 8-aad, oo ka hadlaya mabaadii’da isbaheysiga, wuxuu dhigayaa sidatan:-

(No. 3, In caddowga wadanka heysta laga saaro, iyadoo loo marayo wado kasta oo suura gal ah)!!!.

Haddaba, waxaa is weydiin mudan, haddii aan heshiis nabadeed galnay oo wadanka looga saarayo si shuruud la’aan ah caddowga ku soo duulay ee leynaya caruur iyo ciroolaba, baab’ashayna guud ahaan wadanka, ma dembiyaa la galay, haddiise afbuuxa aanu ku niri ”Itoobiya wadankeena ha ka baxdo”, kuwii keenayna nala dhaheen ha baxdo, ma dembiyaan galnay.?.

Waxaa waayahan dambe soo ifbaxay :Hadaan anigu heshiiska gelin, haddaan anigu wax qabanin, haddaan anigu dheraga karinin, gaw iyo gash ma leh:, haddii ay taasi xal noqoneyso Soomaaliyeey sideed iyo toban sano nagu filan.

Waxaa la saxiixay 26/10/2008, heshiis dhigayay in xabada la joojiyo 5-ta November 2008, taasoo gogol xaar u ah, bixitaanka ciidamada caddowga ee dalka qabsaday, waxaase la yaab leh inay soo baxeen kooxo diidan in xabada la joojiyo, Xabashidu wadanka ka baxdo, lana baajiyo dhiig dambe oo daata, dhalinyarada badaha iyo xabsiyada shisheeye ku le’aneyana loo turo, dadka geedaha hoostooda dhoobana ay dib ugu soo noqdaan guryahoodii oo ay u hamuun qabaan.

Kaaga sii darane baaba’a iyo halaaga iyo madaafiicda wax gumaada ee lala dhacayo maalin kasta suuqii Bakaaraha, tarab tarabna dadka loo leynayo, miyaan laga fekereyn toban xabo oo AK 47 ah in loogu bedelo shacabka 20 madfac oo BM ah oo aan waxba hambeyneyn, sidoo kalena waxaa jirta qasaare taa ka sii badan oo dhaca xilliyada weerarada lagu qaado goobaha ay degan yihiin ciidamada shisheeyaha, kuwaasoo jawaabta ay bixiyaan ay la beegsadaan goobaha waxbarashada, goobaha cibaadada, suuqyada, goobaha lagu badan yahay, taasoo keentay inay xirmaan gebi ahaanba goobihii waxbarashada oo ay dhalinyaro fara badani maanta waxbarasho la’aan iyo cabsi ay ku noolaadaan.

Waxaa jiray culumaa’udiin iyo odayaal dhaqan, dalkana si weyn looga yaqaano muxtarim-na ah kuwaasoo u istaagay xalinta khilaafaadka ka dhex jira qeybaha ka dagaalamaya gudaha dalka Soomaaliya, waxayna ku baaqeen in gogol nabadeed oo loo dhanyahay ay isugu yimaadaan, si loo dhameeyo is fahmi waaga jira.

Anagu haddii aanu nahay xubnaha golaha dhexe ee isbaheysiga dib u xoreynta dalka Soomaaliya, waxaan ayideynaa hadalkii ka soo yeeray guddoomiyaha isbaheysiga Sheekh Shariif Sh. Axmed, ee ahaa inuu diyaar u yahay in xal nabadeed iyo is faham la gaaro, waxaana rajeyneynaa in si la mid ah loo wada aqbalo codsiga culumada Soomaaliyeed ee xal doonka ah.

Guntii iyo gunaanadkii, waxaan soo jeedinayaa ka oday ahaan, muddo ayaan ku soo dhex jirnay qalalaaso, qolaqoleysi, qabiil, is kooxeysi, baaba’a mooyaane horumar ummadda waa u keeni weysay, Soomaaliyeey midnimo, cadaalad, is maqal iyo Kitaabka Alle oo kor loo qaado lagana dhabeeyo ayaan idiin dardaarmayaa, waxaana idinku boorinayaa inaad taageertaan xaqa, oo aad diidaan dulmiga.

W/Q:- Axmed Diiriye Max’ed, xubin ka tirsan golaha dhexe ee isbaheysiga dib u xoreynta dalka Soomaaliya

E-mail:- owcuumiye@hotmail.com

Waxaa soo tebiyey
garaadcadde@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Nov 11, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS