SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dowlada Talyaaniga Oo Xaqiijisay In Afduub Loo Gaystay Labo Sooro Oo U Dhashay Wadankeeda Deg. Ceelwaaq Ee Waqooyiga Kenya


Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dabley hubaysan oo Soomaali ah oo gudaha degmada Ceel Waaq Kenya ka soo qafaashay dad ajanabi ah iyo gaadiidkii ay wateen. Iyaga oo maareeyay inay u soo tillaabaan xadka dhinaca Soomaaliya.

Labadaasi ruux oo dumar ah ayaa loo aqoonsaday Caterina Giraudo oo 67 jir ah , iyo Maria Teresa Oliviero,oo61 jir ah.kuwaasoo ay dhalashoodu tahay wadanka talyaaniga gaar ah gobolka waqooyiga dalkaasi.waxaana la sheegay inay ragii ka xaystay ay ula baxsadeen dhinaca soomaaliya.

Warkaasi oo ay xaqiijisay wasaaradda arrimaha dibada waddanka Talyaaniga ayaa intaasi ku daraya in dumarkaasi ay ahaayeen soorooyin kuwaasoo sanadihii ugu dambeeyay ka howlgalayay goob lagu xanaanayo dadka dhimirka wax ka qaba .xarunta ay ka tirsanyihiin labadaasi ayaa wasaaradu ay sheegtay inay tahay Madhabta Roman Catholiga.

Dableyda hubaysan ayaa waxay dadkaasi la soo galeen Gobolka Gedo gaar ahaan deegaanka degmada Ceel-Waaq, iyadoo aan la sheegin ilaa iyo iminka ujeedada dadkan ajanabiga ah loo soo qafaashey iyo kooxda dableyda ee soo qafaalatey.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Islaamiga ah ee ka dhisan degmada Ceel-Waaq ee Gobolka Gedo, iyadoo afduubkan uu dhacay habeenimaidi xaley saqdii dhexe.

Horey ayaa waxaa afduub loogu gaystay waddanka Soomaaliya Shaqaale aad u farabadan oo kuwii ugu dambeeyay ay ahaayeen afar ruux oo u shaqaynayay hayadda ICF oo ka howlgalayay gobolada dhexe ee Soomaaliya.taasina waxa ay horseeday in dhaqdhaqaaqyadda hay’addaha samafalka ay gaabis noqday kaddib cabsi iyo walwal la soo darsay shaqaalahooda.

Maxamed Gaarane Aadan
Baardheere/GEDO


Faafin: SomaliTalk.com | Nov 11, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS