SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Gudiga dhib u dhiska wadooyinka burburay oo howl lagu dayacttirayo ka bilaabay wadada ……….

Daawi Sawiradda Wadada la dhisayo....

 

Cabduqaadir Maxamuud Maxamed ( Abaabul ) oo ah ku xigeen gudoomiyaha gudida dayactirka wadooyinka burbursan ee gobolka Banadir ayaa sheegay in ay rajeynayaa ilaa Suuqa Xoolaha ay gaarsiiyaan howshaan hadana waxaa howl diyar ah hal ay wadaan ka qeyb qaadanaya hal booyadood iyo laba baabuur oo iskor rogayaal ah oo keeni dono ilaa 20 kaariko oo caro kaawo ah .wuxuuna sheegay in weli qolo ay wax weydiisteen aysan weli u diidin

Abshir Bacadle ayaa amaan gaar ah u jeediyey shirkada Hormuud sidoo kale wuxuu shegay in dhamaan shaqsiyaadka iyo shirkadahaba ay gacan weyn ka geysteen dayactirka wadooyinka Burburku soo garay intii ay jirtay dowlad la.aamta wuxuuna xusay in ay ka mid yihiin wadooyinka ay dhiseen qaarka ay ciidii iyo qashinkii ka qaadeen

Isgoyska Bakaaraha wadada aada dabka isgoyska Howlwadaag ,isgoyska jidka Aadan Cade Masaajidka Xareed oo laga qaaday qashin iyo ciid wuxuna ugu baaqay dhmaan shacabka wax heysta in ay ka qeyb qaataan dhismaha wadoyinka lagu dayactirayo isaga oo intaa ka dibna u mahadceliyey dhamaan intii howsha ka qeyb qaadatay .

Abshir Nuur Faarax ( Bacadle ) oo ka mid ah howlwadeenada mashruucaan lagu dayactirayo wadooyinka burbursan ee Gobolka Banadir oo ka hadlayey mashruucaan ayaa sheegay in ay Muwadiniinta Somaliyeed ay ku wacyi galiyaan in wadooyinka la dayactiro isla markaana dadku ay aad u so dhaweeyaan fikirkooda mar walbo

Jidcadaha Wadada aada suuqa xolaha ee dhexmarta xaafadaha inta u dhaxayso goolada suuqa waqda ee agagaarka xaafada janaraal daauud deegaanka gubta oo maalmahaan gaadiidka isticmaala dhib ku qabeen ayaa laga bilaabay howlo lagu dayactirayo balse marka hore lagu shubayo caro kaawo iyo booyado biyo ah .

Gudiga dhib u dhiska wadooyinka burburay oo ka kooban 12 qof ayaa saaxafada u shegay in howshaan ay ku bilaabeen wadadaan 36.0000.000 oo kasha ah iyo 20 baabuur oo caro kaawo ah inta kalana ay ka sugayaan shacabka Somaliyeed .shirkadaha iyo hay.addaha kale ee wax bixin kara .

Mid ka mid ah darawalada isticmaala wadadaa aada suuqa xolaha oo lagu magacaabo Bashiir Cali Rooble ayaa sheegay in ay dhib ku qabaan marida Wadadaan wuxuuna xusay in 15 KM uu baabuurkiisu isticmaalo Birimi iyo Sugunto ayuu ku socdaa intaa waxayna sababtaa in uu Babuurku cuno Shiidaal laba laab ah intii uu cuni jiray iyo waqtiga oo kaga luma boholaha wadada ka jeexan oo aan ku habooneyn in la maro .

Waxaana intaa u dheer gaadiidleyda qodida riixida bacaad ka bixinta mana jirto goob nafis ah oo ay gaadiidku ku kala wareegaan bashiir ayaa intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii wato baaq uu u jeedinayo bulshada ku dhaqan Gobolka Banadir iyo Somalida kale in ay wixii wax takuleyn kara in wadadaa dadka ka dhaxayso ku bixiyaan .

Shacabka marayey halka howsha laga bilaabay ayaa soo dhaweeyey caro kaawada lagu shubayey wadadaan uu bucadku hareeyey waxayna ku tilmaameen in ay tahay sadaqo jaariyo ah oo aan xag alle laga waayi doonin .

Wadooyinkaa qarda jeex ah ayaan laheyn meel lagu kala wareego inteeda badana waa bacaad gaadiidleydu iyo dadka rakabka ah ay ku qabaan dhib weyn

bashiir cali rooble” 57 baabuur ayaa bil ka hor wadadaan ka shaqeyneysay hada inta baabuur ee ka shaqeysa ma dhama 10 intii kalana waa ku jajabeen “

guud ahaa Baabuurta isticmaasha Wadadaan ayaa waxaa lagu qiyaasaa in ay dhan yihiin sii soco iyo soo socod 2000 oo nooc walbo leh marka laga rebo garidameerada iyo garigacanada

Suuqa Xoolaha ilaa Suuqa Bakaaro waxaa la isaga dhexsocdaa mudo hal saac iyo bar ah waxaana ugu wacan wadada la marayo oo ah qarda jeex bacaad ah .

gaadiidleyda ayaa ku sheegay in ay wadadii laamiga aheyd aan la mari Karin ciidamo Ethiopian ah aawadeed oo dagay hareeraha wadada laamiga ah wuxuuna sheegay in shacab badan oo rakaab ahaa ay waxyeelo kasoo gaartay

Muuse Maxamuud Jiisow

musejisow@hotmail.com

Muqdisho Bakaaro Somalia

00252-1-5576666


Faafin: SomaliTalk.com | Nov 10, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS