Ujeedo:
Soojeedin Baaq Ku Wajahan Dib U Heshiisiinta
Soomaaliyeed
Waxaan usoo jeedinayaa waxgaradka Soomaaliyeed ee ku howlan dib u
heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.
- Inaan la goyn/engajin ilaha taageero & dhiiri galin ee
habsame u socodka nabaddoonka Soomaaliya. “
- In wixii aan Soomaalinimo ku qabsan wayno lagu
canbaarayn laguna ceebayn dad kale. Waliba dadka jecel
heshiiska iyo horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Waxaan qormadan ku soo bandhigayaa waxqabadkii & walaalnimadii uu
Madaxwayne Cismaaciil Cumar Geele u muujiyey ummada
Soomaaliyeed. Marka laga reebo inuu horaan talooyin wax ku ool
ah u soo jeediyey ragii isku hayey awooda wadan, wuxuu mudane
Cismaaciil Cumar Geele 1999 Golaha Amaanka ka jeediyey qudbad
tariiq noqotey oo geesinimo iyo jeceyl badani ku larnaa.
Madaxweyne Cismaciil wuxuu golaha ka codsadey in lagu
kaalmeeyo in dib u heshiin dhab ah uu u sameeyey ummada
Soomaaliyeed ee colaadu ragaadsatey. Mudane Geele wuxuu ogaa
awooda dhaqaale ee dowlada Djibouti ineysan aheyn mid xamili
karta dib u heshiisiin baahsan oo uu u qabto Soomaali. Balse
kalsooni uu ka qabo ummadiisa iyo jeceylka walaaltooyo ee uu u
hayo ummada Soomaaliyeed ayuu ku dhiiraday taabagalinta shirkaas
dib u heshiineed.
Shacablka Djibouti ayaa la qaatey madaxweyn Cismaciil in
degmo & tuulo kasta lagu qoro dhaqaale. Dadaaladaas ayaa suuro
galiyey in sanadkii 2000 uu madaxweyn Cismaciil dhigo gogol
nabadeed magaalada Carta oo la isugu keeney dad gaaraya ilaa
sadex kun. Wada hadalka nabada & gogasha ayaa qaatey todobo
bilood. Waxa qarash ku baxay isu keenka & waliba marti galinta
ergooyinkii halkaa isugu yimi, hadiiba aan la arag wanaaga &
jeceylka qof walooba idugu qiyaaso.
Sidaas oo kale, wuxuu madaxweyne Geele taageerey dhameystirka
dib u heshiisiinta ummada Soomaaliyeed ka dib markii uu ku
kaalmeeyey iney dowlad dhistaan. Wuxuu is hortaagey wax kasta oo
lagu lugoonaayey ama shirqooleyey ummada & dalka Soomaaliya.
Ilaa xiligan, madaxweyne Geele, shacabka reer Jabuuti, iyo
dowladuba u taagan yahay did u soo nooleynta qarankii & heybadii
Soomaaliya.
Anigoo sameyneyn faro fiiq, waxaa quman in aynaan eedeyn,
canbaareyn ama aynaan niyad jabin shaqsi & shacab wanaag &
jeceylka ay u haya ummada iyo dalka Soomaaliya tariiqdana ku cad
iyo geedi socodka nabada ay hor kacayaan.
Waxaan leeyahay madaxweyne Cismaciil Cumar Geele & Shacabka
reer Djiboutiba wey mahadsanyihiin, ummada Soomaaliyeedna way
qireysaa walaalnimadiina iyo waxtarkiina intaba.
Waxaan noo wada rajeynayaa in Alle wanaaga ama samaha na wada
tuso.
-----
Mahad Sanidiin,
Ugaas Abdullahi Ugaas Faarah
Gudoomiyaha Golaha Salaadiinta Soomaaliyeed
ugasabdullahi@gmail.com