SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Wararkii Soomaaliya ee Axadii, Nov 9

Dagaalo Goos Goos ah Oo Mar kale Kasoo Cusaboonaaday Caasimada Muqdisho Iyo Baydhabo.

Dagaalo u dhexeeya Xoogaga kacdoonka wada iyo ciidamada Ethiopia ayaa mar kale kasoo cusboonaaday magaalada muqdisho oo maalmihii ugu dambeeyey loo arkayey inay degan tahay islamrkaana aysan ka jirin wax iska Hor imaad ah .

Xaafadda xararyaale ee degmada wardhiigley ayaa waxaa iska Hor imaad Xoogani ku dhex maray xoogaga kacdoonka wada oo kala sheegtay Al-shabaab, muscaskar Raas Kaanbooni iyo Saraakiisha ka madaxbanaan Asmara iyo Jabuuti oo dhinac ah iyo ciidamada Huwanta ee ethiopianka iyo kuwa dowlada KMG ah halkaasoo laysu adeegsaday Hubka yar yar iyo madaafiicda wax Gumaada .

Dagaalkan oo markii dambe ku faafay isgoyska Folorensa iyo agagaarka cali kamiin ayaa isu bedelay mid laysu galo xaafadaha dhexdooda kuwaasoo u badnaa mid ay dagaalamayeen xaafadihii laga qaxay mudo hore islamrkaana soconayey mudo kooban taasoo ay waxyeelo u gaysteen madaafiicda habowga ahi xaafado ay deganayeen dad barakacii kazoo laabtay kadib markii ay asbuucan magaalada muqdisho deganayd .

Ciidamada Ethiopia ayaa duqeyn xoog leh u gaystay meelo badan oo ay kamid yihiin suuqa bakaaraha qaar ka tirsan xaafadaha suuqa u dhow ee ka tirsan degmada howl-wadaag iyo meelo kale waxaana ay dhowr madafac ku soo dhaceen agagaarka shirkadaha isgaarsiinta

Dhinaca kale weerar jidgooyo ah ayaa loo gaystay ciidamo Ethiopian ah oo kasoo socdey magaalada baydhabo kuwaasoo sida wararka lagu helayo qarax loo gaystay mid kamid ah gaadiidka dagaalka ee ay wataan ciidamada Ethiopia qarax loogu gaystay islamrkaana dagaal daqiiqado soconayey laysku fara saaray iyadoo aan si rasmiya loo ogaan khasaaraha ka dhashay dagaalkan iyo qaraxaba .

Si kastaba ha ahaatee dagaaladan mar kale kasoo cusboonaaday meelo badan oo ka tirsan koonfurta soomaaliya ah ayaa kusoo beegmaya xili ay sheegeen qaar ka tirsan xoogaga ka dagaalka kula jira ciidamada shisheeye iyo dowlada inaysan marnaba joojinayn dagaalka ilaa iyo inta ay Ethiopia iyo wax ay ugu yeereen daba dhilifka cadowga ay dalka iskaga baxayaan .


Col.C/Casiis Garam Garam Oo Sheegay Inuu Dagaal kala Hortegi Doono Maamulka Somaliland

Col-ka la magac baxay c/casiis garam garam oo ku caan baxay dagaaladii qabiileysiga ee ka socon jirey koonfurta soomaaliya gaar ahaan gobolada jubooyinka ayaa shaaca ka qaaday inuu dagaal jabhadayn ah la geli doono maamulka Somaliland ee ku sugan magaalada laascaanood .

Garam garam oo habeenkii xalay ahaa u waramayey qaar ka tirsan Idaacadaha magaalada muqdisho ayaa sheegay inuu dagaal ku dhufoo ka dhaqaaq ah la geli doono ciidamada jamhuuriyada somnalind ee ku sugan magaalada laascaanood taasoo uu ku micneeyey inay wadankoodii kusoo duuleen waa siduu hadalka u dhigaye .

Col-ka oo saxaafadu weydiisay dhowr su,aalood oo kala ahaa cida ay ka amar qaataan jabhada uu sheegay inuu madaxa u yahay ayaa sheegay inay jabhadiisa oo magaceeda la yiraahdo SSC aysan labada maamul ee punt-land iyo somalind-ba ay ka madax banaan yihiin islamrkaana ay doonayaan oo keliya inay wadankooda ka saaraan ciidamada somaliland ee iminka ku sugan .

Sidoo kale garam garam ayaa la weydiiyey maadaama uu maamulka Somaliland ay kamid yihiin dadka deegaanka sool ,sanaag iyo buuhoodle ma waxa aad la dagaalamaysaan dadka beesha dhul-bahante isagoo ku jawaabey ninka kasoo jeeda beesha dhulbahante ee ka tirsan maamulka somalind ama ciidamadeeda waxuu noola mid yahay eey dhintay waxaanuna ugu hormarainaynaa dagaalka kuwa beesha dhulbahante kasoo jeeda .

Hadalka sarkaalkan ayaa kusoo beegmaya xili ay dhowaanahan ka jireen magaalada laascaanood weeraro ku dhufoo ka dhaqaaq ah oo la sheegay inay ku Jihaysan yihiin ciidamada maamulka somalinad ee ku sugan magaalada laascaanood .


Barakac Mar kale ka Bilowday Xaafadihii Dhowaan Lagu Soo Noqday Ee Magaalada Muqdisho

Waxaa durba bilwoday qaxa iyo barakac hor leh kadib markii ay dadkii hore uga barakacay dagaalada ka soconaya caasimnada muqdisho ay yididiilo nabadeed gashay islamrkaana qaarkood kusoo laabteen xaafadahoodii .

Dagaalo laysu adeegsanayo madaafiic aan loo meel deyin ayaa saameeyey qaar ka tirsanb deeganadii ay dadka ka barakeceen islamrkaana dhowaan kusoo noqdeen kuwasoo ay kamid yihiin degmada wardhiigley ,howlwadaag iyo yaaqshiid .

Goobaha boosteejooyinka laga raaco gawaarida gobolada iyo deegaanada u dhow ayaa saaka lagu arkayey dad u badan haween iyo caruur oo mar kale ka barakacaya guryahoodii kuwaasoo beegsanaya meeshii ay kaga nabad geli lahaayeen dagaaladan ka soconaya magaalada muqdisho .

Dhinaca kale dagaalo iska horimaadyo ah ayaa ka soconaya wadada maka al-mukarama ,agagaarka taalada sayidka ,xarunta madaxtooyada ,isgoyska xararyaale iyo meelo kale kuwaasoo u dhexeeya xoogaga diidan siyaasada dowlada iyo Ciidamada shisheeye .

Maaha markii ugu Horaysay ee barakac sedan oo kala ah uu saamayn ku yeesho dadka shacabka ah eek u dhaqan magaalada muqdisho iyadoo kumanaan qoys oo ka barakacay dagaaladan ka socda caasimada ay weli ku sugan yihiin duleedka caasimada iyo deegaanada ku dhow dhow kuwaasoo qaarkood la il daran yihiin Hoy la,aan iyo daryeel la,aan dhinaca maceeshada ah islamrkaana hadii ay nabad heli lahaayeen kusoo laaban lahaa guryahoodii .


Yaasiin Maxamed Faytin
Yaasiinfaytin@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Nov 10, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS