SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

{Jabuuti} Xog-hayaha Warfaafinta Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Axmed Cabdullaahi “...Nuur Cade wareysi uu bixiyey oo sheegayey in Is-bahaysigu qayb ka yahay xukuumada loo xilsaarey inuu soo dhiso, taasina waa wax...” wareysi

Xog-hayaha Warfaafinta Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Axmed C/llaahi oo shir jaraa’id ku qabtey Hoteel Imperial ee Caasimada dalka Jabuuti ayaa waxaa uu shirkiisa jaraa’id kaga Hadley safaradii kala duwanaa ee ay ku tageen Kiiniya iyo Soomaaliya waxyaabihii ay kula soo kulmeen iyo wareysi gaar ah oo aan la yeelaney ayaa ku faah faahiyey

‘ujeedooyinkii uu u tegey wafdiga uu hogaaminayo Gudoomiyaha Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliyeed Sh. Shariif Sheekh Axmed waxay ahayd, madaxda Muqaawamada dibada joogta iyo madaxda gudaha iney wada kulmaan, maadaama ay mudo kala maqnaayeen, sidoo kale in lala kulmo mas’uuliyiinta iyo madaxda deegaanadaasi joogta iyo Odayaasha dhaqanka, Aqoonyahanada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, si warbixin looga siiyo wax qabadka isbahaysiga mudada uu dhisnaa, sidoo kale laga dhegeysto warbixino mas’uuliyiinta lala kulmey waxyaabaha ay qabteen, caqabadaha horyaala gudashada hawlahooda, labada dhinacba lasy dhaafsado talooyin dhaxal gal ah ee lays leeyahay oo ay ku hagaagi karto hawsha iyo wixii dhaliilo ah oo lays tusiyo ayey guud ahaan ku saabsaneyd” ayuu yiri Axmed Cabdullaahi shirkiisa jaraa’id.

Waxaa kale oo uu shirkiisa jaraa’id kaga hadley “ waxaan jeclahay in aan hoosta ka xariiqo booqashadaasi guusha ay ku dhamaatey, sida aan ugu faraxsanahay waxaana mahad leh Allaha noo fududeeyey hawshaas baaxada leh iyo mas’uuliyiintii kaalinta weyn ka qaatey, mana arag cid diidan hawsha dibuheshiisiinta oo mucaarad ku ah, laakiin dadka aan la kulmeyney waxaa ka muuqatey laxjeclo, markii aan su’aalo is dhaafsaney, meelihii ay madmadow ka qabeena waa loo cadeeyey, markii lasyla gorfeeyeyna, aragtidii meel bay wada martey, qof qofna looma wada gaarikarin, marka intii u xilsaarneyd hawshaasi waanu kulaney meel baana wax isla dhigney, guud ahaan heshiis marka la galo fulintiisa waqti bay u baahan tahay, xiliga Soomaaliya ay ku jirto cid kasta wey ogtahay, wax sidii Kumbiyuutarka oo kale dhag iyo dhag noqoneyso ma ahan, marka mash-ruuca noocaas oo kale la hirgelinayo, waxaan shaki ku jirin inuu buundooyin marayo, waxaana is leeyahay waqtigii baa socdee wali wax carqalad oo lagu soo kordhiyey arintaasi ma jirto, waxayna u baahan tahay gudiyada nabadgelyo howshaasi u xilsaarneyd iney hawlgalaan, ujeedada safarkaasina waa la gaarey dadd badan oo fariintayada inay gaarto ahaydna way gaartey, fariin badan oo shacabka Soomaaliyeed uu leeyahayna oo iney na soo gaarto ahaydna waan helney, talooyin muhiim ahna waan wada qaadaney, waxaana ugu muhiimsan dadka in wax ay isla gartaan oo meel loowada jeesto, taasina waxyaabaha la gaarey xaqiiqadooda ayey ka mid tahay, wadada inta lagu jiro waa ay dheer tahaye, in dadka loo dulqaato ayey u baahnaan doontaa. Waxaa kaloo laga Hadley in la dhameeyo khilaafka shacabiga Soomaaliyeed, gaar ahaan khilaafka Midowga Maxaakiimta in la dhameeyo, loona qabto shirar muhiim ah oo arimahaasi lagu soo af-jarayo, waana wax dan ka u wada noqonkara mustaqbalka danta Ummada Soomaaliyeed”.

Shirka jaraa’id ee uu qabtey Axmed Cabdullaahi kadib oo wareysi gaar ah aan kula yeeshey isla goobta uu ku qabtey shirka jaraa’id, oo aan weydiiyey ujeedada safarkii ay ku tageen Magaalada Nayroobi Wafdigii uu hogaaminayey Sheekh Shariif ayaa wuxuu ku jawaabey “safarka Nayrobi wuxuu ahaa martiqaad uu ka heley Is-bahaysiga bulshada caalamka, ujeedooyinkii uu u tagay wax badan oo ka mid ah waa u soo qabsoomey, Jabuuti ka tagitaankeeda oo Nayroobi la tago in loo fasiro waa laysku milmayaa iyo wax baa laga soo qaadanaaya, aniga ma qabo inay soo bixi karto, inaan la tegin Nayrobi.

Jabuuti ayaa markii hore wax lagu kala sixiixdey, waxa la saxiixeyna in laysugu soo noqdo ayey ahayd, ujeeadada aan u tagney waxay ahayd in lagala soo hadlo bulshada caalamka arinta Soomaaliyeed, in badan oo ka mid ahna waan is aragney, waana u sharaxney dhibaatada shacabka Soomaliyeed, kaalinta ay tahay in laga qaato, sida ay ku sahlan tahay in looga baxo xalka Soomaaliyeed, waxaana hore ula kulaney Urur Goboleedyo kala duwan ee caalamka ka jira, waxaan la kulaney mas’uuliyiin badan oo madaxda IGAD ka tirsan, waxaan keloo la kulaney Madaxda AU, guud ahaana waxaa la gaarsiinayey fariirta saxda ah ee shacabka Soomaaliyeed uu leeyahay.

Somalitalk: Axmed Cabdullaahi waxaa jira hadalo ka soo bax baxaaya safarkii aad ku tagteen Magaalada Nayroobi, in wadahadal uu idiin dhex marey adinka iyo urur goboleedka IGAD maxaa ka jira arintaas?.

Axmed: guud ahaan waxyaabaha aan u tagney Nayroobi, martiqaadka aan ka helney ka sokow, in qadiyada Soomaaliyeed laga gado bulshada caalamka ee isugu jira dowlado iyo Ururo arinta Soomaaliya ku lug leh, dadd badana waan la kulaney waxaana u sharxeyney aragtida uu Is-bahaysiga ka qabo, sidii nabad waarta loogu gaari karo gobolkan, arintaasina wax badan baa ka soo hagaagey, waxaana is leenahay waa marxalad loo baahnaa in tilaabadaasi la qaado, sababtoo ah Is-bahaysiga wuxuu u baahan yahay inuu bareerihiisa uu sharxo iyo cid kasta arinta Soomaaliyeed si uun ugu lug leh.

Somalitalk: Ma jirtaa kulan gaar ah oo aad wadayeelateen Urur Goboleedka IGAD, islamarkaana aad wadahadal yeelateen?!

Axmed: dadkaas guud iyo hay’adahaas guud ayey qayb ka ahaayeen.

Somalitalk: kulanka dambe ee aad wadayeelan doontaan ee shirka Jabuuti, maxay tahay waxyaabaha looga wadahadlidoono?.

Axmed: arimaha ay tahay in laga hadlo waxaa ka mid ah, sidii Qaran Soomaaliyeed uu lahaan jirey waxyaabaha guud ahaan uu u baahan yahay, sida dadka qaarkood ay u fasirayaan ee ah Kursi hebel iyo Kursi Hebel waxa loo yaqaano, wax ka balaaran in laga wada hadlo, oo aan Xukuumad laga wada hadline ee laga wada hadlo Qaran sidii loo heli lahaa,waxa bulshada wareerka geliyey waxaa ka mid ah, hadalada mas’uuliyiinta qaarkood ay dhiibayaan oo u eg ama ay dhici karto, in ujeedo laga leeyahay ama ay iska yimaadaanba, waxaa ka mid ahayd in aad naloo weydiiyo Nuur Cade wareysi uu bixiyey oo sheegayey in Is-bahaysigu qayb ka yahay xukuumada loo xilsaarey inuu soo dhiso, taasina waa wax aan xaqiiqada ku lug lahayn, waana arin ka duwan wax Jabuuti iyo heshiiskeedii loogu soo noqdo oo aan waafaqsaneyn, arin shir laysugu yimaado, Jabuuti kii horena waa lagu adkeeyey, kuwa dambe ee la yeelanayo waxaa aad loogu adkeeyey in lagama maarmaan ay tahay, wadahadalka iyo arinta dibu-heshiisiinta Soomaaliyeed ee gogosha Jabuuti ka furan mida asalka ah ee ay tahay dadaal kasta inuu ku soo aruuro, waana arin masiiri ah oo aan laga tilaabsan karin, waxa kusaabsan waqtiga waa wax farsamo ah, waxayna ku jirtaa la tashiyo mas’uuliyiinta hawlahaasi ku jira.

Somalitalk: marka la soo kobo safarkiina muxuu ka bedelayaa xaalada murugsan ee Soomaaliya, islamarkaana uu ku soo kordhin karaa?

Axmed: waxaan is leeyahay socdaal muhiin ah oo wax la taaban karo oo muuqda ee bulshadu wada qiimeyn karto ahmiyada uu leeyahay ayuu ahaa, wax badan buu kusoo kordhin karaa, tan hore Nayrobi markaan tagney aragtida ka Is-bahaysi ahaan aan qabno ee lagu heshiin karo ayaan suuqa geysaney, waxaana is leenahay meeshii wax aan ka tilmaaney waa laydinla gartey, tan gudaha ku saabsana wuxuu ahaa safar qorsheysan oo mar hore loo baahnaa mas’uuliyiinta gudaha ku jirta iyo bulshada gudaha ku jirta iyo madaxda dibada sidii ay u kulmi lahaayeen, in la doodo oo lays qanciyo wax badan bey kusoo kordhin kartaa, hawsha la hayo waana arin ilaahay aan ugu mahadcelineyno.

Somalitalk: safarkii aad ku tagteen Nayrobi iyo dalka gudihiisa waxaa xubin ka ahaa Xog-hayaha Arimaha Gudaha Is-bahaysiga Col/ Cumar Xaashi Aadan, maxay tahay sababaha uu ugu soo harey gudaha?

Axmed: shaqo looga maarmi waayey gudaha oo uu ku hawlan yahay ayaa jirta, arimaha gudaha waa mas’uuliyad balaaran, waxay la xiriirtaa maamulka dhismihiisa iyo Nabadgelyadiisa, meelihii aan tagney waxyaabaha looga hadlaayey waxaa ka mid ahayd, ahmiyada ay leedahay nabadgelyad in la sugo, maamulada Qorshe hawleedyadooda, lana qiimeeyo khasaaraha shacabka soo gaarey, lana diyaariyo mashaariicda Horumarineed sida loo sameyn karo iyo meesha laga bilaabo in ay tahay, waxyaabahaas iyo kuwo kale si loo dhameystiro ayaa looga maarmiwaayey.

DHAMAAD

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti

fatxumaalik@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Nov 10, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS