SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Hambalyo iyo Bogaadiin Doodii Xildhibaan Galloway

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda iyoCadaalada cod muwaadinka xalaasha,Gumeeysi diidka,dalkiisaiyo dadkiisa difaacooda u taagan waxaanu sida ku haboonu soo dhoweeyneeynaa Doodii qiimaha weyn lehay oo geesigaweyn Galloway ka jeediyeey aqalka Barlamaanka Dalkan UKsida cadna ugu qeexay tacadiyadda.dhibaatadda iyo xasuuqaCiidamadda Gumeeysiga Itoobiya iyo Maleesghiyaadka kabahau sidda Gumeeysiga ku hayaan Shacabka Somaliyeed,waxaanuu aragnaa doodaas mid ka turjumeeysa damiirka nool iyoDareenka dadnimo ee Xildhibaankaas, waana xaqiiqada dhabtaah oo ka jirta Dalkeena Hooyo.Waxaan si weyn ugu taageereeynaa Gallowayiyo Shakhsiyaadka dhigiisa ah oo ka gilgishay Gabood falkalagu hayo Ummadeena Somaaliyeed,waana arrin ahamiyadeeda leh loogana baahan yahay Jaaliyadda ku dhaqan Dalkan Uk ineey doorkooda qaataana, kuna taageeraan Halyeey GallowayDadaalkiisa sida ku hoboona ugu mahad-celiyaan,isla markaaCodkooda iyo Taageeradooda Siyaasadeed ku biiriyaan siyaanXisbi Siyaasadeedka Galloway(Difaacaha Xuquuqada Jaaliyadalaga fara badan yahay-sida Somaalidda).

Marka aad daawataan oo dhegeeystaan doodaas iyo habkawanaagsan oo Xildhibaanku u taabanaayo duruufaha dhabta ahoo ka jirra Dalkeena Hooyo iyo Tacadiyada Gumeeysi wadaanwaxaa ogaaneeysaa sida wuu xog ogaal ugu tahay xaaladda kajirta dhulka iyo aqoonta fiican oo wuu leeyahay ShacabkaSomaaliyeed iyo dhaqan gumeeysiga Itoobiyaanka,sidoo kalleGeesinimadda Ninkaas oo si cad farta ugu fiiqay XukuumaddaShaqaalaha oo Dalkan ka talisa iyo nidaamka Bush farahagelinta iyo dhibaatooyinka waaweyn oo eey guud ahaanba kuhayaan Dunida sadexaad gaar ahaan Dalkeena Hooyo, Wauxuunahalkaas ka cadeeyeey in amarka Duulimaadka Itoobiya wuuBixiyeey Rajiimka Busha USA, Boqortooyadda UK-na raali katahay,waana talaabo lid ku Nidaamka caalamka iyo XeerkaQaramadda midoow iyo kuwa Qaaradaha Aduunka(sida HanaankaDimuqraadiyadda reer Galbeedku sheegtaan).

Waxaanu ku boorineeynaa Xubnmaha Jaaliyadda Somaliyeedin eey sida ku haboon u dhegeeysteen,una dhuuxaan nuxurkadoodaas qiimaha weyn leh,gutaan masuuliyadooda Qaran-meedoo ka saaran Dalkooda hooyo, kala shaqeeyaan XildhibaankaGalloway soo bandhiga dhibaatada iyo xasuuqa sida joogtadauga dhacaaya Dalkeena hooyo-Gunaanadka Hambalyo GeesiggaWeyn Xuildhibaan Galloway iyo Shakhsiyaadka Dhigiisa ahba,Ma illaawi doono abaalkaaga Mudane,waxaanu ku rajeeyneeyHorumar iyo guulo joogto ah.

-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)--Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa SomaaliyeedNabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda--England-UK- 19/06/2008.
sharifhassan50@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | June 20, 2008
 

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS