SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Muqdisho: Qaar ka mid ah gabdhaha Jaaliyadaha ingiriiska iyo Denmark oo gargaar gurmad ah la gaaray qoysas roob ku helay guryo ka sameysan baakado iyo maryo la isku tolay

Sawirada halkan ka daawo....

Deeqdaan lacageed oo ay ahayd mid ay si weyn ugu baahnaayeen dadkaan ayaa waxaa ugu deeqay Qaar ka mid ah gabdhaha Jaaliyadaha ingiriiska gar ahaan magaalada Brigham iyo kuwo joogo dalka Denmark ayaa deeq lacageed gaarayso $1100 oo ay soo dhiibeen la gaarsiiyey 300 qoys oo ka barakcay guryahoodii ka dib markii ay u adkeysan waayeen dagaalada ka socdo muqdisho

Dadkaan ka barakacay guryahoodii ayaa waxaa haatan heysta nolo xumo tii ugu xumayd, iyadoo weliba lagu jiro xili roobaadkii xiliga Gu’gga, waxaana ka mid ah dadkaan kuwo ay nafaqo daro, kadib markii uu ay ka carareen dhamaan wixii ay heysteen iyo Guriyihii ay ku jireen isla markaana baanaaku roobku ku helay waxayna noqdeenkuwo roobabku ay maasheeyeen iyo daadad ka yimid meelo fog, kuwasoo cardaadiqaha ka dhigay Guryihii ay ku noolayaan, 4 caruur ahna ay ku dhinteen, kuwona uu ay la ildaran yihiin qabowgii roobabaka.

Deeqdaan manta ayaa waxaa la geeyey xaafada bangalo oo ka tirsan dagmada dayniile agagaarka warlaliskii radiyo Muqdisho waxaana asbuucaan gudihiisa ku geeriyooday 4 caruur ah ka dib markii roob mudo socday ay waayeen meel ay ka galaan waxaana dhaxantii robkaas uu salfaday nolosha 4 carur ah iyo tiro kale oo subaxdii dab loo shiday markii lagu arkay iyaga oo ay heyso qarqaryo xoogan ,

Kaalmada manta ayaa gaareysay 16.500.000 iyo 60 xabo oo baco ah waxaana loo bixinayey sida look ala daran yahay oo aqalada qaarkood ayaa ahaa kuwo aan waxba sarneyn oo aan celin Karin biyaha roobka, dhaxanta, qoraxda, iyo sido kael biyaha dadka ah

Caasho Cusman Ugaas ( Caasha Shaacuur ) ayaa ugu horeysay cid ka jawaabtay dalabkii iyo qeyladhaantii ka soo yeertay qoysaskaa roobku ku helay geedaha hostooda oo ay markii hore ka galeen xabadaha ka socday Magaalada Muqdisho

Caasha ayaa ugu baaqday dhamaan hey.addaha dibada iyo kuwa gudaha in ay gargaar u fidiyaan dadka ku dhibaateysan duleedka magaalada muqdisho dadkaan ayaa isugu jira dad waayeel ah iyo kuwo caruur ah mana aha kuwo heli kara nolol maameedkooda waxayna jiifaan geedaha hoostooda

Sidoo kale caasha ayaa ugu baaqday dadka somaliyeed ee dibadaha , shirkadaha , kuwo gudaha iyo cid kasta oo wax heli karta in ay manta maagan tahay meel aan lakala marmi Karin dadkiina y yihiin kuwo aan isku filneyn

Gurmadkaan ayaa ah mid xaga bacaha roobka ah oo ka bilowday gobihii ay daganaayeen dadka guryahodii ka barakacay oo roobabku iyaga iyo caruurtodii ku waxyeleeyeen banaanka Magaalda Muqdisho ,

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666
 

Faafin: SomaliTalk.com | June 20, 2008
 

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS