SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Barnaamijkii Radio Xoriyo
17 Jun 2008.

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga
Dad uu gumaysigu laayay iyo kuwo uu xidhay
Dhaqdhaqaaqa Ginbot 7 canbaareeyay xasuuqa Ogaadeenya
Jabuuti oo sheegtay in maraakiib dagaal Faransiisku u keenay
Warbaahinta caalamka (Wargaysyada,iyo wakaaladaha)iyo Ogadenya.
Jaaliyada Ogadenya ee Denmark oo shir sanadeedkeedii isugu timid.

======================
Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga

Hawlgalkii Guluf ee Qaybaha Gorgor iyo Duufaan ee CWXO ay ka fuliyeen degmada Dhagaxmadow markii ay taariikhdu ahayd 10/06/08 ayaa sidaan barnaamijkii hore idiinku sheegnay waxaa ciidammada gumaysiga loogu gaystay khasaare aad u baʼan. Khasaarahaas waxaa ka mid ahaa iyadoo afar baabuur lagaga gubay saldhigyadii cadowga laga qabsaday.

Sida uu ku soo warramaya wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya waxay ciidammada gumaysigu ka carareem gobo dhawr ah oo ay degganaayeen intii ka denbaysay hawlgalkii Guluf ee CWXO hirgaliyeen bishan 10-keedii iyo 11-keedii.

14/06/08 waxaa weerar kadiso ah lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Qabri-Cadaad, oo duleedka Dhagaxmadow ku taalla, waxaana la gaadhaasiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

13/06/08 weerar qorshaysan oo lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa meesha lagu magacaabo Iga, oo ku taalla duleedka magaalada Dhagaxmadow, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari.

10/06/08 weerar dhabba-gal ah oo lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo marayay Labiga, waxaa lagaga dilay 18 askari, 12 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sidoo kale 10/06/08 Far-hareeri dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

09/06/08 Xero-Jabhada, oo ka tirsan Wardheer, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga gubay hal baabuur oo Uuraal ah, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 50 askari oo saarnaa. Waxaa sidoo kale halkaas ku bas-beelay hubkii iyo qalabkii kale ee ciidammadaasi wateen.

06/06/08 dagaal ka dhacay Laandhes, oo ka tirsan degmada Sagag, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 7 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

03/06/08 weerar lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Shaygoos waxaa loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

31/05/08 Tantoomi, oo Dahagaxmadow ka tirsan, waxaa weerar mir ah loogu gaystay ciidammada gumaysiga ee halkaas ku sugan, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la helin.

Dad uu gumaysigu laayay iyo kuwo uu xidhay

Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa labo nin oo shacab ah ku dilay Dhankayrrey iyo Xaaxi, oo Yucub ka tirsan.

05/06/08 Dhankayrrey waxay cidammada gumaysigu ku dileen Axmed oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin.

04/06/08 Xaaxi, oo Yucub ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen Maxamed C/risaaq Sh Cali.
Dhinaca kale markii uu dhacay hawlgalkii Guluf ka dib waxay ciidammada gumaysigu magaalada Jigjiga ku xidhxidheen dad badan oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin ama taageeraan JWXO. Dadkani waxay isugu jiraan kuwo u shaqaynayay waxa loogu yeedho Maamulka Kililka oo isugu jira wasiirro ku-sheeg, madax xafiiseedyo, shaqaale iyo dad kale oo shacab ah oo magaalada laga qaqabtay.

Dhaqdhaqaaqa Ginbot 7 canbaareeyay xasuuqa Ogaadeenya

Dhaqdhaqaaqa Ginbot 7, oo ah dhaqdhaqaaq ka falliidhmay ururkii Amxaarada ee CUD, isla markaana si wayn uga soo horjeeda taliska Meles Zenawi, ayaa si kulul u dhaleeceeyay xasuuqa ay ciidammada gumaysiga Itoobiya ka wadaan dalka Ogaadeenya. Dhaqdhaqaaqu wuxuu dhaleecayntan soo saaray, ka dib markii ay soo baxday warbixintii ururka xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch, taasoo lagu caddeeyay in ciidammada Itoobiya ay xasuuq iyo gabood fallo kale ka gaystaan Ogaadeenya.

Dhaqdhaqaaqa Ginbot 7 ayaa bayaan uu soo saaray wuxuu ku sheegay inuu aad u dhaleecaynayo degnbiyada dagaalka ee laga galayo dadwaynaha Ogaadeenya, wuxuuna tilmaamay inuu si kasta oo suuragal ah u taageerayo halganka ay dadwaynaha Ogaadeenya ugu jiraan iska caabinta denbiyada ay ka galayaan ciidammada Wayaanuhu.

Dhaqdhaqaaqu wuxuu xisbiyada siyaasiga ah, bulshada rayadka ah, hayʼadaha kala duwan iyo dadka caadiga ahba ugu baaqay inay ka hortagaan oo canbaareeyaan falal denbiyeedka ay ciidammada Wayaanuhu ka gaysanayaan dalka Ogaadeenya.
Dhaqdhaqaaqa Ginbot 7 wuxuu bulshada caalamka ugu baaqay inay joojiso kaalmooyinka dhaqaale, millatari iyo taageerooyinka kale ay siinayso taliskan, oo gaysanaya denbiyo baniʼaadamnimada ka dhan ah.

Jabuuti oo sheegtay in maraakiib dagaal Faransiisku u keenay

Dwolada Jabuuti ayaa daboolka ka qaaday in waddanka Faransiisku uu u soo diray markiib dagaal, kuwaasoo maalmo yar gudohood ku soo gaadhi doona xeebaheeda, si ay uga qayb qaataan dagaalka ay kula jirto waddanka Eriteya.

Toddobaadkii hore dagaal ayaa dhex maray labada waddan ee Jabuuti iyo Eritereya, kaasoo ay dhinaca Jabuuti kaga dhinteen ilaa iyo toban askari, tobaneeyo kalana ay kaga dhaaacmeen.

Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf ayaa sheegay in xaaladdu ay hadda deggan tahay, balse deegaanka la isku hayo ee Ras Dumeera ay iman doonaan 3 Markab oo kuwa dagaalka ah oo midkood xanbaarsan yahay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helikobtarrada, waxayna Maraakiibtani ciidammada Jabuuti ka caawin doonaan dhinacyada gaadiidka ama saadka, caafimaadka iyo sirdoonka.

Waddanka Faransiisku wuxuu Jabuuti ku leeyahay mid ka mid ah xeryihiisa millatari ee ugu waawaynee uu dibada ku leeyahay, waxaana isaga iyo Jabuuti ka dhexeeya heshiis dhinaca amniga ah oo ay wada saxiixdeen markii ay Jabuuti xornimada ka qaadatay sannadkii 1977.

Dowlada Eritereya ma ayna xaqiijin, mana beenin in dagaal dhex maray iyada iyo Jabuuti, hase yeeshee waxay sheegtay in Jabuuti ay waddo olole colaadeed oo ka dhan ah waddanka Eritereya.

17 Jun 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | June 18, 2008

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS