SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

DURDURADDA SHEEKH SHARIF IYO DIGASHADA C/LAAHI

Hadda ka hor ayuu wareysi uu Cali Mahdi siiyey saxaafadda waxuu ku yiri’ dalka tobon sano oo maxmiyad ah hala galiyo’ in yar kadib warkii waxuu la xumaaday siyaasiyinta ay Cali isku fikirka ahaayen, waxaana jawaab asluubaysan ka bixiyey siyaasigga afka Soomaaliga hodonka ka ah ee la yiraa Kadare waxuu yiri ‘ war la daba socdo baad sii dayseen’ ogoow kuwii sheegayna ma beenin kii yiri ma eedeyn, hadda taariikhdu waa marqaatiye heshiiskii Jabuuti oo iska daa fulintiisee qoraalkiisa mugdi wayni ku jiray ayaa halkii dabinka laga guntay waxaa u soo gurya noqday Sheekh Shariif iyo tobon xubnood oo uu hogaaminayo laba arrimood ayaa kulamadaas looga hadlaya waxaan saxiixnay ma fulinaysan iyo mid aan kor loo sheegayn oo ah kulanka Jiddah oo kan awooda lagu qaybsan doono ah habka loo qaabayn doono, eeg doodi Sheekh Shariif ee BBC ka baxday jimcihii laba arrimood oo dadka iyo halgamayaasha laga qarinayey sheekhu wuu qirtay, tan hore waxuu yiri’ shirku waxuu u fashilmi gaarey qodobka bixitaanka Itoobiya ha lagu koobo afar bilood kadib ayeey baxayan, haddana waxaa laga dhigay afar bilood kadib ayeey baxayan haddii la helo ciidamo UN oo ku filan oo badala’ taasi waa daliil muujinaysa in Sheekha iyo raga la socda loo dhiibay war mujaamala tiiyoo laga saxiixday arrin cawaaqibka dalka wax u dhibaysa oo ah in Itoobiya dalka lagu sii hayo waayo UN Darfur bay ciidan gayn lahayen ama kuwii midowga Afrikoo la balan qaady bay maal galin lahaayeen, arrinta labaad waxuu yiri Sheekhu guddiyaa la dhisi doono oo qaarkood soo dhisa ciidankii Boliiska iyo Malatariga adoon qofna wax warsan waxay ku tusinaysaa in bar dhamadka Sheekhu tahay inuu xukuumaddii uu ridada u yaqaanay ku biirayo.

Waagii Caydiid iyo Mareykanku is qabteen hogaamiye kooxeedyo badan ayuu Mareykanku muqaabaradka Sacuudiga ku xiray si ay daqli kaash ah uga helaan oo ay Caydiid kula dagalaman, hadda adoo raadkii ugu danbeeyay ee shirkii Cali mahdi horkacayey ee fashilmay xasuusta gunaanadkiisi waxaa lagu so af jaray Sacuudiga loomana tagin ujeeda kale sooryo ama sako ayuu boqorka iyo muqaabaradkuba siiyan meeshi uu Marayakn raali ka yahay, hadda nuxurka shirka Jeddah waa kaas, la ismase waydiin wixii Cali ka macaashay oo ahayn miisankiisa siyaasiga oo ku lumay.

Muqaawamadii markii ay jihaadkii ku adkaatay oo dhulkii lagula diriray ay boqolkiiba sagaashan iyagu manta maamulan ayaa masrixiyadda siyaasadda lagu dibriyey iyadoo madaxdoodi loo soo maray inkastoo rag ALLE garasho siiyay ay diiden, jabka siyaasiga waxaa wehliya digasho hadda ka hor ayaa C/laahi waagii qabqablayasha iyo maxkamaduhu Xamar ku dirirayeen yiri’ war banaanka isagu baxa qolo lax ha jiidatee’ maalmo kadib markii qabqablayashi la cayriyayna waxuu yiri’ waa lagu digtaa ruux haduu kuu daraan jiray’ waxuuna u jeeday ragii xildhibaanadda iyo wasiiradda ka ahaa xukuumadiisa ee siyaasadda uga hor yimid, waxuuna subaxaas u shaqo tagay inuu karka siyaasadiisa ugu muhiimsana sarifto oo ahaa argagixisa dalkii qabsatay, karkiina waa u gadmay madfac Mareykan iyo mooryan Tigree buu ku helay, ileen rabitaanka dadka lama diriri karee labadii oo la socotuu sanad kadib gacan banan soo fariistay, waxaase naf soo galiyay shirkan Jabuuti duqu waa reer Mudugoo reer mudugana markay libin helaan digasho iyo faan bay la soo shir tagaan ALLE kuma xamdiyaan intooda badaniye eeg waxuu manta BBC ka yiri’ hadda laba arrimood un baa dhiman tan hore waa inay dastuurka aqbalaan, tan labaadna waa inay awood qaybsiga aqbalaan taasoo uu ula jeeday 4.5 Sheekh Shariif ku sugaa kuraasta Hawiye ka kacsanee mooyee muhiimad kale kaama soo horayso weeye macnaheedu,

Dastuurka uu aqbalaya saddex xaraf qodob buu Sheekha dhaxalsiin kow qaanadda cilmaaniga inuu galo sabatoo ah datuurkan diin laguma dhaqo, labo gumaysi ansixinteed waayo C/laahi barlamanku u soo maray go,aankiisa, saddex inuu 4.5 ahmiyad kabalaaran helayn taasoo laba maco yeelan karta war nin Mudullod ah baa tahay kursiga Nuur Cadde ka badal ama xubintaas tan xigta ee Mudulood qaado tan Maxamed Dheera xigta ileen reerku wasiir waxaa u ah Nuur Cadde ogow haddi xabaddu joogsan waysay ka hor awood qaybsiga mansabka aad hayso kali ah baa laga sarifan ileen cududii diriraysay ku diiday iyana jagadda Harti Abgaal ninka ugu sareeya hayo waa tan Maxamed Dheere , mahmaah baa ahayd meel aad madeexa tahay majaheeda la iskama dhigo hadda Sheekhu urur shacbiyadda ugu balaaran haystuu madax ka ahaa guri C/laahi wax ku qaybinayuu ka doortay.

Saddex arrimood hadeysan dabaqaban Sheekh Shariif waxuu saran yahay doon siyaaso oo mowjaddo hirar ihi wadaan tan koowaad waa dadaal ay cullimo iyo rag waxgarad ah oo gudaha u badan wadaan oo ay doonayan inay raga is hayana isagu keenan Sheekhana ku dareensiiyan wixii ka qaldamay, inuu safaradan uu marayo ku arko arrintu intay qodon tahay ileen waa rajul diineed uu isagu is qabto, tan saddexad oo ah tan ugu karaamo xun waa inuu C/laahi awood qaybsi ku diriraan oo uu soo gurya noqdo, waxaadna ogaata in siyaasi qowmi uusan talo nuxur leh bixinayn marba haddii daneysi yimaad eeg C/laahi Sheekh Xasankii markuu kaarkiisi afhayeenka qowmiayda sariftay , shirkuu Cali uu talo ka bixi is yiri aan cidna dhagaysan dani tiri xagana gabtay halkaana qiime kama lihid riwaayadda qabow iyo qab jab ee qurbaha ka jirta ka qayb galay, meeshii aan is lahaa war Sheekha meel la aada kaama horeysee dhihi ee faraskaaga ha ka dagin ayuu dhihi doona ayuu si aan kala har lahayn dudurada Sheekha u taageeray ileen waayuhu waxba nooma kordhiyaan.

Gabagabadii gabay uu Hadraawi tiriyaa waxaa ka mid ahaa duunyo layla soo qaad,damac layla soo qaad , duug haraanse ka xigsadey hadda Sheekhoow diinta iyo dadkaa hari ee iyaga siddii aad ugu hiilin jirtay ugu hiile haddii kale waa meeshii Hadraawi ka yir’ dadku maahan kii hee markay door samaystaan dabarkoodu go,I jiray’C/laahina waxaan dhihi lahaa halqabsi i uu yiri ninkii aqalka cad afhayeenka ka ahaan jiray ‘ siyaasad oo dhani waa gudaha’ gudahana laga diid, waligaaba shisheeye xoogood iyo dabino siyaaso oo ay dhigaan naf ka raadi, Sayidkii baa laga hayaa’ Anaa dilayoo dalkoodi ka wade xageen Darood u doona’ hadda adigu xitaa inaad intaas garato oo tiraa diinka la diriraa jabku iga raacay, dadkaygi Soomaliyeed oon la diriraa jabku iga raacday intaas ma garatid iska gaardi xukunka ALLE ka sakow xabadda muqaawama ku sugee.

WQ CAANAGEEL
caanageel@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 18, 2008

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS