SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

War saxaafadeed kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Goboleedka Puntland

Date: June 16, 2008 

Wasiirka Wasaaradda Wafaafinta DGPl oo goobo badan oo ka mid ah Puntland qudbad ka jeediyey lagu taageerayey Dowlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyadoo markaas lagu cambaareeyey Dowladda Eretira ee soo wareertay dowladda jabuuti  

Wasirku isagoo la hadlay bahda warbaahinta ee Puntland wuxuu cambaarayn dusha uga tuuray weerarkaas gardarada ah ee ay soo qaaday dowladda ereteriya, isla markaana ku cadeeyey inay dab kula wareegayso geeska Africa iyadoo aan ognahay inay horey u weerartay Yemen, Soodaan, Ethipia kana dhex shaqayso arrimah Somalia iskana horkeento shacbiga Somalia iyadoo inyar garab siinaysa kana soo horjeeda Dowladda Federalka ah ee Somaalia.  

Sidaas darteed shacbiga Puntland dowladdiisa, isimadiisa waxgaradkiisa, aqoon yahankiisa waxay si cad u garab taagan yihiin dowladda ay walaalaha yihiin ee jabuuti hiil iyo hooba. Waxna ka hakran maayaan kana reeban maayaan wixii awoodooda ah. 

Wuxuuna wasiirku amray bulsho weynta Somalia gaar ahaan bulshada reer Puntland meel kasta oo ay joogaan inay is garab taagaan walaalahooda Jabuuti oo uu ku tilmaamay hoyga kaliya ee u haray umadda Somaliyeed ahna madasha dhabta ah ee jecel inay dib usoo istaajiso qaranimadii somaaliyeed, aruurisana dhaqankii umadda Somaliyeed 

Sidaas darteed waxaan maralbaad dowladda jabuuti iyo shacbigeeda ku wargalinaynaa in shacbiga Somalia meel kastuu joogaba uu garab taagan yahay walaalahooda reer Jabuuti. 

C/raxmaan Max’ed Saalax Bankax
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta DGPL

Faafintii: Agaasinka Waaxda Warfaafinta ee Wasaaradda

Faafin: SomaliTalk.com | June 16, 2008

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS