Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan oo ku soo jeeda
Muqdisho
Zakariye Xaaji” Waxay doonayaan in ay
iska horkeenaan Muqaawamada
Iyadoo dhawaan Magaalada Jabuuti heshiis ku kala
saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo Isbahaysiga dib u
xoreynta Soomaaliya ayaa si loo dhaqaajiyo heshiiskaasi
waxaa shalay Magaalada Nairobi gaaray wafdi uu
hogaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah
guddoomiyaha Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo uu
wehliyio Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana la sheegay
in ay halkaasi kulamo kula yeelan doonaan Madaxda
Hay’adaha samafalka gaar ahaan kuwa Qaramada Midoobey oo
iyagu sheegay in ay dhiiragelin Buuxa siin doonaan wixii
ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliya.
Sheekh Shariif iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxay
kulamo la yeelan doonaan madax ka tirsan Dowladda
Federaalka oo uu ku jiro Ra’isul Wasaare Nuur Xasan
Xuseen (Nuur Cadde) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh
Aadan Max’ed Nuur (Madoobe), waxaana kulamadaasi lagu
lafaguri doonaa sidii uu u dhaqan geli lahaa shirkii dib
u heshiisiinta ee Jabuuti.
Sakeriye Xaaji Max’ed oo ah Guddoomiye ku xigeenka
Isbahaysiga ayaa mar uu u waramayey saxaafadda waxa uu
sheegay in Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan Nairobi u
tageen in ay halkaasi uga helaan xoogaa lacag ah oo uu
sheegay in ay bixinayaan Qaramada Midoobey lacagtaas oo
uu sheegay Sakeriye in la doonayo in lagu kala dilo
kooxaha Muqaawamada ee dagaalka kula jira Ciidamada
Itoobiya, waxa uun sheegay Sakeriye in Sheekh Shariif
iyo Shariif Xasan ay tagi doonaan Magaalada Muqdisho,
waxa uuna intaa ku daray in ammaankooda ay sugi doonaan
ciidamada Uganda ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya,
isagoo sheegay in sababaha ay halkaasi u tagayaan ku
sheegay in ay kulamo la yeelan doonaan Madaxda
Muqaawamada si ay uga dhaadhiciyaan wax uu ugu yeeray
shirqoolkii Jabuuti.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi
Yuusuf Axmed oo haatan soo gaaray dalka Jabuuti ayaa
waxa uu kulan la qaatay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil
Cumar Geele waxayna isla soo qaadeen go’aanadii shirkii
lagu kala saxiixday Magaalada Jabuuti ee Dowladda
Federaalka iyo Mucaaradka, waxayna wararka qaar
sheegayaan in C/llaahi Yuusuf gaari doono Magaalada
Nairobi si uu ugu biro Mas’uuliyiinta kale ee iyana ku
sugan Dalka Kenya.
W/D Amiinkhasaaro@hotmail.com
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Golaha
Guurtida Ku Dhaqanka Shareecada Islaamka ee Beelaha Darood oo looga
dhawaaqay Muqdisho.. Akhri/sawiro
Xildhibaan ka mid ah Barlamaanka Kenya oo
Dowlada Kenya ka Codsaday in la soo Celiyo Muslimiintii loo Gudbiyay
Dalka Itoobiya... Akhri.. Jun 17
Maalinta iskaashiga & Midnimadda Soomaalida
Leicester