SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Furitaanka Haweenka oo ku batay Gobolada Somalia Sicir barar awgiis

waxaa maal mahaan magalada Bosaso ku soo badanaya furniika Haweenka reer Puntland kadib Sicir bararka ragaadiya magaaloyinka waweny ee puntland.

qaar kamid ah haweenka la kulmay furitaanka Sicir Bararka awgiisa oo aan kula kulmay Magaallada Boosaaso ayaa sheegey in Sicir Bararku uu yahay Wax uu ilahay Keenay Balse Loo baahan yahay Wixii laga qaban karo in laga qabto Hadii wax laga qaban waayana ay u nugul yihiin Dadka Caynkan oo kale ah dhibaatooyinkaasi Furiinka ah oo kale uu keenaay Haweneydaan ayaa Sido kale waxaa ay ku tilmaamtay Sicir bararka inay sii Buun Buuniyaan Ganacsatada waaweyn ee Soomaaliyeed.

Sicir Bararka waxaa dheer Dhibaatooyinka ka oogan Gobolada Soomaaliyeed Barakaca Dhibaatooyinka isdaba jooga ah qaxa iyo waxaa lamid ka ah oo ay u nugul yihiin hooyoyinka Caruurta iyo dadka Da'ad ah mahan oo kaliya in qof walba uu fiiriyo waxaa dantiisa ah mahan Qolada dowlada ah inay fiiriso danteeda mahan qolada maxakiimta inay firiso dantee waa in laga wada shaqeeyaa sidii looga gashaaman lahaa waxaan jira ee dhibaatoyinka ah ee uu keenay qul qulatooyinka soconaaya.

Goboglada puntland hadii aan kusoo laabano gobolada puntland Sicir bararka kaliya kama jiraan waxaa jira dadkii soomaaliyeed oo kusoo qaxay inay kala kulmeen dhibaatooyin iyo sida kuwii muqdisho kasoo qaxay oo Bada lagu daadiyey sidii kuwii Ethiopia kasoo qaxay oo dib loogu dhiibey Ethiopia waxaa haboonan lahayd in Maamulka puntland intii uu ka fiirsado howlahaasi oo dhan uu wax ka qabashadooda u istaago iskana Xil saaro wax walba oo hadhow marka Miiska la isuguyimaado dhib ka imaankaro.

Gaba Gabadii waxaan leeyahay Soomaaliyey Israaca oo meel kasoo wada jeensada hadii aad isku tiirsanataan Caruurtiina iyo Xaaskiina umaydaan Furteen Cuno la'aan waxaad lasoo bixilahaydeen Barwaaqada dhulkiina Dhex Cegaagta.

W/Q Axmed Jaamac Cali Cumar ( Shafeec)
Axmeddeeq571@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
 

Faafin: SomaliTalk.com | June 17, 2008

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS