SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Gen. Cabdullahi Axmed Jaamac oo Columbus si aada loogu soo dhoweeyey

Halkan ka daawo daawo musawirradii dadweynihii xafladda isugu yimid.


General Cabdullahi Jama (Ikajiir)

Columbus, Ohio: June 15, 2008 – Xaflad si wacan loo soo agaasimay oo lagu soo dhoweynayey musharraxa jagada madaxweynanimada Puntland Janaraal Cabdullahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), ayaa ka dhacday magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Maraykanka. Munaasabadda waxa ka soo qayb galay dhammaan qaybaha bulshada—masuuliyiin sarsare, odayaal, waxgarad, culimo, haween, iyo dhallin yaro intaba.


Generaal Maxamed Cali Shire oo shirka ka hadlay

Dadkii shirka ka hadlay waxa ka mid ahaa Janaraal Maxamed Cali Shire, Janaraal Maxamed Aadan Laangadhe, Janaraal Maxamed Xuseen Xiiray, Kornayl Axmed Deeq Gardaad, Ambaasadoor Cabdikarim Cumar iyo madax fara badan oo aan halkan lagu soo koobi karin. Waxa sidoo kale iyana talooyin wax ku ool ah ka soo jeediyey odayaasha dhaqanka iyo hoggaamiyayaasha jaaliyadaha Columbus.


Dadweynihii qaar ka mida

Guud ahaan jawiga shirku wuu ka duwanaa kuwii hore looga bartay magaaladan Columbus. Dadku waxay hor dhoobnaayeen wakhtigii shirka loo qoondeeyey ka hor, hoolka shirka. Taasi waxay keentay in shirka horayba loo furo. Qiiro waddaninnimo iyo is waanin tira dhaaftay ayaa shirku ku bilawday. Waxay dhammaanba dadkii halkaa isugu yimid u riyaaqeen isutaagidda Jagada Madaxweynenimada ee Puntland ee uu Janaraalku ku hawlan yahay. Dhiirri gelin xoog leh iyo taageero ayay musharraxa Janaraal Cabdullahi Axmed Jaamac u muujiyeen bulshada reer Columbus, waxayna ku taageereen go’aankiisa ku aaddan u tartanka jagadaas.


General Maxamed Aadan

Janaraal Maxamed Aadan oo isagu ku soo dhoweynayey musharraxa aaladda cod gudbinta, ayaa isagu si faahfaahsan uga sheekeeyey mansabka Janaraal Cabdullahi Ilkajiir ku lahaa Ciidammadii Xoogga Dalka Soomaaliya. Hadalladiisii waxa ka mid ahaa Jan. Maxamed Aadan, " Janaraal Cabdullahi aniga ayaa madax u ahaan jiray isagoo markaa dhallinyaraa. Wuxu Cabdullahi ka mid ahaa dhallintii ugu cadcadday Xooggii Dalka Soomaaliyeed, kana soo bixi jiray hawsha loo igmo. Cabdullahi waa wiilkaygii, waana ku garab taaganahay xilkan uu isu taagey ee qabashada hoggaanka Puntland ama tan Soomaaliya."

Waxaa xusid mudan haweenka oo si gaara iyana wacdaro uga muujiyey goobta—dardaaran, duco, iyo buraanburro qiiro waddaninnimo ku dheehan tahay.

Kooxaha fannaaniinta ayaa iyana kaalin libaax ka qaatay. Waxay fannaaniintu soo bandhigeen heeso cusub oo dareenka qofka waddaniga ah kicinaya. Hees ka mida ayaa midheheeda waxa ka mid ahaa "derejiyo xildoonaha, doogga noo horseedaha, dadkeennu jecelyahay, noo doora waysagaa." Suugaan kala geddisan ayaa lagu soo bandhigay shirka oo ay ka mid ahaayeen maansooyin waddani ah iyo kuwo loogu bogaadinayo musharraxa.


Fadiilatu Sheekh Cabdulqaadir Rubeex

Gebagebadii shirka ayaa dadka loo furay inay musharraxa wixii su’aalo ah weydiiyaan. Wada sheekaysi iyo isdhexgal ayaa dhex maray wefdiga Janaraal Cabdullahi hoggaaminayey, masuuliyiintii kale iyo dadweynihii meesha isugu yimid. Ka dib, waxaa shirka gunaanaday salaaddiinta iyo culimada oo ka akhriyey ducooyin.

Halkan ka daawo daawo musawirradii dadweynihii xafladda isugu yimid.

Kala soco shabakadda http://www.puntlandfuture.com wixii ka soo kordha xogaha kale ee shirkaasi ku saabsan.

Tafatir,

Maxamud A. Abdalle

Faafin: SomaliTalk.com | June 17, 2008

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS