HESHIIS MA XUMA EE YAA HESHIIYEY?
Waa shirkii lagu magacaabay dibu
heshiisiinta ee 9kii June 2008 ku dhex
Jabuuti maray Isbahaysiga Dibu Xoraynta
Somalia iyo TFG -
Waxaan ula jeedaa heshiiskii dhexmaray xubno sheegay in ay ka
socdaan Isbahaysiga dib u Xoraynta Somalia ee ka yimid Asmara,
Eritrea iyo xubno ka yimid Muqdisho oo sheegay in ay matalaan
qolada isku magacawda dawladda federaalka ku meel gaarka ah
(TFG).
Ugu horrayn, khaladka ugu horreeya oo ay labada qolaba galeen
waxa uu ahaa in ay heshiis u wada fariistaan iyaga oo aysan
labada dhinac isu aqoonsanayn maskabka ay sheeganayso qolada
kale. Haddii aynu si kale u niraahno waxaa loo baahnaa:
- in ay Isbahaysiga dibu Xorayntu si cad miiska ula
yimaadaan in ay aqoonsan yihiin jiritaan “dawlad Somaliyeed
oo ku meel gaadh ah”
- in sidaas oo kale ay miiska wada hadalka yimaadaan
qolada sheegatay in ay ka socdaan dawlad Somaliyeed iyaga oo
aqoonsan in ay Isbahaysiga dib u Xorayntu yihiin mucaarad
rasmi ah oo iyaga ka soo horjeeda.
- ilaa iyo intii aysan soo wada fariisan miiska wada
hadalka ee Jabuuti waxaynu la wada soconnaa in Isbahaysiga
dib u Xorayntu ay qolada sheegata dawladnimada ay yihiin
midiidin ama daba dhilif Ethiopia
- sidaas oo kale, qolada sheeganaysa dawladdu waxa ay
iyaguna Isbahaysiga dib u Xoraynta u yaqaaniin argagixiso
- labada qolo midkoodna malaha marjac ama meel ay ula
noqdaan oo ka aqbalaysa waxa ay ku soo oggolaadeen kulankii
Jabuuti marka laga reebo in ay qolada ka socotey xukuumad ku
sheegtu ay xabashida iyo Cabdullahi Yusuf ula noqdaan guul
ah in ay is dhiibeen Isbahaysigii dib u Xorayntu. Haddii
aynu sii faah-faahino qodobkan waxa aynu wada ognahay
xaqiiqada arrintaas oo ah:
- in wafdiga uu hoggaamimayo Sheikh Shariif Sheikh Axmed
ay kooxdooda Asmara uga soo tageen tashi la’aan isla
markaasna uu ka daba yimid baaq ama qaylo dhaan ka soo
yeertay xubno sarsare oo ku dambeeya xarunta ku meelgaarka
ah ee Ururka ee Asmara ayna ka mid yihiin Sheikh Xasan Dahir
Aweys iyo Zakariya Xaaji Maxamuud kuwaas oo Sheikh Shariif
Sheikh Axmed iyo Shariif Xasan Sheikh Aden iyo ragga la
socda ku tilmaamay in ay yihiin gooni u goosato aan matalin
Isbahaysiga dib u Xoraynta. Waxaa intaas dheer, in
wafdigaas uu hoggaaminayey Sheikh Shariif ay sidaas oo kale
cod dheer ku caaradeen kooxaha iyaguna qaybta ka ah
Maxaakiimta oo lagu magacaabo Al-Shabaab ee iyagu koofurta
Somalia ka wada dagaalka qaraar ee looga soo horjeedo
ciidammada Ethiopia ee ka dagaallamaya gudaha Somalia.
Waxaa iyaduna aad isu dhintay niyadii taageero ee ay dad
badan oo Soomaali ah ee ku sugan gudaha iyo dibedda Somalia
oo iyagu u arka in uu Isbahaysigii dib u Xoraynta uu ku
yimid dhaawac weyn oo u keeni kara burbur khatar ah haddii
aysan si dhaqso ah u xallin khilaafka hadda soo dhex galay.
Haddii aynu wxoogaa qiil ah u raadinno qoladii ka socotey
Isbahaysiga Dib u Xoraynta oo ah sababta ku khasabtay in ay
si dhaqso ah wax ula oggolaadaan kuwa TFG waxa aynu oran
karnaa waa cadaadis (pressure) uga yimid:
- Qarammada Midoobey
- Dawladda Jabuuti
- Dawladihii kale ee goob joogga ahaa
- Iyo duruuftii ay ku sugnaayeen 2da Shariif iyo kooxda ay
hoggaaminayaan oo aan dib ugu noqon karin Asmara isla
markaana aan haysan meel ay xarun ka dhigtaan
- Iyo malaha iyaga oo watey dano inaga maldahan oo iyaga
gaar u ah
- in wafdiga uu hoggaaminayey Axmed Cabdisalaam oo lagu
sheegay in uu yahay ra’iisul wasaare ku xigeen ka socdey
qolada isku magacawda xukuumadda Somalia uu yahay wafdi aan
huwanayn ee ka qaawan awood iyo haybad dawladeed midna isla
markaana aan lahayn meel uu ula noqdo wixii uu ka soo qaatay
kulanka Jabuuti. Dhowr sababood ayaan ku fasirayaa
hungadaas. Ta kowaad, waxa ay cid waliba ogtahay in ay si
daran isu khilaafsan yihiin nimanka sheegta in ay madax ka
yihiin kooxda sheegata dawladnimada gaar ahaan kornayl
Cabdullahi Yusuf ee isagu sheegta in uu yahay madaxweyne iyo
Nuur Cadde oo isna lagu magacaabo ra’iisul wasaare. Bishii
la soo dhaafay ayuu kornaylku u hawl galay sidii uu Nuur
Cadde uga qaadi lahaa jagadaas. Labadaas nin waxa ay
yimaadeen Jabuuti maalmo kala duwan waxayna ku yimaadeen
diyaarado kala duwan. Waxaa iyaguna meesha ka maqan kooxda
ku xabbisan Baydhabo oo lagu magacaabo baarlamaanka oo iyaga
uu xilkoodu ku soo ururay in ay shaqo ka saarid ugu
codeeyaan hadba ninkii ay doonaan in ay xilka ka fariisiyaan
Janan Gabre ee isagu waqtigaan awoodda xukun ee Somalia uga
hooseeya ra’iisul wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi iyo
kornayl Cabdullahi Yusuf. Nuur Cadde waxa uu eeday erayadii
nabad raadinta ee uu ku hadaaqay ka dib markii lagu
magacaabay jagada ra’iisul wasaaraha isla markaana uu ku
daray in uu la kulmi doono Maxaakiimta isaga oo aan kala
saarin. Ta labaad, Ethiopianku ma dooneyn in uu shirkuba
qabsoomo haddii uusan noqon mid ay ka dhex arkaan dantooda
sii joogitaanka Somalia. Waxaa la xusuusan yahay in ay
askarta xabashidu si naxariis darro ah madaafiic ugu
duqeeyeen suuqa Bakaaraha halkaasna ay ka geysteen xasuuq
dad kor u dhaafay 30 qof, boqollaal dhaawac ah iyo burburin
hantidii tiil Suuqaas oo manta ah isha kaliya ee dhaqaale ee
Muqdisho. Duqayntaas suuqa Bakaaraha waxa ay xabashidu ku
beegeen iyada oo uu socdo shirkii Jabuuti taasoo ahayd
farriin ay Ethiopianku u dirayeen shirkaas, farriintaas oo
micnaheedu ahaa: “ha ku wada hadlina shirkana ha ka soo
saarina wax dhan ka ah Ethiopia”, sidaas ayayna dabcan wax u
dhaceen.
Aragtidayda, waxa ay labada qolo midba shirkaas ka
kasbatay sida soo socota:
- qoladii ka timid Asmara ee ku socotey magaca Isbahaysiga
dib u xoraynta Somalia waxa ay shirkaas ka dhaxleen burbur
iyo kala qaybin ay u soo hooyeen xoogaggii u halgamayey la
dagaallanka Itoobiyaanka ku soo duulay Somalia iyo niyad jab
ay ku beerantay dadweynaha Somaliyeed oo ay ka luntay rajo
dhow oo ay dalkooda uga baxaan ciidammada cadowga Ethiopia.
Nasiib darro, waxa ay Isbahaysigu si fudud oo dhaqso badan u
lumiyeen kalsooni badan oo ay u hayeen aqlabiyada Shacabka
Soomaaliyeed oo aysan siin fursad la tashi ka hor intii
aysan madaxdoodu ku talo xumaysan ka qaybgalka shirkaas.
Haddii wafdigii ka socday Isbahaysiga dib u Xorayntu uu
shirka imaan lahaa iyada oo uusan jirin khilaafka hadda soo kala
dhex galay xubnihiisa, waxay lahaan lahaayeen meel ay ula
noqdaan wixii ay ku oggolaadeen ama ay ku diideen shirkii
jabuuti taas oo sii xoojin lahayd mowqifkooda siyaasadeed ee
gudaha iyo dibeddaba iyo gaar ahaan kalsoonida ay ka haystaan
dadweynaha Soomaaliyeed.
- Qoladii ka socotey TFGda waxa ay la noqdeen labo
arrimood oo kala ah iidheh (publicity) ay ayaamo ku sii
noolaadaan iyo ta labaad oo ugu muhiimsan oo ah in ay
ciidammada Ethiopia ku sii nagaadaan Somalia.
Saamaynta ay Qarammada Midoobey ku yeesheen shirkaas iyo
guud ahaan arrimaha somalia
Cidna kama qarsoona in Qarammada Midoobey aan lagu tilmaami
karin in ay dhex-dhexaad ka ahayd shirkaas balse waxaa muuqata
in ay si cad ula safatay dhinacii TFGda. TFG ma aha xukuumad
aqoonsi ka haysata aqlabiyadda dadka Shacabka Soomaaliyeed
sidaas darteedna wakaalad sharci ah uma haysato in ay Shacabka
Somaliyeed u matalaan shirkaas iyo arrimo kale oo caalami ah
toona taas caksigeedna waxaa loo arkaa in ay shirkaas wakiil uga
yihiin Ethiopia oo ay xulafo ama danwadaag ku yihiin arrimaha
Somalia maadaama eysan xabashidu si rasmi ah u fariisan Karin
kulanka shirka (wallow ay si dadban isugu dayday markii uu soo
fariistay safiirka u fadhiya Jabuuti).
Dhaqanka lagu yaqaan Qarammada Midoobey waxaa ka mid ah in ay
si doqon ma garato ah uga faraxashaan meeshii ay ka baqayaan in
ay ka raacdo dhaleecayn loo soo jeediyo, markaana ay tartiib uga
siibtaan dal ay dhibaato ka taagan tahay iyaga oo u qabanqaabiya
heshiis ku sheeg ay iyagu kharajkiisa bixiyaan goob joogna ka
noqdaan doodo dhex mara dad u dhashay dalkaas dhibaataysan.
Saraakiisha Q M waxa ay dabadeed hoteellada iyo barsadaha ugu
kala dab qaadaan dhinacyada is haya si ay uga soo
dhaadhacsiiyaan sida ay iyagu wax u doonayaan ka dibna waxay
kulammadaasi ku soo gabagaboobaan in ay Q M wax u farsameeyaan
ama u dhisaan qaabka ay iyagu rabaan oo laga yaabo in uusan dan
u ahayn shacabka dalkaas iyaga oo waliba ku abaal sheeganaya si
hadhow ay eedda dusha uga tuuraan si guud ummadda dalkaas,
tusaale ahaan waxa aynu maqalnaa iyaga oo leh “dadka dalkaasi
waa in ay iyagu ka tashadaan arrimaha siyaasadeed ee dalkooda”.
Q M waa ay ku khaldan yihiin in ay marka hore dayacaan ama ay
qasaan dhibaatooyin ka jira waddan ka dibna tartiib uga siibta
isla markaasna wixii khaldamay dusha uga tuura cid kale. Fadlan
faqrada soo socota ka eeg tusaale khaas ah oo ku saabsan
eedaynta aan u soo jeediyey Q M.
Haddii aan haddaba dib ugu noqdo mowqifkeedii shirkii
Jabuuti, Qarammada Midoobey kuma khaldana in ay u hiilliyaan
TFGda marka loo fiiriyo waxa ka dhexeeya. Waa in aan la
illaawin in ay Q M iyagu abuureen ama dhiseen TFGda 2004tii taas
oo ka dhalatay Qabqableyaashii dagaalka ee Somalia ee iyagu ay
ku marti iyo maalba geliyeen Kenya muddo labo sano ah. Q M waxa
ay waqtigaas dunida u tusiyeen in ay Somalia ka saareen
dhibaatadii dawlad la’aanta ee ay ku soo jirtey muddada dheer.
Q M waxa ay waqtigaas iska mayrayeen ceebtii ka soo raacday
markii ay 1995kii isaga soo baxeen Somalia oo ku jirta dagaal
sokeeye kii ugu darnaa ee dunida soo mara. Sidaas darteed Q M
diyaar uma aha in ay qirtaan khaladkii ay hore uga galeen
Somalia 2 jeer (markii ay ka soo baxeen dalka 95tii iyo markii
ay dhoodhoobeen TFG) ama is buriyaan ee waxa ay weli ku
adkaysanayaan khaladkoodii sidaas darteedna way taageerayaan
TFGda si ay uga nabad galaan dhaleecayn loo jeediyo mar kale.
Haddii bulshada caalamka ay dhab ka ahaan lahayd in ay
Somalia ku soo dabbaasho nabad kana saarto ciidanka Ethiopia oo
uu Maraykanku ku soo hoggaamiyey, waxaa habboonayd in ay Q M iyo
Ethiopia kala saxiixdaan heshiis cad oon mugdi ku jirin si cadna
loogu qeexo waqtiga ugu dambaynta ah ee ay ciidammada Ethiopia
uga baxayaan Somalia. Heshiiska noocaas ah looma baahna in ay
dhinac ka noqoto Soomaalidu. Dhinacyada Somalidu waxa ay kulmi
karaan marka ay ka madax bannaan yihiin faragelin ama ku
dhexjirid (influence) shisheeye.
Dhinacyada Somalida ee laysugu keenay Jabuuti ma aha kuwo
heshiiska ay gaaraan uu waqtigaan nabad ka dhalin karo Somalia
xataa haddii ay wax kasta isugu raacaan shuruud la’aan.
Cidda ay arrimaha Somalia manta wax ka go’aan waa dawladda
Ethiopia waxaana loo baahan yahay in ay wada hadlaan iyada iyo
Qarammada Midoobey waxna isla meel dhigaan, waa marka ay Q M
daacad ka noqdaan qaddiyadda Somalia.
Qarammada Midoobey waa in ay la yimaadaan dhaqan ka baddalan
“qowda maqashii waxna haw qaban”. Shirarka noocaas ah ee aysan Q
M ama dawladaha waaweyn daacadda iyo dhexdhexaad ka ahayn waxay
noqdaan kuwo si dadban loogu hoosaasiyo ama loogu gafuur qabto
dhinaca la xaqirayo.
Tillaabada ku xigta shirkii Jabuuti oo loo dhoofiyey dalka
Boqortooyada Sucuudiga
Xeeladaha Q M ayay ka mid tahay in hawlaha noocaan oo kale ah
ay ku soo gunaanadaan jawi loo sahamiyey oo ku habboon.
Sucuudi Caraabiya waa saaxiib weyn ee Qarammada Midoobey
sababta oo ah waa saaxiib dhab ah ee Maraykanka sababaha loo
xushayna waxaa ka mid ah aragtidayda:
- In ay Sucuudigu si buuxda u taageerayaan fikrad kasta oo
uu ka dambeeyo Maraykanku iyada oo la wada ogyahay in aysan
Q M ka madax bannaanayn USA
- In Sucuudiga la filayo in uu bixiyo kharajka ku baxaya
shirka oo dhan marka lagu daro kharajka safarka ka
qaybgaleyaasha
- In Soomaalida oo Muslimiin ah halkaas looga raadinayo
caadifad soo jiidasho muslinnimo maadaama ay halkaasi ku
yaalliin goobaha barakaysan ee ay Muslimiintu wax ku
caabudaan
- Iyada oo aan la oran karin in ay meesha ka maqan tahay
in laysku dayo in xubnaha Somalida ee danyarta ah ee halkaas
tegaya laga xishoodsiiyo
Sacuudi Caraabiya jacayl iyo xurmo midna uma hayso Ummadda
Soomaaliyeed waxaana tusaale inoogu filan dhacdooyinka soo
socda:
1991kii oo ahayd markii uu burburay Qarankii Somalia isla
markaana uu meesha ugu daran marayey dagaalkii qabaliga ahaa,
bal iska daa in ay soo dhoweyso dadkii ka qaxayey dagaallada ee
waxa ay dawladda Sacuudigu dalkeeda ka soo cayriyey oo soo
tarxiilay Soomaalidii yarayd oo ku noolayd dalkooda kuna soo
daadisay goobihii ay ka socdeen dagaalladu halkii ay marti galin
lahayd xataa haddii ay dalkeeda ku joogaan sharci darro.
Waxaynu xasuusannaa, in ay Soomaalidu u qaxday dalal badan oo
gaalo ah kuwaas oo bal in ay soo cayriyaan kuwii hore u sii
joogey dalalkooda ee waxay soo dhoweeyeen, dejiyeen isla
markaana siiyeen sharciyo ay ku joogaan dalalkaas.
Sucuudigu tarxiilkaas ayuu ku wadaa dadka Soomaaliyeed oo ay
nasiib darradu geysey dalkooda 18kii sano ee la soo dhaafay.
Waxaa kaloo jirta, in ay cid waliba xasuusato, in muddo hadda
laga joogo labo sano sida aan filayo (fadlan i sax akhristow),
in ay Sucuudigu madaxa ka jareen koox wiilal Soomaaliyeed oo
dhallin yaro ah oo ay ku eedeeyeen in ay wax xadeen.
Waxaa hubaal ah in aysan Sucuudigu qoorta ka jareen wiilal
Maraykan, Ingiriis, Jarmal ama Faransiis ah, hase yeeshee kuwa
Soomaalida waxay ogyihiin in aysan jirin cid ka daba hadlaysa
bal cabasho iyo dacweyn iska daaye. Akhristow hal eray oo ay
kiiskaas foosha xun ka soo qaadeen ma ka maqashay qolada hadda
sheegata in ay yihiin xukuumadda Somalia? Waa hubaa in ay
jawaabtaadu noqon doonto maya.
Gunaanad
Ra’yigayga gaaban waxa aan shirkaasi ku oddorosi lahaa ama la
meel dhigi lahaa kulankii ay isla Sucuudigu ku
dhex-dhexaadinayeen labadii urur ee Falastiin ee Xamaas iyo
Fatax oo iyagana sidaas oo kale loogu khasbay in ay halkaas
tagaan loona yeeriyey wax aan u cuntamin oo la oran karo waaba
laysku diray bal iska daa in la heshiisiiyee ka dibna waynu la
soconaa natiijadii halaagga ahayd oo ay isku baabi’iyeen Xamaas
iyo Fatax.
Saadaalintayda, sheekada loogu yeerayo Somalida waxa ay noqon
doontaa wax la yiraahdo “xukun qaybsi ama dhismo xukuumad
midnimo qarani” (national unity government) sidii loogu soo
yeeriyey Falastiiniyiinta. Ama waxaa la oran doonaa: “haddii
aad tihiin mucaaradka waxaa jagooyin laydinka siinayaa
xukuumadda sida wasiirro iyo wixii la mid ah”; ama waxaa loo soo
jeedin doonaa in ay noqdaan xisbi mucaarad ah oo aan hubaysnayn
ka dibna isu diyaariya in uu ka qaybgalo doorashada ‘khayaaliga’
ah ee 2009ka ee ay ku hadaaqaan Maraykanka, Ethiopia iyo qolada
TFGa”. Haddii ay intaas diidaanna waxaa loogu hanjabi doonaa in
kulligood loo aqoonsan doono “argagixiso”. Arrintu waxa ay
markaas u egtahay: “heshiis ma xuma ee yaa heshiiyey?”
Sidaas darteed waxa uu shirku noqon doonaa mid aan dhibaato
sii kororta mooyee aan Somalia u soo wadin nabad iyo dawladnimo,
waxaa dalka ku sii nagaanaya ciidammada xabashida waxaana sii
fogaan doonta rajadii laga qabey in uu dib u soo noolaado Qaran
ay ku midaysan tahay. Waqti ayay qaadan doontaa in mar kale la
abaabulo urur gobannimo doon ah oo dadku aammino ama uu dib u
soo noolaado kii Isbahaysiga ee hadda sida xun u dhaawacmay.
Khatarta taas ka dambaysaana waxa ay noqon kartaa in Somaliland
loo aqoonsado dawladnimo buuxda oo lagu abaalmariyo nabadda iyo
kala dambaynta ay haysato sannado badan mar haddii koofurta oo
lala sugayey aysan ka soo socon nabad iyo dawladnimo midna.
Puntland iyadu haddaba cago kuma taagna waxa ayna doon la saaran
tahay fawdada ay ku jirto Somalia inteeda kale marka laga saaro
Somaliland.
Maxamed Xirsi
HerMoham@aol.com
June 2008
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa lehqoraaga ku saxiixan