SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SH.Shariif Shiikh Axmed ma noqon karaa hogaamiye lagu hungoobay?

Sh.Shariif Shiikh Axmed oo inta badan Amiirul Mu'miniin looga aqoon jiray xaafado ka tirsan koofurta magaalada Muqdisho iyo waliba qaybo ka mida Gobolada Dhexe ee Soomaaliya, ayaa mar qura waxa uu noqday nin magacii iyo qiimayntii uu huwanaa laga qaaday, waxaana loo bixiyey magacyo badan oo uu ka mid yahay Shiikh Shariif Jokar, Siyaasi wareeray, Shariif lasoo gamay iyo kuwo kale oo fara badan, waxaana la yaableh in isla magacyadaas Cayda ah looga bixiyey Shiikha isla meelihii hore ee Amiirul Mu'miniinka looga yaqiinay sida xaafado ka mida Koofurta Muqdisho iyo magaalada Dhuusa-Mareeb, waxayna arintani dad badan ku abuurtay shaki cusub, dareen cusub iyo ujeedo cusub taas oo aakhirkii kusoo Biyo shubatay ''Sacab maxaa Habeekii loo tumaa hadaan khayaano ku jirin", ayadoo Amaantaas dantii laga lahaana ay ahayd ku "qabso kuqadi mayside" maadaamaa la doonayey in Shiikha lagu ganbado si dad badani danahooda Siyaasadeed u gaaraan.

Shiikh Shariif oo mar ahaan jiray Gacantii Midig ee Maxamad Cumar Xabeeb (Maxamad dheere) isla markaana madax u ahaan jiray Maxkamadii la jiifiyaana banaan ee Cadaalad darada ku caan baxday ee ka hawl gali jirtay magaalada jowhar, ayaa mar qura isaga soo cararay magaalada Jowhar ka dib markii ay isku dhaceen sida la sheego asaga iyo Maxamad Dheere, waxaana la sheegaa in uu markaas Maxamad Dheere ku amray Shiikh Shariif in uu magaalada Jowhar Lug uga baxo, wuxuuna markaas ka dib Shiikh Shariif isaga soo baxay magaalada Jowhar, asagoo lugaynaya qalbigana iska lahaa ''Jowhar waxaad ku noqon doontaa adigoo sidan ka xoog badan" waa sida dad wadada ku arkay ay sheegeene, wuxuuna xaga ilaahay ka rajaynayey Nasri dhow sidii Nabi Muxamadba CSW ilaahay uga sugayey Nasri ka dib markii ay reer tolkiis kasoo cayrinayeen magaaladii Makka ee uu aadka u jeclaa.

Nasiib wanaag Shiikh Shariif wuxuu tagay magaalada muqdisho, wuxuuna halkaas ka helay taageero aad u waynayd oo siduu asagu is lahaa u dhigmaysay midii reer Ansaar siiyeen Nabi Muxamad markii uu magaalada Madiina ugu yimid, waxaana Hiil iyo Hoo badan ka dib Shiikh Shariif u suura gashay in uu ku noqdo Jowhartii uu lugta kaga soo baxay, asagoo waliba Ciidan tiro badan watay oo aakhirkii u suura galiyay in uu si fudud gacanta ugu dhigo talada magaalada Jowhar ee uu dhibka badan u soo maray. laakiinse guushaasi ma noqon mid lagu caano maalay, waxaana dhacday in Shiikh Shariif Jowhar uga baxo muddo 5 Bilood ka yar ka dib markii ay kusoo guryo noqdeen halkaas qoladii uu markii hore Shiikhu ka xoogay.

Wuxuuna markaas ka dib magaca Shiikh Shariif noqday mid caan noqday oo haddii Aduunka oo dhan Hal Xiraale looga dhigi lahaa ay dad badani garan lahaayeen, ayagoo oran lagaa waa Wadaadkii 6-dii bilood Nabada ka dhigay magaalada Muqdisho iyo goobo badan oo Soomaaliya ka mida, waxaana guushaas in uu helo Shiikhu sabab u ahaa dadkii markii hore Amiirka u bixiyey ee deganaa labadii deegaan ee aan horay u soo sheegay ee Shiikhu ku caasi garoobey waa sida ay qabaan dadkaasiye. hadaba Akhristow iyadoo guulahaas Shiikhu gaaray ay jiraan ayaa hadana waxaa jirta Su'aal oranaysa Shiikh Shariif ma yahay Hogaamiye lagu hungoobay?, mar hadduu ka bayray dariiqii markii hore loo jideeyey in uu maro.

Dadka qaba in Shiikh Shariif yahay Hogaamiye lagu hungoobay ayaa waxay u badan yihiin dadkii markii hore barakaysan jiray ee u moodi jiray in uu Shiikhu ku socon doono sidii ay iyagu doonaan, waxayna dadkani qaarkood ku sifeeyeen Shiikha mid ka baxay diintii Islaamka ka dib markii uu Gaalo hor fariistay raalina ka noqday Itoobiya oo dalka joogta in wada hadal lala galo, wuxuuna halkaas Shiikh Shariif ku waayey magacyo badan oo loo bixiyey waayadii uu Amiirka ahaa, waxaana magacyadaas badalay kuwo Cay iyo Afla-gaado u badan oo aanu Shiikhu horay u maqli jirin, wuxuuna Shiikhu isku qanciyaa marka uu maqlo magacyadaas aan haboonayn ee loogu yeerayo sidii Saxaabibii weynaa ee C/laahi Inbu Salaam uu isku qancin jiray marka ay Afla-gaadeeyaan dadkii uu asal ahaanta kasoo jeeday ee Yuhuuda ahaa. waxayna Saxaabigan reer tolkiis u yaqiineen markii uu Yuhuudiga ahaa kan ayaga ugu Aqoonta badan uguna Caqliga badan. markii uu diinta Islaamka qaatayna waxay ugu yeereen "waa kan noogu Jaahilsan, nooguna Caqliga yar", wuxuuna Saxaabigaas ku mutaystay Caydaas raacida uu raacay Nabi Muxamad CSW halka Shiikh Shariif lagu haysto asagana Nabadda iyo Xalka Umadda oo uu rabo in uu ku dhameeyo is Af-garad iyo wadahadal, halka Raga Asmara fadhiyaa ay qabaan oraahdii Assayes ee ahayd Xabadda wada ilaa aad Itoobiya wadanka ka saartaan, waxayna la mid tahay dagaalka wada si aan anagu ( Eritrea) Nabad u helno, waxayna kooxaha uu Shiikhu kasoo tagay mararka qaar isku qanciyaan markay isku yimaadaan ," Nin magaalo ka dudayoow siigo yare". oo ay ula jeedaan ka tagida Shiikhu kasoo tagay magaalada Asmara.

Hadaba su'aashu waxay tahay kala jabka ku dhacay reer Asmara oo ah ninba dhan u orod yey guushu ku raaci doontaa?.

Runtii lama qiyaasi karo, laakiin waxaa jira waxyaabo badan oo muujinaaya in kooxda Jabuuti joogtaa ay Laf Cad Toobin ku hayso, isla markaana ay noqonayso koox lagu hungoobo oo dadaalkoodu uu noqon doono xoog doofaar lagu cayriyey.

Sida dhabta ahna ururka Asmara ka dhisan, waxaa markii hore lagu aas'aasay koofurta Muqdisho taladiisuna waxay ka go'daa beesha koofurta Muqdisho dagan ee iminkana u qaxday Ceelasha Biyaha ee degmada Afgooye. dadka iminka Jabuurti joogana waxaa lagu tirayaa rag markii hore maqaar saar ahaan loogu yeeray ka dib markii laga guulaystay hogaamiye kooxeedyadii, waxayna ragaas isugu jiraan kuwo aan taageero ka haysan beelahooda sida Shiikh Shariif , Shariif Shiikh Aadan iyo Suleymaan colaad rooble iyo kuwo aan markii horeba beel matalayn ee biilka Caruurtooda iyo danahooda meesha u yimid sida Shiikh Yuusuf Cali Caynte iyo Shiikh Cumar Iimaan oo kale, waxaana sida lasaadaaliyey guusha hanan doona kooxda Asmara joogta oo madaxdooda Asmara joogta iyo Shacabkooda Ceelasha Biyaha joogaaba ay diyaar u yihiin in aysan Hubka dhigin ilaa ay Guul keenaan, wayna helayaan guul sidii ay ilaaay uga barteenba. Shiikh Shariif iyo kooxdiisuna waxay noqon doonaan kuwo hadba meel iska seexda maadaamaa aysan jirin cid ay matalaan iyo meel ay ka taliyaan toona, waana wada arki doona meesha ay ku dhamaato Ciyaartan xiisaha badan ee ay jilayaan labadan Shiikh (SH.Shariif & Sh.Daahir Aweys) ee Ciyaaraha Soomaalida ku cusub.

Dhanka kale waxaa jira dadyow farabadan oo u arka in Shiikh Shariif iminka ku socdo dariiqii runta ahaa ee uu markii hore ka leexday, waxayna sheegeen in maantay aan Xabad Guul lagu gaarayn ee dhanka Siyaasadda la tijaabiyo si loo ciyaaro Siyaasadda uu C/laahi Yuusuf Ciyaarayo mid la mida oo ku qotonta "Af daacada iyo Qalbi dadan".

Isku soo duuboo Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ahaan jiray nin inta badan ku shaqayn jiray fikar ay dad kale soo dhoodhoobeen, waana midda uu ku waayey taageerada beesha uu ka dhashay oo awood weyn ku leh magaalada muqdisho halka ragga uu daba socon jiray ay haysteen taageeraa beeshooda sida Shiikh Indhacade iyo Shiikh Daahir Aweys, waxaana u haboonayd Shiikha sida dad badani qabaan in uu nabada qaato waayadii uu Kutubka Qur'aanka ah bidixda ku sitay Qorigana midigta ku sitay, waxayna la mid tahay Nabada uu hadda doonayaa murtidii ahayd " Ciyigii waa ka baryey ninkii cunaybaa ka liita".

C/raxmaan Madaxeey
cadceed_80@hotmail.com

Egypt, Cairo

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 17, 2008

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS