SOMALI TIGERS OO KU GUULAYSATAY KOOBKII SOMALI WEEK 2008
MINNEAPOLIS,MINNESOTA
Kooxda kubadda cagta ee Somali Tigers ayaa si rasmi ah ugu guulaysatay
koobkii loogu magac daray Somali/American independence days tournament, ka dib
markii ay si xarrago leh uga adkaadeen 2 gool iyo 0 kooxda Banaadir oo ka
socotay gobolka CA- Sandiego.Tartankan isaga ah ayaa qabanqaabadiisa waxaa iska
lahaa guddiga isboortiga ee gobolka Minnesota oo ay hor boodayeen halyeeyadii
Kubadda cagta Soomaaliya waa C/raxmaan Guuleed (Aamaan) iyo C/risaaq Saciid
(Marshaale) iyo rag iyaguna qiimo badan ku leh bulshada Soomaaliyeed ee gobolka
Minnesota sida: C/casiis Biixi iyo C/raxmaan Mukhtaar ayaa ku soo dhammaaday
jawi aad u qurux badan oo ay aad u jeclaysteen daawadayaashii faraha badnaa ee
maalin kastaa soo camiri jiray garoomadii uu tartanka ka socday.

Ciyaarihii semifinalka ayaa waxaa foodda is daray kooxaha Tigers iyo Rochester
waxaana 3 iyo 0 ku adkaaday kooxda Tigers,dhanka kale waxaa iyaguna wada
ciyaaray Banaadir(Sandiego) iyo Midnimo (Minnesota)waxaana 1 iyo 0 ay guushii ku
raacday kooxda sandiego. Haddaba ciyaartii kama dambaysta ayaa la qabtay
taariikhdu markay ahayd 07/01/2008,waxaana is haleelay labadii kooxood ee
muddaba la isku raadinayay waa Sandiego iyo Somali tigers. Labada kooxoodba
waxaa ay soo bandhigeen cayaar aad u heer sarreysay oo marba koox la weerarayay,
hase yeeshee qaybtii hore wax goolal ah lama kala dhalin waxaa lagu kala nastay
0 iyo 0.Qaybtii labaad markay koox kastaa la soo tashatay macallimiintoodii ayaa
mar qura waxaa jaanta si fiican isula helay inammadii kooxda Somali Tigers
,waxaana ay weerar aan kala joogsi lahayn ku qaadeen goolka kooxda
Sandiego,waxaana u suuro gashay daqiiqaddii 58aad in goolkoodii ugu horreeyay uu
u saxiixay ciyaaryahan Nuuraddiin oo loogu
naanayso (Ronaldino).
Kooxda Somali tigers sidaasi kuma hakan waxaana ay sii wadeen dadaalkoodii
,waxaana daqiiqaddii 71aad ay heleen goolkoodii labaad kaasoo uu xaqiijiyay
ciyaaryahankoodii lambarka 9aad u sitay waa Faysal cayaartooda dhexda ka
muuqatay ALI BASKUWAALE,DHOOBAY,RAAGE, XAASHI,ITOOBIYA IYO BAMBAASA DIFAACA WAA
DIINI ,KANU ANWER.HOONDA waxaana ciyaartii ay ku soo gabagabowday 2 iyo 0 oo ay
guushii ku raacday kooxda Somali Tigers kuna noqdeen horyaalka kubadda cagta ee
tartanka Somali/American independence days tournament. Munaasabaddii gunaanadka
ee xiritaanka waxaa ka soo qayb-galay mas’uuliyiin fara badan oo lagu casuumay
halkaasi,waxaana erayo qiiro badan halkaasi ka soo jeediyay guddoomiyaha
Isboortiga ee gobolka Minnesota Cabdi Cali Macallin oo isagu aad ugu dheeraaday
taariikhada faca weyn ee xuriyadda Dalka Soomaaliyeed iyo sida loogu baahan
yahay dhallinyarada Soomaaliyeed inay u dareemaan maalmaha qadarinta iyo
xushmadda wayn ku leh qarannimada
Soomaaliyeed.Ugu dambayntiina guddoomiyuhu waxaa uu hambalyo iyo bogaadin u soo
jeediyay kooxihii ku guulaystay tartanka ama soo gaaray ciyaarihii kama
dambaysta.Sidoo kale waxaa uu mahadnaq ballaaran u soo jeediyay kooxihii safarka
dheer u soo galay ka qaybgalka tartankan isaga ah iyo guud ahaanba guddigii
Isboortiga iyo shaqsiyaadkii ganacsatada oo iyaguna aad u taakuleeyay
barnaamijkani inuu taabagal noqdo.
Intaasi dabadeed martidii halkaasi isugu timid waxaa ay bixiyeen abaalmarinadii
loogu talo galay oo loo kala helay sidan:
1) Cabdirisaaq oo ka socday kooxda TC -Goolhayihii ugu wanaagsanaa tartanka.
2) C/raxmaan Carab oo ka socday Edenpraire – Tababaraihii ugu wanaagsanaa.
3) Cabdishakuur oo ka socday Sandiego –Difaacii ugu wanaagsanaa tartanka.
4) Shabeeloow oo ka socday FC Ohio United - Most Valuable Player (MVP)
5) Faysal oo ka socday Somali Tigers – Ciyaartooydii ugu goolal dhaliska badnaa
(8 Gool)
6) Kaalinta 3aad Kooxda Midnimo
7) Kaalinta 2aad Kooxda Banaadir (Sandiego)
8) Kaalinta 1aad Kooxda Somali Tigers.
Waxaa iyaduna xusid mudan in halkaasi ay ku cayaareen ciyaar kubadda cagta
ciyaartooydii cayaaraha ka cuslaaday (Somali Legends) iyo caruur yaryar oo
iyaguna tartanka lagu furay. Sidoo kale waxaa iyaguna tartamo ciyaaro fudud
halkaasi ku soo bandhigay dhallinyaro aad u da’yar oo ka socotay confederation
of Somali community iyo Somali youth development Organization in MN (SYDOM.
mahad calin cayaaryahankii soomaliyeed SHIIKHA OO KA SOO XIGANAY QORMADDAN.
zakaria aden
somali media
zakihaji@yahoo.com