XORNIMOOY OOY!!!
By Abukar Albadri
Saxafi Madaxbanaan
Muqdisho (Luulyo 3, 2008) - Muddo ku dhaw 10 maalmood ama laba
toddobaad ahba waxey indhaheyga qabaneyeen qoraalo looga hadlayo
maalinta xorriyadda Soomaaliyeed, waxaana maqlayey masuuliyiin
hambalyo direysay, waxaase igu soo noqnoqotay su’aal ah
“Soomaaliya xorriyadda la sheegayo ma qaadatay weli?”
Anigu waxaan ahay 30 jir, saxafi ah, muddo 8 sanadood ahna ku
soo dhax jirey saxaafadda, shan sanno oo ka mid ah waxaan wax ku
qoraayey saxaafadda reer galbeedka, marnaba ma dareemin in ay
jirto xorriyad ay heshay ummadda Soomaaliyeed noocey doontaba ha
ahaatee.
Xorriyadda waxaa qaadata ummad leh Dhul, Calan, Af iyo Maamul
madax banaan, Soomaaliya marka la eego xorriyadeeda waxaa jirta
dhawr halbeeg oo ay tahay in aan ku cabirno.
Soomaaliya waa intee dhul ahaan, dadkeeduse intey la eg yihiin?
Dadka Soomaaliyeed oo dhami xorriyad ma heystaan?
Inta la yiri xor baad tihiin yaa maamula?
Soomaaliya oo ka koobneyd 5 gobal oo waaweyn ayaa waxaa la yiri
waxaa xor ah 2 gobal oo kaliya, taas oo xorriyadda la heysto ka
dhigeysay 40% (40 boqolkiiba), waxaana gumeysi ku jiray 60%
boqolkiiba, inkastoo gor dambe oo 1977 dii la yiri hadana
Jabuuti baa xor ah oo gooni loo jaray.
Marka aan eegno dhanka qeybaha la siiyey xorriyadda waxaa
maamulkooda loo dhiibay dhamaanba caruurtii ay soo barbaariyeen
gumeystayaashii oo iyagana ah dad aad ugu shaqeeyey wax yaabihii
uu gumeytuhu u igmaday.
Waxaa hubaal ah inuusan jirin qof ka mid ahaa dadkii la
dagaalamay gumeystayaashii oo lagu sharfay inuu talada dalka
Soomaaliyeed ka qabto wax xil sare ah Hadduu jirose waa kee?
Jawaabtu waa furan tahay.
Dhibaato aan harin oo ka daran joogista gumeysiga waxaa ka mid
ah in la qaatay in lagu shaqeeyo mabaadiida gumeystayaashii,
afkoodii iyo dastuurkoodii.
Dhamaanba waraaqihii lagu isticmaalayey xafiisyadana waxaa lagu
qoray afkii gumeystaha, taas oo ka dhigeysa in aan laga xoroobin
balse ciidankiisii la yiri “Nasta aan idin adeegnee” oo kuwo
Soomaaliyeed loogu dhiibay waajibaadkii.
Ma saldhigan siyaasadii ay la yimaadeen caruurtii gumeysiga,
iyadoo uu dalka ku jirey jahwareer ayaa waxaa hadana dhacday ka
dar oo dibi dhal, waxaa dalkii qabsaday xukunkii militariga oo
isagana dhamaanba wixii xorriyad iyo xuquuqaad ah oo ay
lahaayeen ka xayuubiyey dadka Soomaaliyeed.
Maamulka milateriga wuxuu xabsiyadda dhigay dadkii aqoonta lahaa
ee isku dayey in ay saxaan qaladaadkii uu ku kacaayey, waxaana
kacaankii asalkiisu ka soo jeeday diin la’ aanta loo bixiyey
kacaanka barakeysan.
Ugu dambeyntii madaxweynihii dalka wuxuu ku dhiiraday inuu
kitaabkii quraanka uu yiraahdo aayaadka ku yaala waa qalad, kuna
bedelo wax la yiraahdo xeerka qoyska.
In Badan ayaa dhihi doonaan Madaxweyne Siyaad Barre wadani buu
ahaa ee sabab wax looga sheego ma lahan, laakiin haddii uu dalka
difaaci lahaa, dadkana xor ka dhigi lahaa oo uusan caburin
laheyn maanta lama joogeen halkii la gaaray.
Hadddii aan u soo laabto ujeedka qormadda, waxaan todobaadkii
naga dhamaaday iyo kan aan ku jirno horaantiisi dhageystay
C/laahi Yuusuf Axmed, Nuur Cadde iyo Cadde Muuse oo ummadda
Somaaliyeed uga hambalyeynaya 1-da Luulyo, maalinta xornimadda
Soomaaliyeed iyo Sheekh Shariif oo u tacsiyeynaya Ummadda.
Fariid…hambalyo haddii loo diraayey shacabka Soomaaliyeed ee
xorta ah, shacabkaasi ma joogo qarnigan waxaa loo hambalyeyn
doonaa marka ay xoroobaan, haddii loo hambalyeynayey kuwa haatan
noolna Soomaaliya maanta xor ma ahan, xorriyaddeediina inta
lumisay ayey ka mid yihiin sedaxda masuul ee hambalyada dirtay.
Haddaanan qaldaneyn, weli maanan maqlin meel ay sedaxdani masuul
kaga tacsiyeynayeen ummadda Soomaaliyeed kumanaankii ay dileen
Xabashidu, malyuumaadkii ay barakiciyeen iyo kumanaankii ay
dhaacwa u geysteen guryahoodiina inta ka dumiyeen hadana ka
degeen.
Masuuliyadda waa wax adduun iyo aakhiraba lagu xisaabtami doono,
cidda maanta sidey doonto u hadasho oo dafirta dembiga ay gashay
waxaa jirta xisaab aan la dhaafi doonin, lagana baxsan doonin
maalinta aakhiro.
Bishii April 2007, waxaa magaaladda Muqdisho lagu xirtay
injineer Soomaaliyeed oo caan ah, waxaana xirteen ciidanka
Itoobiyaanka, iyagoo ku eedeeyey inuu yahay argagaxiso, ka dibna
galaangal la sameeyey ayaa loo tagay C/laahi Yuusuf oo ku
fadhiya kursigii madaxtinimada dalka.
C/laahi wuxuuna qoray warqad uu amar ku siinaayey in la siidaayo
injineerka, laakiin amarkii intaan saraakiishii sare la gaarin
waxaa soo diiday ninkii askariga ahaa ee Itoobiyaanka ahaa ee
ugu horeeyey ee warqadda loo geeyey.
Inuu sii gudbiyo iskaba daaye isagii ayaaba ka soo jawaabay oo
yiri “ninkan waxaan deyneynaa markii aan ogaano inuusan
Alqaacida aheyn ee ku deyn meyno amarka C/laahi Yuusuf”
Ayaan-darrada intaas kuma ekaane waxaa loo tagay Cali Maxamed
Geedi oo la is yiri amuu C/laahi kaga faro dhuudhuuban yahay
xaga Itoobiyaanka, laakiin waxba kama uusan galin hawshii oo
amarkiisiina la diid.
Haddii ay jirto xorriyadi loo dabaaldego, la isugu diro
hambalyo, xorriyadda jirtaa waa taas uu heysto askariga
caddaawadda ka buuxdo ee Itoobiyaanka ah.
Xorriyad daaye, Xaq la gumeyste ma leenahay?
La gumeystaha wuxuu xaq u leeyahay in cidda gumeysanaysa ay u
ogolaato inuu yahay qof ku hoos jira gumeysigeeda, taas oo u
sahleysa in maatida la nadabgeliyo, waloow dhibaato loo geysto
dadka aqoonta leh iyo inta gobanimo doonka ah.
Uur jiifka Soomaaliyeed ee hooyadiis caloosheeda ku jira
dembiile ayuu ka yahay xaga itoobiyaanka, waayo waxaa qof walba
og yahay in November 2007 ay xaafadda Black Sea ku dileen
Xabashida haweeney uur leh, taas oo ay xabadaha kaga dhufteen
caloosha si ay u dilaan waxa caloosheeda ku jira, sidoo kalana
isla xaafadaas ayey aheyd meeshii ay ku dileen haweeney iyo
labadeeda caruurta ah oo kala ahaa wiil iyo gabar, kuwaas oo ay
intay qoorta ka xireen geed ka soo laadlaadiyeen, hooyadoodna
intay kufsadeen ka dib dileen.
Sida wiilkasta oo Soomaaliyeed yaraantiisii ama markii uu
hooyadiis dhabteedii ku cayaarayey loogu heesi jirey “Caddow
aragsamoow, amxaarada ureysiyo, af huuraalayaashii, injirrey
dhamaanteed, ab kuuma galinoo, ee baa kuu adeegay” ayaa wiilka
amxaarka ahna ay hooyadii ugu soo abaabisay in magaca Soomaali
qofka wataa uu yahay cadowgiisa.
Waxaa la yaab leh maanta oo marrastii iyo agoontii madaafiic
lagu laayey, Masaajidadii lagu xaaray, Musxafkii Quraanka lagu
istaagay oo saxarada lagu tirtay, dugsiyadii quraanka loo
bedelay musqulo ay ku saxaroodaad axmaaro, iskuuladii iyo
isbitaaladii laga dhigay xerooyin ciidan, culumadii la xasuuqay,
2 sano jirka Soomaaliyeed uu yahay dembiile lagana toogto
wejiga, qofka XORRIYADDA u dabaal dega ama hambalyo u dira waa
ayaandarro.
Meles Zenawi oo dadkiisa kula hadlayey fagaare ku yaala Addis
Ababa ka dib markii ciidankiisa galeen Caasimadda Soomaaliya
ayaa wuxuu yiri “Soomaalida Sedax kaga dayda, 1. Cadeyga iyo
Nadaafadda kaga dayda, 2. Isu kaalmeynta kaga dayda, 3. Habeen
guureyntana kaga dayda” wuxuuna intaas u raaciyey “Balse sedax
ha kaga dayanina, 1. Is dilka ha kaga dayanina, 2. Qabyaaladda
ha kaga dayanina, 3. wadaniyad xummadana ha kaga dayanina”
Xornimaddu laftigeedu waa u ayaan darro in ay sheegtaan
aabayaasha gobanimo diidka Soomaaliyeed ee dalkii kala qoqobay,
qeyb walbana cadow u dhiibay, mar haddii iyadoon aan jirin loo
dabaal-degana waxaa u haboon xornimo in ay oyso.
Soomaaliya waxaa xorriyadeeda loo dabaaldegi doonaa marka la
helo shanta Soomaali oo xor ah, kana madax banaan nin ay
gumeystayaasha soo korsadeen oo maskaxdiisa u fekereyso sida
gumeystaha.
Waxaa ayaan darro aad u weyn ah in maanta ay Soomaaliya ka
jiraan dadsheeganaya aqoonyahan, siyaasi, waxgarad ama masuul oo
haddana maskaxdoodu u fekereyso sida tan Amxaarka cadowga ah.
Kor ka Soomaali, qalbi ka amxaar ayaana ummadii maanta hor
boodaya oo wax walba qarribay, xornimadiina ceebeeyey.
Bilaahi Caleykum, iyadoo uu Amxaar Muqdisho masaajidadeeda ku
xaarayo Xornimo ma sheegan karnaa? Xornimooy lagu ceebee!!
Xornimooy waa lagu ceebeeyey, waa lagu iibsaday, waana laguu
gafay ee Xornimooy Ooy! Ooy oo afkaaga furo, illinta kaa qubataa
daadkeeda gumeystaha iyo kaalkaalayaashiisa ha xaaqdee.
Wixii dhaliil iyo talo ah.
Abukar.albadri@gmail.com
aalbadri10@yahoo.com