SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QORAAL

Tacsi : Marxuum Gaashaanle Sare,  Muuse Siciid Cali Dawaarik ( Muuse Gibil ), oo ku geeriyooday Magaalada Kismaayo. 
 

Dhammaan Shaqaalaha iyo maamulka hay’adda Somali Advice & information Centre, waxa ay tacsi u dirayaan, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Gaashaanle Sare,  Muuse Siciid Cali Dawaarik ( Muuse Gibil ), oo ku geeriyooday Magaalada Kismaayo. 
 

Maamulka iyo Shaqaalaha hay’addu waxey leeyihiin Allaha samir iyo iimaanba idiinka siiyo, isagana Allaha ka waraabiyo janatul Ferdowsa. 
 

Muuse waxa uu ahaa muwaadin howlkar ah, xilala muhiim ahna kasoo qabtay dalka intii ay dowladdu jirtay. Waxaa kaloo uu qadarin ku leeyahay sidii uu uga fogaaday fidnooyinkii ay wateen dagaaladi sokeeye, weliba isagoo ku sugan dalki. 
 

Muuse taariikhda ayaa xusi doonta inshaa’allaah,  wuxuu kaloo ahaa nin si aad ah uga soo shaqeeyaya ciidamdii badda, kana gaaray jago aad u sareysa, aadna qadarin ugu lahaa dalka gudihiisa 
 

Mar kale iyo mar saddexaadba waxaan leeyahay Allaha samir iyo iimaan ka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ifka uga tegayba. 
 

Qalinkii : - Cabdixakiim Jaamac Jooje.
saicentadv@yahoo.com

 Faafin: SomaliTalk.com | July 4, 2008

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS