SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Badhan: Bayaan ay Isimada iyo Cuqaashu ka soo saareen Labada Qof ee ee Burcad Badeedku afduubka Ugu Haystaan Buuraha Calmadow...

  • BAYAAN AY SOO SAAREEN ISIMADA & CUQAASHA BEESHA WARSANGELI

Badhan : - Shirar maalmahan uga socdey Isimada , Cuqaasha, Guurtida iyo Culimada beesha Warsangeli ayaa waxa looga hadlayey arimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsanayd xaaladda nabadgelyo ee degaanka oo todobaadyadii la soo dhaafay isbedello ku yimaadeen , kadib markii budhcad badeed buuraha Calmadow la soo galeen labo qof oo ajnebi ah oo ay kasoo qafaasheen biyaha caalamiga ee Badda Cas.

Sida uu warbaahinta u sheegay Shiikh Axmed Shiikh Saalax oo shirku af-hayeen u doortay waxa shirku bayaan kasoo saaray arimo khuseeya dhan nabadgelyada iyo haysashada dadka ajnebiga ah , waxa uu ka koobnaa qodobadan :-

1. Waxa shirweynuhu canbaareeyey budhcad badeedda iyo falalka afduubka ah kusoo qafaasheen dadka ajnebiga ah .

2. Waxa shirweynuhu Budhcad badeedda ugu baaqay iney si shuruud la'aaan ah usii daayaan lammaanaha ajnebiga ah ee ay ku haystaan buuraha Calmadow.

3. Shirku wuxu caalamka  ugu baaqayaa in gacan laga geysto siideynta dadkaas la hayso si shuruud la'aan ah.

4. Shirweynuhu wuxu ka digayaa in cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii budhcad baddeeda la siiyo wa madax furasho ah .

Waxa bayaanka saxiixay :

  1. Suldaan Siciid Suldaan C/salaam : ( Suldaanka Guud ee beesha ).
  2. Ugaas Ibraahim Cali Shibbiin.
  3. NB. Maxamuud Cabdalle Dabshid.
  4. NB. Maxamuud Axmed Yuusuf ( Xawar).
  5. NB. Jaamac Warsame Faarax (Jafaal).
  6. NB. Xasan Faarax Maxamuud.
  7. NB. Xasan Cali Xasan.
  8. NB. Maxamuud Xasan Mxamuud.
  9. NB. Abshir Qaadi.
  10. NB. Cabdi Saalax Faarax (Cabdi-wabax).
  11. NB. Maxamuud Faarax Ducaale.
  12. W/NB. Daahir Cali Cabdi.
  13. W/NB. Cali Maxamed Ducaale (Cali Buux).
  14. Cawed Suldaan Maxamuud
  15. Shire Maxamed Saalax
  16. Shiikh Axmed Shiikh Saalax.
  17. Casayr Faarax Bile.
  18. Cali Cabdi Aw-jibriil.
  19. Shire Saalax Axmed.
  20. Khaliif Xuseen Kamiin.
  21. Cabdalle Maxamuud Naxar.
  22. Bashiir Cali Dheeh.
  23. C/laahi Axmed Yuusuf (bahal-food).
  24. Maxamuud Axmed Barre.
  25. C/raxmaan Aw-cali.
  26. Cabdalle Maxamuud Cabdi.

DAAWO SAWIRADA :-

Magaalada Badhan ee shirku ka dhacay.

Shirarkii Cuqaasha, Guurtida iyo ururada Bulshada .

Mudaaharaadyadii ka dhacay magaalooyinka Sanaag ee Budhcadda lagu canbaareeyey ( Badhan ).

Shirkii Guurtida iyo Cuqaasha.


 

Maxamuud Ciyoon /Badhan
ciyoon10@hotmail.com

 Faafin: SomaliTalk.com | July 4, 2008

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS