SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Bogaadin iyo Baraarujin ku Socota Shacabka Soomaaliyeed Munaasibadda 1 July 2008

Assalaamu Calaykum wa Raxmatullaahi wa Barakaatuhu,

Maanta waa maalin ay isugu dhafmeen murugo iyo farxadi qofkasta oo Soomaali ah oo damiir nool leh garanayana qaymaha gobanimada. Waa maalintii calankii gumaystihii Talyaanniga laga dajiyay Baarlamaankii Soomaaliya oo la saaray CALANKA BULUUGA AH OO CIDDIGTA SHANTA FAROOD LEH DHEXDA KU LEH. Waa isla maalintii ay israaceen labadii qaybood oo ka xoroobay Ingriiska iyo Talyaanniga. Waa maalin taariikhda Soomaaliya sharaf ku leh, waa maalin aan rajaynayo inay ku daydaan dhallinyarada Soomaaliyeed dhallinyaraddii horseeday in la gaaro.

Dadka Soomaaliyeed oo maanta joogaa waa saddex qaybood, aragtidayda, qayb maalinta kor ku xusan macnaheeda garanaysa oo xusuus wanaagsan iyo murugo isku dhafan la ooyaya, qayb mujrimiin ah oo dareenkii qofnimadu ka dhammaaday iyo qayb aan aragba gobanimo oo indhaha ku kala qaaday xabad dhacaysa ama qaxootinimo.

Walaalayaal shacabka Soomaaliyeedow, waxaan halkaan idinku xusuusinayaa oraahaha aan ugu jeclahay suugaanta Soomaaliyeed marka laga reebo tan diiniga ah.

CALANKA SOOMAALIYEEDOW CIRSHIGA KA NUUR
ALLOW KUWII KU CAAWIMI LAHAA CIIDDA AYAN GALIN
CIRKAAD U EGTAHAYE RABBIYOW LAGAA CABSADO.

ASSAY BAY DUMARKU QAADAAN DIRAAC WALBABA DIRICYADII QABAYNA HAAD BAA DALEEL KU CUNAY YAAN LAGUU DARINE SOOMAALIYEY IS DAA!!!

DOOXADIYO HAWDKA IYO MEESHA DARANTA BADAN
DAAQI KARIWAAYAY GEELII DAREERIJIRAY
YAAN LAGUU DARINE SOOMAALIYEY IS DAA!!!!

Walaalayaal CALANKA godka aad ku riddeen ka soo saara oo ciidda ka jafa, si kalena ugama soo saari kartaan ee heshiiya oo dagaalka joojiya. Idinkuna dagaal ku kala adkaan wayde cid kalena kagama adkaan kartaan maanta sidaad ku sugantihiin, ee dhanka xigmadda u leexda oo dadka daba qabta, shaydaan ma wuxuu ku guulaystay inuu NAARTA ina ilawsiiyo oo dhiigeenna isu qurxiyo? innaa lilaalii wa inna ilayhi raajicuun!!!

Allaah waxaan ka baryayaa inuu iimaanka inaku sugo oo toobadda ina waafajiyo.

Cabda Cabdullaahi
Cabda12@hotmail.com
 

 Faafin: SomaliTalk.com | July 3, 2008

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS