SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Sidee looga xusay maalinta 1da Luuliyo wadanka K/Afrika.

Xaflad si aad ah loo soo agaasimay oo lagu xusayo maalinta 1da Luuliyo oo ay boqolaal Soomaali ah kasoo qayb galeen ayaa waxaa lagu qabtay Hoolka xafladaha ee daarta Amal magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Africa.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka Koofur Afrika Somali Community Board oo soo qaban qaabiyay ayaa waxa ay ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay iyadoo gabi ahaan hoolka lagu xardhay Calanka Soomaaliya iyo kan South Africa, waxa kaloo lagu soo bandhigay alaaba muujinaya Hidaha iyo dhaqanka sida:- Xeero, Fandhaal, Waran, Awr raran, Gaashaan Falaar iyo Alaaba aad mihiim ugu ah hidaha iyo dhaqanka soomaalieed.

Wax yaabihii kaloo lagu soo bandhigay Xuska 48aad ee kasoo wareegatay xiligii soomaaliya ay qaadatay xornimada ayna midoobeen labadii Soomaali ee koofur iyo woqooyi ayaa waxaa ka mid ahaa Cuntooyinka Soomaalidu ay cunaan sida:- Canjeelo, Xalwad, Oodkac, Hilib shiilan, iyo cuntooyin kale.

Intii xaflada aan la furin ayaa waxaa loo soo bandhigay dadwaynihii kasoo qayb galay filim muujinaya dabaal dagyadii iyo taariikhda Soomaaliya iyo sida ay ahaan jirtay.

Dadka kasoo qayb galay ayaa waxaa wajiyadooda laga dareemayay Farxad iyo murug isku dheehan, waa mide Soomaaliya oo u dabaal dagayso xiligii calan soomaaliyeed ciida laga taagay oo ay ku beegantahay iyo iyadoo ay manta ka muuqato diif iyo dihaal badan, gacantana ugu jirto ciiidan shesheeye ee cadaw u ah umada Soomaaliyeed.

Xaflada oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin sar sare oo ka socda Dawlada Dalkan South Africa, Ururada Bulshada, Jaamacada Carabta, Ururka Islaamka iyo Ganacsatada ayaa waxaa markii ugu horaysay Microfoonka lagu furay astaanta calanka Soomaaliyeed iyadoo lagu xijiyay tan wadanka South Africa.

Waxaana khudbadii bilaabay gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed C.Xakiiim Maxamed oo ka hadlay taariikhdii Soomaaliya, Soomaalida wadanka ku nool dhibaatooyinka haysta, sababihii loo aasaasay ururkaan xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo South Africa.

“Soomaalida ku sugan wadankan waa ilaa 30kun waxayna u badanyihiin ganacsato shaqooyin badana u abuuray dadka wadankaan” ayuu yiri C.xakiim.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “ Waxaan la kulanay hogaamiyaha ururka ANC (African National Congress) Jocob Zuma, anagoo kala hadalnay arimaha Soomaalida”

Sidoo kale waxaa khudbad aad xiisa u leh jeediyay Masuul ka socday waaxda hormarinta bulshada Kgelo Legoba oo hadalkiisa ku bilaabay mahadcelin iyo sida uu ugu faraxsanyahay kasoo qayb galkiisa munaasabadan.
Waxa kaloo uu soo qaatay taariikhdii wadankan South Africa iyo halgankii ay soo mareen.
“ Halganku wuxuu ka dhashay niyad san iyo isku duubni wax kastana ma hor istaagi karaan waligiisna wuu guulaytaa” ayuu yiri Legeba.

Wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay dhibaatooyinkii bilihii lasoo dhaafay loo gaystay dadka ajaanibta ah ee ku nool wadanka Koofur Afrika.

“Anaka dawlad ahaan waxaan dib u fiirin doonaa wixii dhacay bilihii na dhaafay waxna waan ka qaban doonaa” ayuu sii raaciyay Legebo oo ah masuul ka socdo waaxda hormarinta bulshada wadankan Koofur Afrika.

Waxaa kaloo ka hadlay mmunaasadaba gudoomiye ku xigeenka 2aad ee ururka ANC Mandla Nkufu oo qiray xiriirka iyo abaalkii Soomaalidu u gashay xiligii wadankan uu ka jiray midab takoorku loona dagaalamayay xornimada.

“Masuuliyiin badan oo ururkan ah ayaa tagay caasimadiina taageerana ka helay Mr Barre wuxuuna nagu saaciday inaan xornimo gaarno” sidaas waxaa yiri gudoomiye ku xigeenka 2aad ee ururka ANC Mandla Nkufu.

“Maalin maalmaha kamid ah ayaad caasimadiina ku qabsan doontaan dabaaldag kan ka wayn”ayuu yiri Nkufu isagoo dadka ka qosliyay kuna daray “waxaan rabaa inaan arko ciyaartiina ee soo bandhiga”.

Sidoo kale waxaa khudbada soo istaagay Axmed Xabiibullah oo ahaa Wakiilka u fahdiyo jaamacada carabta wadanka South Africa iyo masuul ka tirsan Muwaadiniinta Marooka ee wadanka ku sugan.

Ugu horayn salaam kadib waxa uu ku hadlay afka carabiga isagoo sheegay inay Soomaaliya tahay umad carab ah “Dhibaatada wadanka ka dhacday waan idinla qabnaa waana wax lagu hayo Umadaha Ajaanita ah dhamaan” sidaas waxaa yiri Axmed Xabiibullah.

“Carabta oo idil way idin taageersanyihiin, wayna ka damqanayaan dhibaatada walaalahooda Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyay Xabiibullah.

Arinta farxada leh ee kale ee Munaasabada lagu soo bandhigay ayaa waxa ay ahayd masuulad u hadashay Baanka wadanka ugu way nee ABSA (Amalgamated Banks of South Africa) Miss Visha oo ka hadashay dhibaatada Soomaalida ka haysata xaga furadashada Bank Account .

“waxaa la idin dhahaa waxaa tihiin qoxooti sharcigaan laguma furo iyo wax yaaba kale laakiin markan arintaas waxaa ka socdo wada tashiyo wax badana waan ka qaban doonaa” sidaas ayay ku dhawaaqday Miss Visha.

Taasoo Dadkii Munaasadaba kasoo qayb galay ay aad ula dhaceen sacabna ka muujiyeen.

Khudbado iyo mada-daalo kadib xaflada ayaa waxay kusoo gaba gabawday jawi farxadeed iyo rayn rayn .

Hanad Mohamed Hussein
Johannesburg, South Africa.
hanadn@hotmail.com

+277 249 29893

 Faafin: SomaliTalk.com | July 3, 2008

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS