SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


SAFAARADDA JAMHUURIYADDA SOOMAALIYEED EE INDONESIA OO LAGU XUSAY MUNAASABADDA 1DA LUULYO

Talaadadii oo ay taariikhdu ahayd 01da Luulyo 2008, ayaa waxaa xaflad heer sare ah lagu qabtay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia oo uu halkaas Md. Maxamuud Colow Barow, Danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia ku soo dhaweeyay ganacsato, arday iyo  odayaasha degan magaalada Jakarta ee Indonesia. 

Furitaanka xaflada ka dib, waxaa halkaasi fikrado kooban oo ku saabsan xaaladda wadanku marayo isku dhaafsaday ka soo qeybgalayaasha xaflada iyagoo isu dardaarmay in loo duceeyo wadanka, inuu Ilaahay ka saaro dhibka uu shacabka ku jiro, sanadkan kiisa kalena ku gaarsiiyo barwaaqo iyo nabad. 

Hadal guubaabo ah oo uu halkaas ka jeediyay Md. Colow, Danjiraha Jamhuiriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia ayuu kula dardaarmay akhyaartii halkaasi isugu timid in ay cid walbo si shakhsi ah iyo sii guudba ay isaga kaashadaan sidii wax looga geysan lahaa xaaladda uu wadanku marayo, iyadoo uu ku guubaabiyay in ay iska warhayaan Safaaradda iyo jaaliyadda ku nool Indonesia. Dhinaca kalana, akhyaar ku hadashay magaca ka soo qeybgalayaasha ay ka codsadeen Safiirka inuu xilka culus ee uu hayo ugu adeego Jaaliyadda iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan, iyagoo hoosta ka xariiqay inuu Safiirku abuuro qaabab lagu hormarinayo ka faa’iideysiga ganacsiga Indonesia oo ay Soomaalidu si aad ah ugu xiran yihiin. 

Gebagebadii, Safiirka ayaa uga mahadcelinayay talooyinka loo soo jeediyay, isagoo kula dardaarmay in laga wada shaqeeyo horumarinta danaha Soomaaliya ee Indonesia, taasoo lagu gaari karo iskaashi iyo wada shaqeyn dhex marta ganacsatada iyo Safaaradda, wuxuuna safiirku ugu hambalyeeyay dhamaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadan qaaliga, isagoo Ilaahay uga baryay inuu ka soo saaro shacabka Soomaaliyeed dhibaatada ay ku jiraan, una horseedo jidka uu Ilaahay raaliga ka yahay ee wanaaga iyo walaaltinimada. 

Waxaana ay xafladii ku soo gebagabowday farxad iyo reyn reyn. 

SAFAARADDA JAMHUURIYADDA SOOMAALIYEED EE INDONESIA

somaliemb@indo.net.id iyo somalirep_jkt@yahoo.com


Xafladii 1da Luuliyo ee pakistan

Talaado, July 01, 2008 (Islamabad) Waxaa xalay kadhacay wadanka paakistaan magalada caasimada u ah ee islamabad   xuskii munaasaba 1da luuliyo ee sanad guuradii 48aad ee soomaaliyed 2008.  munaasabada  xuska ee  umada soomaliyeed   qiimiga wayn ugu fadhida  ayaa waxaa kasoo qayb galay  dad aad  ufarabadan oo bulshada qaybeheeda kalduwan leh  , waxaana  munasabadaas hormood kaha aah oo hadala kala duwan kajeedshay madaxda safarada wadanka pakistan ee somaliya , odayaal , culumo Aqoonyahanka qaybihiisa kala duwan , Hooyooyin   , Gabdho , dhalinyaro ,

waxaana munasabada  furay safiiraka wadanka  somaliya uqaabilsan  Pakistan Mr. Cabdisalaan Xaaji ahmed Liibaan (cabdi xaaji)  wuxuna kahadlay  umamada soomaliyeed   qiimaha  ay  uleedahay   maalintan 1da luuliyo o ha malinyii  ay xoroobeen gobolada koonfureed  iyo israacii waqooyi iyo koonfur ,

waxa kaloo munasabada kahalya  safiir kuxigeenka safarada wadanka Pakistan ee soomaliya  Mudane Axmed cabdiraxmaan sheikh nuur  oo isna halkaas kuxasuusiyey  umada somaliyeed  taariikdii  loo soomaray halgankii dheeraa ee lagaga xoroobay kuumasytayashii  somaliya  kaxorowday ee ingiriisaka iyo talyaniga

Xafladaas o soo qaban qaabiyeen dhalinyaro arday ah oo wax ka barata dalka Pakistan iyo safaarada somalida ee wadanka Pakistan.

Mohamed Abdi Artan
cartandirham@yahoo.com

Xafladii 1da Luulyo ee Indonesia

Ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barta dalka Indonesia, gaar ahaan gobolka (bandung) , gaar ahaan kuliyadaha Injineeriyada iyo kuliyadaha kale ayaa ka qayb galaay xaflad loo sameeyey 1da Luulyo. Sawirda hoos ka daawo.


 

Laxiriir:CabidWeli Axmed
aanyare7@hotmail.com
 

 Faafin: SomaliTalk.com | July 3, 2008

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS