SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shirkii golaha dhexe ee isbahaysiga dib u xoraynta oo Khamiista si rasmi ah u furmaya.

Waxaa maalinimada Khamiista (July 3) ah si rasmi ah uga furmaya xarunta ku meel gaarka ah ee Isbahaysiga ee magaalada Asmara shirkii xubnaha golaha dhexe ee Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya.

Shirkani oo ay ka soo qaybgeli doonaan inta badan xubnaha golaha dhexe ee Isbahaysiga sida uu inoo xaqiijiyay madaxa gudiga warfaafinta ee Isbahaysiga mudane Maxamed Xaashi ( carabey ),waxuuna intaa ku daray in shirkani uu ka duwan yahay shirarkii hore waayo ayuu yiri waxaa shirkan looga baahan yahay inuu lagu xaliyo arimo badan oo siyaasadeed oo wax wayn ka bedeli doona arimaha ka taagan gudaha dalka Soomaaliya isla markaan dan u ah guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Madaxa gudiga warfaafinta ayaa mar wax laga waydiiyay tirada xubnaha golah dhexe ee ku sugan magaalada Asmara ayuu xaqiijiyay in ay weli socoto imaanshihii xubnaha golaha dhexe oo qaarkood uu dib u dhac dhinaca duulimaadka uu ku yimid balse saacadaha soo socda ay ku soo fool leeyihiin xarunta Isbahaysiga ee Magaalada Asmara.

Madaxa xafiiska warfaafinta mudane Maxamed Xaashi ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay qabsoomida shirkaas iyo go,aanda ka soo baxaya intaba, balse waxuu ka gaabsaday inta ay le,egtahay mudada uu soconayo shirkaas. Si kastaba arintu ha ahaatee shirka la filayo in uu beri ka furmo xarunta Isbahaysiga ee Asmara ayaa shacabka Soomaaliyeed il gaar ah ku eegayaan qaabka uu ku furmo iyo go,aanada ka soo bixi doona intaba.

Xafiiska warfaafinta ee Isbahaysiga
Asmara july2.2008.

 Faafin: SomaliTalk.com | July 3, 2008

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS