SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PUNTLAND

DGPL oo Jawaab ka Bixisay Baaqii Isimada Puntland

Qoraal ka soo baxay: Wasiirka Warfaafinta Isgaarsiin, Dhaqanka & Dalxiiska DGPL...

Ref: W/W/ISG/DH/D/88/2008    Date: July, 02, 2008 

War Saxaafadeed kasoo baxay Dowlad Goboleedka Puntland  

Maalintii isniinta 30kii June 2008 waxaa war-tebinta lagu baahiyey qoraal ku saabsan go’aano kasoo baxay shir la sheegay in uu Garowe ka dhacay oo ay soo saareen qaar ka mid ah Isimada Puntland.

Qoraalku wuxuu xambaarsanaa dhaliilo, tilmaamo iyo talooyin loo jeediyey gobollada iyo dadweynaha reer Puntland, iyadoo aan hore loo ogsoonayn shir Garowe isimada uga socday. 

Xukuumadda Dowlad Goboleedka Puntland waxay xurmo iyo qaddarin weyn u haysaa hogaanka dhaqanka bulsho guud ahaan gaar ahaan isimada. Xiriirka dowladda iyo isimadu wuxuu had iyo jeer ahaa joogto ay kaga wada tashadaan xaaladaha dalka soo wajaha.  

Haddaba, dowladda Puntland waxay halkaan ku caddaynaysaa: 

  1. In aanay jirin go’aanno uga yimid Isimada Puntland.
  2. Waxaa dastuurka dalka u yaal dhinac marsan in gobollada lagu khaldo isugu yeeris ergooyin uusan dalbim maamulku.
  3. DGPL waxaa u degsan sharci iyo nadaam dowladeed oo kala qeexan, mana oggolaan doonto falal loo fasiran karo in lagu burburinayo jiritaankeeda oo halwo iyo marxalado badan umaddu usoo martay;
  4. Ciddii ay ka dhab tahay doonis is-beddel maamul waxaa ay tixgalinta shacabka ku kasban karaan marka ay xeeriyaan sharciga iyo nadaamka waqtiga doorashada, isla markaana ayan horseedin cadaawad wax dumis ah xilliyadaan arrimaha Somalia cakiran yihiin.

Sidaas darteed dhamaan shacbiga Puntland meel walba oo ay joogaan waxaan ku wargalinaynaa in ay ilaaliyaan nabadgelyada guud ee DGPL si wada jir ah. 

Wasiirka Warfaafinta Isgaarsiin, Dhaqanka & Dalxiiska
C/raxmaan Max’ed Saalax (Bankax)

###

 Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2008

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS