SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Sigaar-cabiddu sow Sun-cabid ma aha ?!!

(Qaybtii 2-aad)

Bacdamaa ay tirada Dadyowga Adduunku ku jirto koritaan joogta ah, waxaa iyaguna dhankooda ka sii kordhaya tirada dadka u dhimanaya waxyeellada sigaar-cabidda darteed; haddii ayan Wax-garadka Beesha caalamka iyo Hay'adaha ku shaqada lihi ayan la imaan Tallaabooyin dhaxalgal ah oo looga hor-tagayo laba-lixaadsiga aafada soo fool leh.

Daraasad uu sameeyay Ururka Caafimaadka Adduunka(Who), ayaa waxaa uu ku ogaaday in marka uu sannadku gaaro 2020-ka, ay tirada dadka Aduunka ee Sigaar-dhuuqid iyo waxyeelladiisa darteed u dhimanaya ay gaari doonaan 10-milyan oo ruux sannadkiiba.

Daraasaduhu waxaa kale oo ay soo bandhigayaan: in hadda ay dalka Maraykanka ay sannadkii la arkaba waxyeellada Sigaarka awgeed u dhintaan 400-kun oo ruux. Dalka Ingiriiska ayay iyaguna tirada dhimashadu gaarsiisan tahay 110-kun oo ruux sannadkiiba.

Tirakoobyo kale ayaa iyaguna muujinaya in dadka Aduunka ee cabba(dhuuqa) Sigaarka ay %84 yihiin kuwa dalalka soo koraya; waxaana badanaaba taas loo aaneeyaa aqoon-yari guud iyo hooseynta wacyiga dadka.

Waxaa la sheegaa:-In Xildhibaan Soomaaliyed uu dadka beeshiisa hadda ka-hor, isaga oo baraarujinaya, uu yiri:-"Saddex-saddex ugu socda Waddooyinka, Sigaarka cabba,biyaha guduudanna(sharaabka) waraaba(cabba)". Ujeeddada Xildhibaanku markaas ma ay ahayn in uu dadkiisa ku laayo Sunta Sigaarka,wuxuuse u jeeday: in ay ka baxaan badownimada, lana saan-qaadaan asaaggood.

Haddii aynu Tusaale u soo qaadanno; dalka Yemen:- Tirakoob uu dhowaan sameeyay Cilmi-baare Yemeni ah oo lagu magacaabo:"Axmed Al-Xadaa'",laguna daabacay Wargeyska Dawladda ee Al-thawra,tirsigii 15543, ayaa waxaa uu sheegay:-In reer Yemen ay ka mid yihiin dadyowga ugu sigaar-cabidda badan Adduunka. Ragga Yemeneed ayaa %85.7 cabba Sigaarka,kuwaas oo %29.2 ay yihiin dhallinyarada ay da'doodu u dhaxayso 17 - 24 Sano.

Inkastoo ay guud-ahaan Dadyowga dalalka soo koraya ay iyagu u badan yihiin cabidda Sigaarka, haddana waxay soo saaridda iyo suuq-geyntu badanaaba ka timaaddaa dhanka dalalka horumaray ee Warshadaha leh.

Shirkadaha soo saara Sigaarka ee dalka Maraykanka, ayaa iyagu maalintii Alla keenaba soo suuq-geeya Sigaar la tira-eg saddex-laabka tirada dadka Aduunka. Taas waxaa uu micnaheedu yahay in ay Dawladda 'USA' maalin kastaaba u soo saarto qof kasta oo dunidan guudkeeda ku nool saddex xabo oo Sigaar ah.

Haddii ay wax ka taabanno waxyeellada ka timaada xagga Sigaar-cabidda:; waxay Cilmi-baarisyada dhanka Caafimaadku tibaaxayan:In uu Sigaarku waxyeello baahsan uu u geysan karayo dhammaan waaxyaha jirka Aadanaha,sida:Ilkaha,Neef-mareenka,Wadnaha,Dheef-shiidka,Dareemayaasha,Beerka,Kaadi-mareenka,Ilmaha ku jira uurka hooyada cabta Sigaarka iwm.Xitaa waxaa la sheegayaa in uu Sigaarka carqalad gelin karo taranka ruuxa iyo dhalmadaba.

Takhtar Caalami ah oo ku xeel-dheer xagga Qalliinka,laguna magacaabo"Dr.Ritchard Lamano" ayaa shaaca ka qaaday dhowaan: in uu Sigaarku taabanayo xubin kasta oo ka mid ah jirka Aadamiga, si lixaad lehna ay suntiisu ugu dhex soconayso oo u raacays dhiigga ruuxa dhuuqa Sakareetka(Sigaar)-madaxa ilaa mijaha-,kan cabbaya iyo kan lagu dul-cabbayo intaba.

Hadallada Takhtarkan ayaa waxaa ay i soo xusuusinaysaa: nin saaxiibbadayda ka mid ahaa oo geeriyooday dhowaan,kaas oo si xad-dhaaf ah u dhuuqi jiray Sigaarka.

Marxuumkaas, ayaa intii uusan dhiman toddobaad ka-hor, isaga oo xanuun la il-darnaa markaas, booqday Takhtar.Markii Takhtarku sameeyay baaris, ayaa waxaa uu ku yiri Bukaankii:-"Ninyahow bukaanka ahi, adiga ayaa gacantaada isku sumeeyay".Wuxuu kaloo yiri:-"Tuur Sigaarka aad hadda ku heysato gacanta isaga ayaa jirkaaga oo dhan maasheeyaye"."Mar dambe ha cabbin Sigaar,waa uu ku diloodaye". Nasiib-darrase dhowr casho ka-dibba waa uu dhintay Marxuumkii; tiisii ayaa gashay,sababtuse Sigaar ayay ahayd.

Xitaa Cilmi-baarisyo casri ah ayaa hadda soo bandhigaya in hooyada cabta Sigaarka, ay ilmaha ay markaas nuujinayso, uu hoos u dhacaya qaddarkii hurdada ee uu qaadan lahaa. Cilmi-baarayaal Maraykan ah ayaa dhowaan soo saaray in hooyada Sigaarka cabta ay hurdada ilmaheedu hoos u dhacayo 37%. Waxay sheegeen inuu khalkhal ku imanayo degganaanshaha maskaxeed ee ilmaha yar.

Docda kale, inkastoo aanan heyn tirakoobta dadka Soomaaliyeed ee cabba Sigaarka, haddana, waxay waaya-aragnimadaydu i baraysaa in ay soo kordhayaan Soomaalida Sigaarka cabta.

Annaga oo markii horaba ay dadku nooga le'anayeen dagaal sokeeye, mid cadow,badaha tahriibka, cudurrada faafa,macluusha iwm.ee sanooyinkaan colaadeed jira, ayay sunta Sigaarkuna hoos naga waddaa, oo galaafanaysaa nolosha kuwa badan oo aan dareensaneyn. Markaasna, haddii aanan la baraarugin ,arrimaheennu waxay u muuqanayaan "Allow sahal".

WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy - kalmoi@hotmail.com

:::Sigaar-cabiddu sow Sun-cabid ma aha? | Kaalmoy

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 30, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com