SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Sigaar-cabiddu sow Sun-cabid ma aha ?!!

Anigu ma ahi Takhtar, aqoon gaar ahna uma lihi xagga Caafimaadka iyo Cudurrada; daweyntoodana haba sheegin. Docda kale, weligay ma cabbin oo ma dhuuqin Sigaar; Tubaakana haba igu soo hadal-qaadin;walow aan maqlay kuwa ku maahmaahaya:-"Meel ay Aqyaari isugu timid, firiq-firiq Tubaako iyo Feero Ariba lagama waayo".
Hase yeeshee, waxaa i haleelay,welina aanan ka bogsoon, ina dhibaya Cudur xasaasiyad ah oo aan xagga Sanka iyo neef-mareenka ka qabo, kaas oo aan marar badan la hor-fariistay Takhaatiir isugu jirta Soomaali iyo Yemen.

Markii kasta oo aan Cudurkaas la hor-tago Takhtar,una sharraxo halka la iiga badan yahay, wuxuu igu bilaabaa Su'aal ah :-"Ma Sigaar baad cabtaa ?!!". Marka ugu dambeysa oo uu dawooyinka ii qorayana, wuxuu igula sii dardaarmaa,oo i yiraahdaa:-"Ka-fogow meelaha Sigaarka lagu cabbayo iyo qiiqiisaba".

Arrintan ayaa waxaa ay igu dhalisay:-Daba-galka iyo daalacashada Cilmi-baarisyadii laga sameeyay Sigaarka iyo Tubaakadaba; iyo weliba in aan si gaar ah isha ugu godo Wax-yeellada ay Aadamiga u leeyihiin. Cilmi-baarisyadaas ayaan qaddar yar ku soo qaadanayaa qormadan; tabar iyo taag-yari cilmiyeed meel ay i dhigaanba.
Taariikhdu waxaa ay sheegaysaa in ay Sigaar-cabiddu ka soo bilaabatay dalka Meksiko 2500-sano ka-hor. Taariikhyahanno kale ayaa iyaguna xusaya: in 500-sano ka-hor Sigaarka lagu cabbi jiray Qaaradda Ameerika. Taariikh kale ayaa iyaduna tilmaamaysa in Qaaradda Yurub uu Sigaarku ka soo galay dhanka Ameerika. Halkan waxaannu kala baxaynaa oo ka garanaynaa :in muddo badan la soo cabbayay Sigaarka.

Kalmadda 'Nicoten' ayaa iyadu waxaa ay ka timid 'John Nicot' oo ahaa Danjirihii Faransiiska u fadhiyi jiray dalka Bortaqiiska, kaas oo si weyn u difaaci jiray Tubaakada iyo Cabidda Sigaarka. Waxaa uu Danjiruhu sheegi jiray:-In uu Sigaarku leeyahay faa'iidooyin fara badan: uu dawo u yahay madax-xanuunka iyo cudurro kale. Ha yeeshee, markii dambe, waxaa cilmi-ahaan loo ogaaday in ay fikraddaasu tahay mid marin-habowsan.

Cilmi-baarisyadu waxaa ay tibaaxayaan:-In ay Sagaarka ku jirto 4000-maaddadood oo Kimiko ah, kuwaas oo ay 100-ka mid ahi yihiin SUN halis ku ah nolosha Aadamiga.

Waxaa ay Culimadu rumaysan yihiin in uu Sigaarku yhay 'Dilaaga 1-aad ee dunida ka jira,waayo, sannadihii u dhaxeeyay 1990 ilaa 1999-kii, waxaa uu Sigaarku ku lug-yeeshay geerida 21-milyan oo ruux oo ku dhimatay dunida dacalladeeda.

Halista ay Sigaar-cabiddu u leedahay caafimaadka guud waa mid weyn, taasna waxa wada qiraya Ururka Caafimaadka Adduunka iyo dhammaan Ururrada iyo Hay'adaha kala geddisan ee ku shaqada leh xagga Caafimaadka. Hay'aduhu waxaa ay tilmaamayaan in ay Sigaar-cabiddu tahay khatarta ugu daran, uguna baahsan ee hor-taagan nolosha Aadamiga.Waayo sannadkii kastaa waxaa uu Sigaarku sababaa geerida
4-Milyan oo ruux....

La soco qaybaha kale....

W/D;-Muxyaddiin M.Kaalmoy - kalmoi@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 24, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com