SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warbixin: Xildhibaano ka dhoofey Garoonka Baydhabo, xubno ka socda Midowga Yurub oo soo gaarey Baydhabo iyo Wasiiro lagu dhaariyey Xarunta Madaxtooyada DFKMG ee Baydhabo.
  • Xildhibaano ka soo jeeda Gobolada Woqooyi Barri oo 18/1/2008 u dhoofay Garoowe, Boosaaso, Laascaano iyo Buuhoodle...
  • Xildhibaan Cali Baashi oo beeniyey wararka dheegaya in $2 million ay DFKMG siisay si loogu furdaamiyo arrimaha......

    Waxaa isku soo dubaridey, sawiradana qaaday
    Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Baydhabo.
    fatxumaalik@hotmail.com

Kulan lagu dhaarinaayo Wasiirada Maaliyada iyo Qorsheynta, Wasiirka Warfaafinta, Arimaha Dhalinyrada iyo Isboortiga ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeen, Wasiirka Hawlaha guud, Guriyeynta iyo Dibu-dhiska oo ay ka soo qaybgaleen Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna ku simaha Madaxweynaha DFKMG Sh, Aadan Madoobe, Ra’iisul Wasaare Col. Nuur Cade, Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Prof. Dhalxa, ku xigeenada Ra’iisul Wasaaraha, inta badan Golaha Wasiiradda iyo Wasiir ku xigeenada ayaa lagu qabtey Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo, iyadoo maalmahaan Baarlamaanku wax kulan ah yeelan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe oo gunaanadkii halkaasi khudbad gaaban ka jeediyey ayaa wuxuu yir "Waad ogtihiin shaqada inoo taal in aad iyo aad u balaaran tahay, dhismaha Xukuumadaan cusub Ummada waxay gelisay rajo aad u balaaran, kadib markii in badan lagy celceliyey in Baarlamaanku uusan ogoleyn, in Xukuumada laga qaato banaanka, Caalamka iyo Ummada Soomaaliyeed waxaa loo sheegey in Xukuumada la soo koobey tayadeeduna la kordhiyey, balse ma ahan in Afka oo keli ah laga sheego, waxaana loo baahan yahay in ficil loo gudbo ayuu ku sheegey Sh. Aadan Madoobe khudbadiisa.

Sh.Aadan Madoobe waxaa keloo khudbadiisa uu ku sheegey "Shantii sano khilaafyadii hore ee Soomaaliya u aafeeyey Dowlada aafeyey waqti badana waa naga lumey, inkastoo wax badan lagu guuleystey, waayo dibu-heshiisiinta Soomaaliya guulo waaweyn baa laga gaarey, waxaana daliil u ah in Golaha Wasiirada iyo ku xigeenadooda ay noqdaan 23, maanta Ummada Soomaaliyeed taasi wey ku faraxsan tahay, Baarlamaanka iyo Beesha caalamkuna wey ku faraxsan yihiin, hadii Nayroobi iyadoo la joogo sidaan lagu dhisi lahaa Xukuumada waa lagu kala dareri lahaa, intaan ayaa guul weyn ah" ayuu yiri Sh. Aadan Madoobe.

Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa uu ka codsadey Ra'iisul Wasaare Nuur Cade in Golaha Wasiirada inta dhiman sida ugu dhaqsiyaha badan uu u soo dhiso, "mudane Ra'iisul Wasaare dadku waxay na leeyihiin, qaybtii Xildhibaanda waa la magacaabey ee qaybtii dadweynaha maxaa hakad geliyey" ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey Sh. Aadan Madoobe.


Dhaartii saddex wasiir iyo kitaabkii lagu dhaariyey

Laakiin inta Xukuumada ka soo horjeeda hadalka Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ku sheegey in guul laga gaarey dibu-heshiisiinta Soomaaliya lama oga in ay la qabaan iyo in kale arinkaan, balse waxaa jirta su'aal taagan Xildhibaan Wasiir ku xigeen ah oo Wasiirkiisa yahay Shekhi ku eg xilka Wasiirnimadiisa sida ay isula shaqeyndoonaan mustaqbalka, iyadoo waqtiga hareyna uu yahay wax u muuqda mid ciriiri ku ah qaab dhismeedka Xukuumada, waajibaadka horyaala iyo isbedelada faraha badan ee isasoo taraaya guud ahaan dalka Soomaaliya iyo tan caalamkaba.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) iyo qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada ayaa la kulmey Wafdi ka kooban shan xubnood oo ka kala socda Safiirada Ingiiriiska, Faransiiska, Talyaaniga iyo Check Republic oo uu hogaaminaayo ku xigeenka Gudoomiyaha midowga Yurub ee Wadanka Slovenia oo xarun ku meel gaar ku leh Safaarada Faransiiska ee Magaalada Nayrobi ayaa soo gaarey Magaalada Baydhabo 17/1/2008.


[Sawirka bidix] Ra'iisul Wasaaraha iyo xubinihii Midowga Yurub mid ka mid ah oo wada taagan
[Sawirka midig] Wasiirada shirada la kulmey Midowga Yurug iyo Xubin midowga Yurub oo wada taagan

Wafdigaan soo gaarey Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu kulan Al-baabada u xiran yihiin oo saacado badan qaatey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Cade, Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Prof. Dhalxa, ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Boqore, Seddaxda Ra’iisul Wasaare ku xigeen, Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiirka Arimaha Dibadda, Wasiirka Beeraha, gunaanadkii kulanka ayaa waxaa saxaafada la Hadley Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdisalaan.

Wasiirka Warfaafinta waxaa uu u sheegey Saxaafada “wafdigaan waxaa hogaaminaayo madaxa midowga Yurub Mr. Jooj, intii aysan imaan Baydhabo waxay soo mareen dadkii ka soo qaxay Magaalada Muqdisho ee hada ku sugan inta u dhexeysa Muqdisho iyo Af-gooye oo 12 maalmood kadib ayaan mar labaad ku soo noqoney dalka gudihiisa, waxayna inoogu yimaadeen inay inoo muujiyaan taageerada ay u hayaan dowlada, waxayna balan qaadeen in dowlada ay kala shaqeynayaan sidii wax looga qaban lahaa xaalada Bani’aadaninimo iyo arimaha kale ee horyaala dowlada mudada gaaban u harey sida siyaasada iyo dhinaca amaanka”.


[Sawirka bidix] Axmed, wasiirka warfaafinta, oo Saxaafada la hadlaya
[Sawirka midig] Wasiirada Warfaafinta iyo Maaliyada oo wada fadhiya


Mar uu ka hadlaayey dhibaatooyinka saxaafada haysta oo qaarkood xabsiga ku jira ayaa wuxuu yiri “dhismaha Xukuumada waxay ku soo begantey, iyadoo dhibaatooyin badan ay jiraan, Xukuumadu ogaal la’aan ma hayso waxaa loo dhisay waa dhibka jira in wax laga qabto, wax qabadna ma gaareen, laakiin qorshihii ku talo galka ayaan ku dhex jiraa, inkastoo ay jirto dhibaato, waxaan ka xumahay in qof Soomaali ah la xiro, isagoo aan wax dembi gelin, waxaana muhiim shaqadeena wixii muhiim ah inaan qabano” ayaa hadalkiisa ku soo gebagebeeyey Axmed C/salaam oo u muuqdey mid ka meermeerey jawaabta su’aasha, islamarkaana hadana si sarbeeb ah uga jawaabey.


[Sawirka bidix] Xildhibaanada bidix Kulan, Ibraahim Max'ed Deeq oo ku xiga, Cabdullaahi Bile, Midig Cali Baashe
[Sawirka midig] bidix Xaamud, Dhexda Nuur Iidow iyo Avv. Cali Muumin oo ku soo dhaweynaya Garoonka Baydhabo 18.1.2008


Sidoo kale Xildhibaano ka soo jeeda Gobolada Woqooyi Barri oo tiradoodu gaareyso ilaa iyo 8 xubnood ayaa ka dhoofey garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo 18/1/2008, iyagoo ku sii jeeda Garoowe, Boosaaso, Laas caano iyo Buuhoodle.

Xildhibaan Cali Baashi Xaaji Max’uud oo ka mid ah xubnahaan, islamarkaana aan wax ka weydiiney ujeedada safarkooda ayaa wuxuu yiri “marka hore Xildhibaanada dhamaantood waxay u socdaan Gobolada Puntland laysku yiraahdo, qayb waxay u socotaa Garoowe, qaarkeen waxay u gudbidoonaan Boosaaso, Laascaano iyo Buuhoodle ayaan isu qaybindoonaa”., balse aniga iyo laba Xildhibaan ayaa ku socona inaan u kuurgelida xaalada nabadgelyo ee Gobolada Puntland Inaan uga warano siyaasada iyo ahdaafta DFKMG ee aan wakiilka uga nahay, wixii dhib ah ee jira inaan la qaybsano, wixii guul ah oo ay gaareena inaan la qaybsano, tirada Xildhibaanaduna waa 8-10.

Mar uu ka hadlaayey ujeedada sacodaalkooda waxa xiligaan ku soo beegey ayaa wuxuu yiri “Ujeedada socdaalkeenu waa xaalada ugub ah oo aan la garaneyn waxay tahay ayaa ku soo biirtey Gobolada Waqooyi galbeed ee ay degan yihiin Beelaha Dirta Woqooyi ayaa ku soo duuley oo qabsadey Xarunta Gobolka Sool waana Taariikh cusub, Laascaanood Ingiriiskii baanu qabsan, Soomaalida kale ayaan qabsan intii lays leynayey, marka Taariikhdaa cusub oo ah wax lala yaabo ayaanudooneynaa inaan ka wardoono waxa keenay iyo sidii looga saari lahaa nimankaa ku soo duuley meesha, anaguna waxaanu nahay odayaal Xildhibaano ah, waxaanu dooneynaa inaan demino colaada jirta, colaaduna waa wax iska taagan sheleybaa ugu dambeysay dad baa lagu laayey oo lagu amar ku taagleynayaa, mana jiro wax dhaqaalo ah oo dowladu nagyu taageertey, waayo dadka kale waa dhaanaa waa meel ay dowlad Goboleed ka jirto weeyey o inagaa iswadna".

Mar aan weydiiyey maxaa ka jira in lacag dhan $2,000,000 oo dowlada idiin siiyey si aad ugu furdaamisaan arimahaas jira ayaa wuxuu ku jawaabey wax allaale wax ka jira ma laha, inagaa is wadna shilin DFKMG naga soo gaareyna ma jiraan.



[Sawirka bidix] Nuur Iidow
[Sawirka midig] qayb ka mid ah Wasiiradii kale ee la kulmey midowga Yurub


[Sawirka bixid] bidix Axmed Cabdisalaan, Xaamud oo ku xiga, Tarax iyo Khadiijo Max'ed oo kulankii dhaarta wada fadhiya
{Sawirka midig] ka bilow bidix Jengeli dhexda Nuur Iidow, Midig Saalim


[Sawirka bidix] Dhalxa, Bidix Sh. Aadan madoobe dhexda iyo Nuur Cade oo Axmed Cabdisalaan qoraal wada eegaya
[Sawirka midig] fadhiga guud ee Kulankii dhaarta

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com

War Saxaafadeed ka soo baxay Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliyeed - Asmara.
xamarDadka barrakacay ee galgalato iyo gubadley oo banaanbax cabasho ka dhigay. Gaari Cabdi Bile ah Oo Ay Sarnaayeen Askar Ciidamada Dowlada KMG ah Oo La Qarxiyey. Gumaysiga oo kordhiyay cadaadiskii dadwaynaha. Dr Mahdi iyo Maxamed Cabdi Yuusuf oo Kulan ku dhex maray London... Warar GoosGoos ah akhri

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 19, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com