SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararka maanta:

  • War Saxaafadeed ka soo baxay Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliyeed - Asmara.

  • Dr. C/laahi Xasan Mahdi iyo Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf oo Kulan ku dhex maray Magaaalada London

  • Dadka barrakacay ee galgalato iyo gubadley oo banaanbax cabasho ka dhigay
  • Gaari Cabdi Bile ah Oo Ay Sarnaayeen Askar Ciidamada Dowlada KMG ah Oo La Qarxiyey
  • Ciidamo Kale Oo Ka Socda Wadamada Ugaandha Iyo Burundi Oo Maanta Kasoo Degey Garoonka Muqdisho
  • Gumaysiga oo kordhiyay cadaadiskii dadwaynaha.
  • Itoobiya oo diiday astaynta xadka u dhaxeeya iyada iyo Ereteriya.

War Saxaafadeed ka soo baxay Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliyeed - Asmara.

17 January 2008, ciidamada cadowga ayaa xasuuq ba’an ka geystay Magaalada Muqdisho asagoo madaafiicda goobta iyo taangiyo ku garacay goobo badan oo Magaalada ka mid ah oo ay ku nool yihiin dad rayid ah, waxaa kaloo duqeyntaasi ay la beegsadeen suuqa weyn ee Bakaaraha.

Cadowgu wuxuu geystay khasaaro naf iyo maalba leh, iyadoo dhimashada illaa iyo hadda inta la xaqiijiyey ay ka badan tahay illaa iyo 30 , dhaawacuna 100 kor u dhaafay. Cadowga Itoobiya waa u caado marka uu loodin waayo geesiyada birta ah ee Muqaawamada sharafta leh inuu si fuleynimo ah madaafiic ugu qaybiyo goobaha dadka rayidka ah ay degenyihiin, ilaha dhaqaalaha iyo goobaha bulshada loogu adeego sida isbitaallada.

Isbahaysiga Dib U Xureynta Soomaaliyeed wuxuu si xoog leh u cambaareynayaa falkaas waxashnimada leh, wuxuuna caddeynayaa in falka noocaas oo kale ah aysan shacabka soomaaliyeed ka leexin doonin dhabbaha toosan ee la isaga tuuraayo heryada gumeysiga.

Waxaanna bulshada caalamka, hay’adaha dawliga iyo dalalka daneeya arrimaha soomaaliya u sheegeynaa inay ceeb ku tahay ka aamusnaanta iyo indha ka laabashada falal dembiyeedka iyo xasuuqa ciidamada Itoobiya ay ku hayaan shacabka soomaaliyeed. 

Wa billaahi towfiiq.
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi gelinta.
ASMARA


Dr. C/laahi Xasan Mahdi iyo Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf oo Kulan ku dhex maray Magaaalada London

LONDON 18.01.2008 Waxaa magaalada London kulan ku dhaxmarey Dr.Abdulahi Hassan Mahdi iyo Mudane Mohamed Abdi Yusuf, kulankaas oo looga wada hadlay arimaha ka taagan Soomaaliya.

Dr. Abdullahi Hasan Mahdi oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee dagan dalka Canada ayaa kaga soo qayb galay magaalada Jabuuti, kulan ay ku lahaayeen aqoonyahanada Soomaaliyeed oo looga arinsanayey arimaha ka taagan Soomaaliya iyo doorka ay aqoonyahanada ka qaadan karaan xal u helida Soomaaliya.

Dr.Abdullahi Hassan Mahdi oo ah aqoonyahan bartay cilmiga Beeraha ayaa booqasho labo maalin ah ku soo marey magaalada London, si ula kulmo mudane Mohamed Abdi Yusuf oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee sida wayn u diidan dhibaatada Ethopia ka wado Soomaaliya kana mid ah madaxda Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Waxayna ka wada hadleen sida xalka Soomaaliya meel looga soo wada jeesan lahaa, kulankaas oo ku dhamaaday is afgarad iyo in la isku raadiyo dadka Soomaaliyeed ee samaha jecel,hadii ay ahaan lahaayeen siyaasiyiin iyo aqoonyahanba,si loo helo bulsho Soomaaliyeed oo jecel dalkooda iyo dadkooda

ilo wargal ah


Dadka barrakacay ee galgalato iyo gubadley oo banaanbax cabasho ka dhigay

Tan iyo intii ay dagaaladda xoogan ee u dhaxeeya ciidamadda dowladda federaalka ah , kuwa Itoobiyaanka ah iyo xoogaga ka soo horjeedda joogitaanka ciidamadda Itoobiya ee gudaha dalka Soomaaliya waxaa sii badanayay qaxa iyo barakaca dadka rayidka ah ee ku nool,Magaaladda Mugdisho iyo dacaladeedda waxaana maalinba maalinta ka dambeysay siii xoogeysanayay barakaacaasi iyadoo boqolaal dad ah ay isaga baxeen gudaha Mugdisho kuwaasi oo u cararaya goob ay kaga nabad galaan dagaaladda iyo iska hor imaadyadda joogtadda noqday ee ka soconaaya gudaha Caasimadda Mugdisho.



Dagaaladaan joogtadda nooqday oo xiligii hore ahaan jiray mar mar ayaa haatan isku bedelay habeen iyo maalin cad iyadoo leys weydaarsdanaayo hubka nuucyadiisa kala gegedsan oo Marnaba loo aabayeeleynin dadka rayidka ah geysanayana dhimasho iyo dhaawac intaba.

Qoysas badan oo ku noolaa magaladda Muqdisho ayaa iskaga hayaamay waxayna hoy ka dhigteen duur cidla ah oo aanan laheyn wax hoy ah ama nolol intaba.



Sida la ogyahay waxaa haatan daafaha Magaaladda Muqdisho gaar ahaan deegaanadda Gubadleey ilaa iyo Dekedii hore ee Ceel Macaan daadsan Qosysas badan oo ka soo cararay dagaaladaasi kuwaasi oo haatan lagu qiyaasay in kabadan 3.600.oo oo isugu jira haweeyn, caruur iyo dad da;ah oo ay ka muuqato duruuf qalafsan iyo macliuul aad u daran maana haystaan wax gargaar ah oo ilaa iyo haatan lagaarsiiyay iyagoo halkaasina degden muddo ka badan todoba bilood oo xiriir ah .

Maanta ayaa waxaa halkaasi booqday xubno isugu jira ururadda bulshadda iyo saxafiyiin ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshadda iyagoo halkaasi ku soo arkay dhibaato tii ugu ba’neeyd oo ka jiryay halkaasi

Xubnihii halkkaasi tagay ayaa waxaa ka mid ahaa Raaliyo Geedi oo ka socotay ururka lagu magacaabo Kulmiye oo ay ka tahay gudoomiye ururkaasi si ay wax ugu qabtaan inta ay karikaraayaan. Sidoo kale waxaa la socday Macalin Bille Axmed Nuur,Aadan Cali Cadde oo isna madax ka ahaa Deegaanka lagu magacaano Galgalato iyo Xaawo Shiikhoow, waxayna dhamaantood sheegeen in si deg deg loogu baahan yahay in la gargaaro dadkaan ay xaaladoodu liidato, isla markaasna aysan jirin cid weli u gurmatay.

Dhinaca kale dadkii ku dhaqnaa Magaalada Miuqdisho ee ka barakacay dagaalada kuma eka oo kaliya Gubadley ilaa Ceel Macaan balse waxaa jira dad badan oo kale oo u kala cararay oo kale 4-ta Jiho ee Muqdisho, balse dadkaas qaarkood waxaa gaaray Mucaawino tii ugu badnayd, kuwaasoo qaarkood haatan ku keydsaday bakhaaro ay ka dhisteen goobihii ay ku barakaceen, balse dadkaan u qaxay Deegaanka Gubadley wax gar gaar ah ma gaarin marka laga reebo Booyado Biyo gaarsiiya Deegankaas.

Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somalia
0025215576666
002521653623


Gaari Cabdi Bile ah Oo Ay Sarnaayeen Askar Ciidamada Dowlada KMG ah Oo La Qarxiyey

Qarax Miino oo nooca gacanta laga hago ah ayaa lala beegsaday maanta gaari nooca loo yaqaano land- curuser cabdi bile oo xiligaasi ay saarnayeen ciidamo aad u badan kuwa dowlada KMG ah islamarkaaa marayey deegaanka xaafada taleex ee degmada hodan.

Gaarigan oo gbi ahaanba qarxay ayaa dad ka ag dhowaa deegaanka uu ku qarxay gaarigaasi land-curuserka ahi oo ay ciidamada dowlada KMG ahi saarnaayeen ayaa waxay saxaafada u sheegeen inay arkeen gaariga oo halmar qarax xoogan ku imid islamrkaana uuro iyo qiiq qariyeen taasoo ay arkayeen dhmashada askarta dowlada iyo weliba dhaawacyo kale oo dhulka ku dhacay .

Sidoo kale waqti yar kadib ayaa halkaasi waxaa isku gadaamay ciidamo kae oo kuwa dowlada KMG ah oo halkaasi tacshiirad ka furay islamarkaana ay dad rayid ahi dhaawacyo kasoo gaareen ,lama oga ilaa iyo iminka Tirada Khasaaraha dhabta ah oo ay ciidamada miinadu wax yeelaysay taasoo loo aanaynayo xaalada goobtaasi oo cakirayd iyo ciidamada dowlad oo rasaas afarta gees u furay .

Maaha markii ugu horaysay oo sidan oo kale qarax miino loogu gaysto qaar ka tirsan ciidamada Dolwada KMG ah ,asbuucii dhamaaday dabayaaqadiisii ayay ahayd kadib markii gaari nooca loo yaqaano cabdi bilha qrax miino oo nooca rimuudka ah loogu gaystay wadada dheer ee school boolisiya halkaasoo la sheegay inay ku dhinteen i ka badan afar askari iyo weliba dhaawacyo kale .

Ciidamo Kale Oo Ka Socda Wadamada Ugaandha Iyo Burundi Oo Maanta Kasoo Degey Garoonka Muqdisho.

Ciidamo Deeraad ah oo ka socda ururka midowga afrika ayaa maanta kasoo degey garoonka caalamiga ah aadan cadde ee magaalada caasimada ah ee muqdisho .

Ciidamadan ka socda ururka midowga afrika ayaa isugu jirtay ciidamo ka socda dalka Ugaandha iyo weliba ciidamo ka socda dalka burundi ,kuwaasoo watey shixnadahooda hubeed ee kala duwan islamrkaana ay halkaasi kusoo dhoweeyeen ciidamadii hore ee ka joogay dalalkaasi burundi iyo ugaandha oo ka jooga ciidamadii ay hore u sheegeen inay keenayaan dalka soomaaliya wadmada midowga afrika.

Afhayenka Ciidamada AMISOM Col, ba-hoku brigye ayaa saxaafada u xaqiijiyey In ay kasoo degeen garoonka magaalada Muqdisho ciidamo ka kala socda wadmada burundi iyo weliba ugaandha isagoo afhayeenku uusan cadayn tiradooda ciidan iyo inta ay kooban yihiin .

Sidoo kale afhayeenka ayaa intaasi raaciciyey inay ciidamadani qayb ka yihiin ciidamadii loogu tala galay ee nabad ilaalinta midowga afrika ,islamarkaana uu sheegay inay dhowaan soo dhamays tirmi doonaan ciidamada loogu tala galay nabad ilaalinta soomaaliye ee wadamada midowga afrika ka socda .

Si kastaba ha ahaatee ciidamada AMISOM ee ka socda wadamada midowga afrika ayaa waxaa magaalada Muqdisho hore u joogay ciidamo tiradooda lagu qiyaasay 1800 oo askari oo ka kala socda wadamada Uganda iyo Burundi oo la sheegay inay qayb ka yihiin ciidamada ururka midowga Afrika uu ugu tala galay in la keeno dalka soomaaliya taasoo aysan weli waxba ka bedelin amaanka iyo xasiloonida magaalada muqdisho .

Col:Nuur Cadde Oo Sheegay Inuu Xal U Raadinayo Khilaafka Siyaasadeed Ee Soomaaliya Ragaadiyey

Raysal wasaaraha dowlada FKMG ah ayaa xili uu ka hadlayey idaacada British Broadcasting Corporation ka sheegay inuu wax ka beli doono siyaasadii hore ee raysal wasaarihii ka horeeyey cali geedi islamarkaana soo dhoweyn doono xoogaga mucaaridka ee diidan siyaasada dowlada FKMG.

Nuur Cadde ayaa sheegay xili ay su,aalo dhowr ah ay kaga imaanayeen dadwynaha soomaaliyeed inuu wax ka bedeli doono xaalada siyaasadeed ee dowlada KMG ah islamrkaana uu dhowaan imaan doono magaalada muqdisho si uu ugu kuur galo xaalada murugsan ee haysata dadka shacabka ah waa siduu hadalka u dhigaye .
Raysal wasaare nuur cadde ayaa kaloo la weydiiyey xiliga ay ciidamada xabashida ee dalka ku sugan ay ka bixi doonaan islamarkaana ku jawaabay waxay ciidamada ethiopi ka bixi doonaan dalka soomaaliya marka ay dadka soomaaliyeed isu yimaadaan oo ay heshiiyaan.

Nuur cadde ayaa sidoo kale xusay inuu jagada ka degi doono mar su,aal ahayd la weydiiyey jagada ma uga degaysaa hadii ay mucaaridka dowladu ay ku xujeeyaan inaad jagada raysal-wasaaranimo uga degto isagoo intaasi sii raaciyey waan ka degayaa hadiiba uu dalka soomaaliyee nabad noqonayo.

Dhanka kale Col nuur Cadde ayaa u muuqda nin ka duwan siyaasiyiinta soomaaliyeed ee xiligan taasoo uu ku kasbanayo Taageerada ugu xooga badan ee Shacbka Soomaaliya Waa Hadii Uu Ku Socdo Siyaasada Hada Laga Dhadhaminayo hadaladiisa iyadoo xeel dheerayaal soomaaliyeed ay durba ku tilmaameen inuu oqon karo Siyaasi Xal U Hela Qilaafka Soomaliya ka dhex aloosan mudo ka badan 16-sano

yaasiin faytin
faytin@live.com
yaasiinfaytin@hotmail.com


Barnaamijkii Radio Xoriyo
19 January 2008.

Gumaysiga oo kordhiyay cadaadiskii dadwaynaha.
Bannaanbax Itobiya ka dhan oo ka dhacay London
Itoobiya oo diiday astaynta xadka u dhaxeeya iyada iyo Ereteriya.

======================

Gumaysiga oo kordhiyay cadaadiskii dadwaynaha.

Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa si wayn u kordhiyay cadaadiskii iyo dhibaatooyinkii ay ku hayeen dadwaynaha Ogaadeenya. Ciidammada gumaysigu waxay cadaadiskan kordhiyeen xilli la galay Jilaal adag oo saamayn wayn ku yeeshay nolosha dadwayne badan oo ku nool qaar badan oo ka mid ah gobollada dalka Ogaadeenya.

Ciidammada gumaysiga ayaa hadda billaabay inay fadhiisimo ka samaystaan ilaha biyaha, sida Ceelsha iyo Baraagaha ay dawaynuhu ku nool yihiin. Dhibaatooyinkan ayaa la sheegayaa inay badi dalka saamyeen, hase yeeshee meelaha ugu sii daran waa gobolka Doollo iyo qaybo ka mid ah gobolka Qorraxey.

Ciidammada gumaysiga ayaa dadwaynaha ku soo rogay amar ku baaqaya inaan goobaha biyaha haba yaraatee wax biyo ah laga qaadi karin, iyagoo mamnuucay in gaadiidka dalka laga isticmaalo, sida Awrta, Dameeraha iyo Gawaadhida lagu qaado wax biyo ah.

Ciidammada gumaysigu waxay sidoo kale sii xoojiyeen xayiraadii ay dalka ku hayeen, iyadoo wax gaadiid ah, mid xoolaad iyo mid baabuur-toona, ayna dalka soo gali karin, gudaha dalkana ayna u kal gooshi karin.

Ciidammada gumaysigu waxay sidoo kale gacanta ku dhigeen raashiinkii iyo kaalmooyinkii kale ee hay’adaha caalamiga ahi keeneen, iyagoo mamnuucay in kaalmooyinkaas dadwaynaha loo qaybiyo. Waxaa kaalmooyinkaas loo isitcmaalaa cadaadiska dadwaynaha oo kaliya.

Waxay ciidammada gumaysigu sidoo kale cadaadis iyo xayiraad ba’an ku hayaan hay’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan, kuwaasoo la ugaadhsado, isla markaana lagala dagaallamo inay hawlohooda samafal qabsadaan.

Dhinaca kale waxaa dalak Ogaadeenya hadda ku sugan wafti reer galbeed ah oo ay la socdaan suxufiyiin caalami ah, kuwaasoo ku talajiray inay dalkoo dhan soo maraan, isla markaana u kuur-galaan xaaladda ba’an ee dalka ka jirta. Hase yeeshee waftigaas hawshii uu u tegay wali ma guda-galin, iyadoo xukuumadda Wayaanuhu ay u diidan tahay inay ka hawlgalaan arrimaha xuquuqul insaanka iyo dhibaatooyinka dadwaynaha lagu hayo, waftiguna uu ku adkaysanayo inuu hawshaas galo.

Bannaanbax Itobiya ka dhan oo ka dhacay London

Maalintii Arbacada ahayd ee bisha Janaayo 16ka ahayd waxaa magaalada London ee dalka Britain ka dhacay bannaanbax wayn oo looga soo horjeeday xukuumadda Wayaanaha.

Bannaanbaxan, oo ka dhacay ka soo hoorjeedka xafiiska ra’iisal wasaaraha Britain, waxaa soo qabanqaabiyay Golaha Nabadda iyo Xsilloonida Geeska Afrika, waxaana ka soo qayb galay dad u fara badan.

Golaha Nabadda iyo Xsilloonida Geeska Afrika waa Gole ay ku bahoobeen dadyowga ka soo jeeda Ogaadeenya, Oromiya, Eritereya, Soomaaliya iyo Amxaara, wuxuuna ka shaqeeyaa sidii uu beesha caalamka uga dhaadhicin lahaa gumaadka iyo cadaadiska ay xukuumadda Wayaanuhu ku hayso dadyowga ku dhaqan gobolka Geeska Afrika.

Bannaanbaxayaashu waxay wateen boodhadh waawayn oo ay ku qoran yihiin hal ku-dhagyo lagu dhaleecaynayo cadaadiska iyo gumaadka ay xukuumadda Wayaanuhu u gaysato qowmiyadaha ay gumaysato iyo qaska iyo xasillooni darrada ay ku hayso dalalka deriska la ah, sida Soomaaliya iyo Eritereya.

Bannaanbaxayaashu waxay gabagabadii bannaanbaxan warqad cabsho ah u gudbiyeen xafiiska ra’iisal wasaaraha Britain, iyagoo dowlada Britain ka codsaday inay joojiso deeqaha ay siiso xukuumadda Wayaanaha oo ku can baxday cadaadiska dadwaynaha iyo cabudhinta xorriyada iyo dimuqraadiyada.

Itoobiya oo diiday astaynta xadka u dhaxeeya iyada iyo Ereteriya.

Xukuumadda Itoobiya ayaa khamiistii mar kale ku gacan saydhay in la dhammeeyo khilaafka xadka ee iyada iyo Eritereya. Xukuumadda Wayaanuhu waxay diiday in la asteeyo xadka ay la wadaagto Eritereya, waxayna diidmadan ku dhawaaqday, ka dib markii ay dowlaga Eritereya arbacadii ku dhawaaqday inay diyaar u tahay in la billaabo astaynta xadka.

Itoobiya waxay diidanayd in la asteeyo xadka la isku khilaafsan yahay, oo dherarkiisu dhan yahay in ka badan 1000 km, tan iyo markii uu guddiga Qaramada Midoobay go’aamiyay sannadkii 2002 in magaalada Badme la siiyo dalka Eritereya.

Dowlada Eritereya waxay arbacadii sheegtay inay go’aanka guddiga aqbashay, waxayna xukuumadda Wayaanaha ugu baaqday inay ciidammadeeda kala baxdo dhulka Eritereya.

Afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha dibada ee xukuumadda Wayaanaha ayaa sheegay in go’aanka guddigu uu yahay wax aan jirin, isla markaana aan la aqbali karin.

Dowlada Eritereya ayaa marar badan ka digtay in xukuumadda Wayaanuhu ay qorshaynayso weerar ay ku qaado dalka Eritereya. Dadka faalleeya xidhiidhka Eritereya iyo Itoobiya ayaa iyaguna ka cabsi qaba in dagaalkii labada dhinac dhex-maray uu mar kale dib u qarxo.

19 January 2007

Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 19, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com