SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Ladagalanka gumeystaha iyo dabadhilifka

  • Cabdiweli osman jimale

Gumeysiga Xabashida iyo kuwa dabadhilifka ahi ee sheeganayo in eey yihiin dowlad somaliyeed ee hadana maxadka ahi dalka iyo gumeeystaha kusoo duulay wadanka somalia ma astaahilaan wax xurmo ah
sida aan wada ognahay Soomaalidii horena waxaa lagu yiqiin anshax wanaag, wadan jacel iyo dheg xumo diid. iskastoo hadaba aan ladhihi karin somalia maanta waa dabadhilif sida muuqato oo looladirirayo gumeeystaha iyo dabadhilifkiisa.

Laakiin kuwa maanta sheegatay in eey yihiin ama eey hayaan hogaanka somalidu maxaa kaqaaday damiirka iyo daddnima iyo wadanjeclka
Waxay ahayd 24 bishii December 2006, kolkii dagaal ooge Abdullahi Yusuf, Cali Mohamed Ghedi iyo damiirlaawayaal kale oo Soomaali sheegta ay dalka Somalia oo alle barakeeyay kuna manaystay nibcooyin farabadan ay gacanta u galiyeen gumeysiga madow ee Xabashida iyo xulafadeeda taasoo kentay halaagyo baahsan oo naf iyo maalba leh.

Dhacdadaas gumeysiga Xabashida iyo dabadhilifyadeeda kagadaal, magaalada Muqdisho iyo koonfurta dalka Somalia, waxaa si xooli leh oga socda oloole gumeysi diidnimo ah iyo dagaal ay wadaan geesiyaal Soomaaliyeed oo iyagu naftooda u hibeeyay in Somalia dib looga xoreeyo gumeysiga Xabashida iyo dabadhilifyada u adeega iyagoo Markaasi xaq ku taagan islamarkaasna huba in alle guusha siin doono.
waxaana muqadas ah in lala dagaalamo sida Tigreega dalka kusoo duulay. Waxaa waajib ah in umadu fahamto in gumeysiga Xabashida iyo canaasiirta u adeegtaa Sida daddka mas,uliyiinta sheeganayo ee hogaaminayaa dalka iyo daddka aan laga filayn habayaraatee in wax wanaag iyo khayr ah ay u keenaan daddka iyo dalka eeaay marka usheeganayaa in eey mas,uulkayihiin umadda Soomaaliyeed.

Sidaas daraateed, waxaa waajib ah in isku meel looga soo wada jeesto dalkana iyo daddka laga xoreeyo.Gumeeysiga aay usoo horseedeen dabadhilifka ushaqeeyo gumeeystaha
Haddaba lix bilood ayaa kasoo wareegtay markii ciidamada Tigreega oo kaashanaya Niman calooshood u shaqaystayaal iyo dabadhilifyadoodu ay gacanta ku dhigeen magaalada Muqdisho, Kismayo iyo meelo kale oo Somalia kamid ah. Laakiin hadda waxaa siweyn u muuqata in ciidamada Tigreega iyo kuwa dabadhilifyadoodu ay u Taag layihiin kacdoonka umadda Soomaaliyeed oo wacad xoogan ku maray in jihaad cad ay la galaan dalkana ay ka xoreeyaan doonaa gumeysiga Xabashida iyo canaasiirta dabadhilifka u ah

Ummadda Soomaalida waxaa lagudboon meel ay joogaanba in mowqufkooda midayaan oo wadaninimo iyo Islaanimo lagaqaato gumeysiga Xabashida iyo dabadhiliyada iyo mooryaanta Soomaalida sheegta oo uu ku shaqaysanayo gumeeystaha

Walaalaay waxaad ogaataan dabadhilif iyo mooryaan in ay yihiin kansar aan dawo lahayn, gumeysiga Tigreeguna waa mariidka kansarku halka uu kasoo butaaco ! Gumeysi iyo Gobanimo waa wax kala fog !


W/Q Dayar ah oo waxa kaqori xaalada somaliya eey kusugantahay mar waliba

Mr abdiweli osman jimale
andrew_good_man@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com