SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

CAMBAAREEYNTA TACADIYADDA GUMEEYSIGA IYO SHAQAALIHIISA

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda iyo
Cadaaladda Codka nool ee Ummadda,Difaaca qadiyada xaqa ah
Illaaliyaha Xuquuqdda iyo xoriyadda Muwaadinka Somaaliyeed,
Ma Seexdayaasha Isha ku haya Tacadiyada iyo xadgudubyadda
eey geeysanaayaan Ciidanka Gumeeysiga Itoobiya iyo Raxanta
Cawaanta(Shaqaalaha Isticmaarka).

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu halkan Caambaareeyn
Culeeyskeeda leh uga soo jeedinaayaa Hogaanka Keli-taliska
ah ee Addis Abba duulimaadka Gardarada ku qabsaday Dalka
Somaaliyeed sida joogtada ahna ku Gumaadaayaa Shacabka
Rayidka:-Haweenka,Caruurta iyo Dadka Waayeelka ah,Boobka
iyo Burburiinta Hantida,Afduubka Shakhsiyaadka Qiimaha weyn
leh:Culimaaudiinka,Aqoonyahanka,Ganacsatada iyo Guud ahaan
Shakhsiyaadka In-dheer garadka ah,Bara-kicinta Ilaa 2 Malyuun
oo Qof iyo Xaaladaha Fara-xumeeynta Haweenka Somaaliyeed.


Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu Cambaareeynaayaa sida
Masuuliyada darada,Garasho xumadda ah,Damiirlaawe-nimo oo
eey Bulshadooda Xasuuqaayaan kuwa lagu sheego Ciidanka oo
ah kuwa wata Magac Somaaliyeed,laakiin runtii ah Shaqaalle
Rakhiis ah,Gumeeysi raacayaal,Doortay gun-nimadda iyo ku soo
Jirka Heeryadda foosha ee Gumeeysigga Itoobiya,Dowlad ku
Sheega Maqaar saarka ah ee C/Laahi/Madoobe/Cadde Hogaanka
Ceebta,Sharaf daridda iyo Quursi qaatayaasha ku faraxsan dilka
iyo fara-xumeeynta Haweenka Somaaliyeed-Taariikhdana Bog
Madoow,Bog ceebeed ka galay,ku dameeyn doona Soo Taagidda
Maxkamad Caalami ah-Maxkamadda Gabood Falka.
Arligeygoow

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu si buuxda u taageersan-
yahay Xoogaga Mujaahidiinta Somaaliyeed,Geesiyaasha Xaqa u
Diriirka Halganka Qaraar kula jira Ciidamadda Gumeeysigga iyo
Cawaanta Maryo Calasta ah,Waxaanu si cad u qimeeynaa Xaqa
Shacabka Somaliyeed u leeyahay Difaacida Diintiisa,Dalkisa iyo
Karaamadiisa Ummadeed,Waxaa Qeexaaya Shareecada Diinta
Islaamka,Xeerarka Caalamiga ah(Curufka Qaramada Midoobeey)
Iyo Xurmadda Basharka,Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu si
Cad u Qiraayaa in Hogaanka Halganka Dib u Xoreeynta Dalka
Yahay:-Ururka Dib u Xoreeynta ee wuu Hogaamiyo Halyeey-Sh.
Shariif Sh.Axmed,Dhammaan Kooxaha kalle ee Mujaahidiinta
Somaaliyeed yihiin kuwo Urur Weynaha hoos Yimaadda.


Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey ka xun yihiin Talaabada
Mujrim-nimo,Gacan ku dhiigle-nimo ee Rajiimka Zanaawi eey ku
Khaarijiyeen Halyeey-Odey Axmed Diiriye iyo Boqolaal dhigiisa
ahaa oo Qiimo weyn ugu fadhiya Ummada iyo Qaranka Somaliya
waana arrin lagu xisaabtami doono Adeegayaasha Baydhaba ku
ah Maxaabiista iyo Keli-taliye-Zanaawi iyo Guud ahaanba inta
Gacanta ka geeysateey dhibaateeynta Shacabka Somaaliyeed.


FIIRO GAAR AH:-Waxaanu ku boorineeynaa Jaaliyadda
Somaaliyeed ee ku dhaqan Dalkan UK intooda Damiirka nool
iyo Qiiradda Wadaniyadeed leh,kana Gubanaaya Dhibka ka
Dhacaaya Dalkeena Hooyo,ka Qeyb qaadashadda banaan-
Baxa weyn oo ka Dhacaaya Magaalada London 16/01/2007
Maalinta Arbadda eey ka qeyb qaadan doonaan Dhammaan
Jaaliyadda Geeska Afrika, looga soo horjeeyo Nidaamka iyo
Tacadiyada Rajiimka Addis Abba fadhiya-Goobtu waa Berta
ka soo hor-jeeda Aqalka Barlamaanka Saacaduna-12.00 ilaa
16.00 Galabnimo.

-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda iyo Cadaaladda-
-England-UK-12/01/2007-
sharifhassan50@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com