SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - K/AFRIKA
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

MADAXWEYNAHA INTERPOL, AHNA TALIYAHA POLICEKA K/AFRIKA OO SHAQADA LAGA FARIISIIYEY SI KMG AH , DACWADNA LAGU SOO OOGEY.

JACKIE SELEBI, WAA TALIYAHA POLICEKA K/AFRIKA, IYO MADAXWEYNAHA POLICE-KA ADUUNKA INTERPOL, MAANTA AYAA SI KUMEELGAAR AH SHAQADII K/AFRIKA LOOGA FARIISIIYEY, IYADOO MAALMO GUDAHOOD EEY MAXKAMADI KU BILAABANAYSO. __KIISKA Selebi WAA MID LEH XASAASIYAD SIYAASADEED.

Jacob "Jackie" Selebi
Sawirka:
www.thetimes.co.za

1—Mbeki kabob kooyo ah kumaa u iibshay??
2--- Selebi saaxiibkiis waa kuma, maxana lagu heystaa???
3--- Kiiska Selebi iyo siyaasada maxaa kala quseeya???

Sida uu maanta (Jan 12, 2008) ka sheegey shir jaraa’id oo lagu qabtey madaxtooyada K/Afrika, madaxweynaha dalkaasi Thabo Mbeki, taliyaha police-ka Jackie Selebi ayaa si kumeel gaar ah xilkii looga qaadey (fasax dheer=extended leave), isla markaasna booskiisa la geeyey nin si kumeel gaar ah u haaya jagadaasi (,Timothy Charles Williams).

Mbeki oo daqiiqado kooban la hadlayay darsino saxafiyiin ah oo si hantaag ah iyo halhaleel ah afkiisa warka oga koobinayay, ayaa sheegey in Selebi uu isagu qudhiisa sidaasi ka codsaday in fasax la siiyo, si buu yiri dacwadeyntiisa eeysan hagardaamo ugu noqon shaqada ciidamada amaanka dalka, islamarkaasna eeysan magac xumo ugu soo jiidin xoogaga police-ka. Mbeki oo aad afkiisa oga dhowrayay hadal qadaf ah oo si kale eey saxaafadu u fasirato, ayaa 4 su’aal oo kaliya ogolaadey in uu ka jawaabo, 4tii wariye ee fursada u heshay in eey su’aalaha weydiiyaan ayaanan waqti badan kaga lumin in eey afka ku balbalaariyaan weydiimaha baddaha harqinaya (tiradooda kaliya). kuwooda ugu xasaasi-san ee sanooyinkanba saxaafada dalkani bogaga hore eey kusoo daabacaysay, su’aalaha la weeydiiyey ayaa waxaa ugu xiiso badnaa mid quseysay isla Mbeki, oo aheyd “MUDANE WAXAA LA SHEEGEY IN NINKA MAFIYADA AH EE XUKUMAN EE Selebi LAGU HEYSTO IN UU XARIIR LA LEEYAHAY UU ADIGA KUU GADAY KABBO KOOYO AH, MA JIRTAA ARRINTAASI???”. Markii su’aasha eey wariyaha afkiisa kasii dhamaanaysay ayaa hoolkii oo dhan qosol jaanta la rogey, oo xittaa Mbeki aya qosley, wuxuuna ku jawaabay “ANIGA MA GARANAYO HALKA AGLIOTI UU KABO IIGI GADAY, IYO HALKA AN KU KULANAY, MALAHA ADIGAA XOG KA HAAYA” ,

Arrintani kabaha kooyada ku saabsan ayaa waxay ku jirtey qoraalo uu maxkamad usoo gudbiyey ninka cadaanka ah, ee lagu heley dambiga ah in uu daroogada (maandooriyaha) ka ganacsado, ee lagu magacaabo Glen Aglioti ee iminka Selebi lagu heysto in eey saaxiibo ahaayeen, TV-ga E_TV ayaa baahiyey muuqaalo muujinaya Mbeki oo soo dhaweynaya madaxweynaha dalka Congo Kabila oo xirran kabob aad ugu eg, nooca kabbaha uu Aglioti sheegey in saaxiibkiis Selebi uu isaga ugu iibiyey saaxiibkiisa kale ee Mbeki.

Selebi ayaa wajaha maxkamadayn, balse isaga oo jeebeysan ma imanayo maxkamada, ee waa la war galinayaa oo kaliya, waa mushaari oo waa nin shaqo fasax ciidan ku jirra illaa maxkamadu eey dambi ku heleyso. Dacwada lagu heysto ayaa ah in uu ku lug leeyahay kooxo burcad ah oo abaabulan oo mafia aduunka oo dhan ka shaqaysa, musuq wax is daba marin iyo difaaca dhamaadka ama gunaanadka sharciga oo la fulinaya. Arrinta ugu weyn ee cadayta la oran karo ee Selebi lagu haayo ayaa waxaa ka mid ah in uu si cad saxaafada oga qirtey in uu saaxiib la yahay ninka cadanka ah eek u xukuman maandooriye ka ganacsiga Glen Aglioti, eeyna ku socoto dacwad ku saabsan dilka nin bilyan dheer ahaa oo la oran jirey Brett Cabble oo la qaarijiyey sanado ka hor.

SELEBI IYO XASAASIYADA SIYAASADEED.

Dhowr jer ooh ore ayaa la’siku dayay in Selebi la maxkamadeeyo oo loo jaray waaran xarig, hase yeeshee markasta Mbeki ayaa eryayay xeer-illaaliyaha guud ee markaasi waaranka jara, midi ugu dambeysay Selebi ayaa waxaa waaran xarig u jaray bishii 9aad ee 2007 Vusi Pikoli oo ahaa Xeer-illaaliyaha guud, (Mbeki oo aan ka warqabin), isla markii laga war heley Mbeki ayaa xilkii ka eryey, waana goortaasi marka eey arrinta Selebi eey circa isku shareerytay oo noqotey arrin xasasoyad siyaasadeed leh eey noqotey, waayo hey’ada xeer –illaalinta ee NPA (national prosecuting authority), waa hey’ad uu Mbeki sameeyey, waxaa ka hoos shaqaysa NPA hey’ad kale oo sida FBI_da u shaqaysa oo la yiraahdo SCOPION (dib qalooc), labbadani hey’adoodna waa kuwa hogaanka u hayay kiiska (dacwad), Zuma .

Sidaasi darteedna waxaa Mbeki lagu eedeyey in uu hey’adaihii garsoorka qaranka u adeegsanayo dadka eey siyaasad isku hayaan, kuna difaacayo kuwa eey xulufada yihiin sida Selebi oo kale.. malaha arrinta kasii muhiimsaneyd ayaa ah markii isla hey’adahaasi eey dacwad musuq kusoo oogeen Zuma oo hadda ah madaxweynaha xisbiga talada haya ee ANC 7 maalmood uun kadib markii uu Mbeki xilkaasi doorasho kaga guuleystay, iminka oo xiligaasi laga joogo 10 bari umbaa eey NPA sheegtay in Selebi uu maxkamad korayo (wallow aan waqti wali loo qaban), mar kale malaha arrinta taasi kasii xiiso badan ayaa ah in sargaalkii ugu sareeyey ee gacanta ku haayey baaritaanka dambiyada Selebi lagu heysto xabsiga lasoo dhigey oo 20 ciidanka police-ka oo aad u hubeysan eey ka kaxeeysteen gurigiisa hortiisa (ciyaalkiisa iyo xaaskiisa oo daawabnaya), sargaalkani ayaa ka mid ahaa hey’ada Scopion oo madax oga ahaa gobolka Guateng, waxaana ku socota hadda maxkamada dacwad la xariirta in uu shirqiik u maleegayay rag asxaabtiisa ah oo uu sharciga isagooo ku gabanaya baaritaano ku waday.

Dhanka aduunka, ninkani waa madaxweynaha police-ka aduunka INTERPOL , mar Mbeki la weeydiiyey sida eey arrintaasi u saameynayso shaqo ka fariisiga Selebi ayuu sheegey in taasi uusan isagu shaqo ku lahayn oo INTERPOL eey u taalo, oo iaydu eey xilkaasi u dooratay, iyada eey tahay in talaabo eey ka qaadato, Interpol ayaa iyada lafteeda laga soo xigtey in ey tiri ku dagdagi meeyno wax hadal ah, markii eey wax kala cadaadaan ayaan go’aan ka gaari doonaa.

C/NASIR AXMED. SAXANSOXO Email: saxansoxo1@hotmail.com, Johansburg, South Africa.

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com