QUURSIGU QIIL MA LEEYAHAY
Maqaalkani wuxuu tixraacayaa shir bishan Luulyo 10keedii lagu qabtay
Jaamicadda Minnesota qolkeeda shirarka ee Willey Hall kana soo qayb galeen madax
siyaasadeed , aqoonyahanno, culamada diinta, suugaan yahanno iyo dadweyne kale
oo faro badan. Shirka oo mawduuciisu ahaa “Quudhsigu Qiil Ma Leeyahay”, ahaana
kii labaad ee lagu qabto isla goobtaa, waxa lagasoo jeediyey aragtiyo kala duwan
oo ku saabsan habkii ama sidii loo tirtiri lahaa caadada facaweyn ee dulmiga iyo
quudhsiga ku saleysan ee lagu hayo qaybo laxaadle oo ka mida bulshoweynta
Soomaaliyeed.
Haddaba qoraha maqaalkan waxay la tahay haddii la rabo in la tirtiro caadadaas
fooshaxun ee diinta iyo dhaqanka hufanba kasoo horjeedda, waa in marka hore la
helo sidii ay caadadu ku timid iyo sababta ay intaasoo qarni ugu xididdaysatay
bulshada Soomaaliyeed.Sideedaba, caado xumi waa jirro jirrana daawadeeda lama
helo haddii aan baaritaan lagu samaynin lana ogaanin sida iyo meesha ay ka
timid.Markaa intaanan aragtideyda ka jeedinin dawada jirradaas, marka hore
waxaan isku dayayaa inaan aragtideyda ka dhiibto sidii ay caadadan fooshaxun ee
faca weyni billowgii ku timid.
Adduunka aynu ku noollahay, waxa hore ugu jirijiray ama haddaba ka jira noocyo
kala duwan oo ah quudhsi qabiil, mid jinsiyadeed ama mid qarana. Sida ay u badan
yihiin, quudhsiyadaasi waxay u kala baxaan afar nooc:
1. Quudhsi ku yimid xoog sheegasho badheedha oo keentay gumeysi qaran ama
qabiil. Tusaale: Gumeysigii ay dalalka reer Yurub qaarkood ku gumeysanayeen
dalalka adduunka qaarkood.Tan heer qabiil ahna waxa ka mida gumeysiga iyo
quudhsiga ay qabiilka Tutsi-ga ee deggen labada dale e Rwanda iyo Burundi ku
hayn jireen qabiilka kale ee la dhaho Hutu-ga. Balse iyaduba waa yaabe, qabiilka
Masai-da ee dalka Kenya waxay quudhsadaan iskalana weynyihiin qabiilooyinka kale
ee dalkaas inkastoo ay iyagu manta ugu liitaan uguna dambeeyaan xagga horumarka.
2. Quudhsi xirfadeed: Waxa la ogsoon yahay in dalaka adduunka qaarkood oo ay
Soomaaliya ku jirto uu weli ka jiro quudhsi xirfadeed kaasoo lagu quudhsado
tumaalaha,ugaarsatada, dherileyda iyo xataa beeraleyda
3. Quudhsi midab: Waxa laga warqabaa in dalal badan oo adduunka ah uu ka jiro
quudhsi midab Inkastoo kan qudhigiisu uu Soomaaliya ka jiro, waxa si gaara ugu
can baxay dalalka Koonfur Afrika iyo Mareykanka oo dadka midabka caddi ay ku
quudhsadaan dadka madow iyo kuwa kale ee aan caddaanka ahayn.
4. Quudhsi ku yimid xeer dhaqan: Noocan quudhsiga qoruhu wuxuu aaminsan yahay
inuu Soomaalida ku gooni kana jirin dal kale oo addunka ah. Sababtu waxay tahay
qabiilka loo yaqaan Midguhu sinaba ugama duwana wayna la dhasheen qabiilooyinka
kale ee Soomaaliyeed waxase keenay gumeysiga iyo quudhsiga qoorta loo suray
xukun qhaqan oo xeer galay.Waana qodobkan ka maqaalka intiisa kale ku saabsan
tahay.
Bal horta aan ku billaabee, magaca midgaan waa magic qabiil ee maaha xumaan iyo
cay. Nasiib darro ilaa hadda ma jiro qof ku guuleystay inuu sheego macnihiisa,
haseyeeshee, taas wuxuu la qabaa magacyada qabiilooyinka kale oo aan weli la
garan macnahooda. Tusaale: Hawiye, Daarood, Isaaq(maaha Isxaaq), Gelledi,
Jejeelle, Udaajeen, Gugundhabe, Arab, Kablalax iwl. Waxay cay u ekeysiiyey
magaca Midgaan waa quudhsiga joogtada iyo midiidinnimada la baday reerka. Midda
kale, Midguhu waa qabiil isbahaysi ku dhismay sida qabiilooyinka kale ee
Soomaalida ee maaha reero abtirsiin wadaaga.
Sida culumada taariikhdu qabto, ummadaha taariikhdooda waxa loo baaraa afar qaab
oo kala duwan:
1. In la derso wixii qoraallo ah ee hore looga qoray
2. Dhul-qodis cilmi baaris (archeology)
3. Taariikhda ummaddu afka iskaga gudbiso sida sheeko xariirrada iyo suugaanta
kale(oral history)
4. Afka ummadi ku hadasho oo ereyadiisa la derso lagana raadiyo dhaqammada hore
ee ku duugan (Historio-linguistics)
Haddaba, kol haddii ayna Soomaalidu lahayn wax taariikha oo qoraala oo ay
awoowyadood usoo gudbiyeen,isla markaana baaritaanka degaamada dhulka lagu
sameeyey ay aad iyo aad u koobnaayeen, meesha qudha ee laga raadin karo
taariikhdoodii Islaamka ka horreysay waa afka Soomaaliga ereyadiisa iyo sheeko
xariirradiisa.
Sida ku cad sheeko xariirrada Soomaalida, gaar ahaan tan gobollada woqooyi iyo
gobolweynaha Somaalida ee Itoobiya, Soomaalidu waagii hore waxay isu barbar
tiillay Aji iyo Midgo. Taas macnaheedu wuxuu yahay waqti fog oo qarniyaal badan
laga joogo ayaa qabiilooyinka Soomaaliyeed ee aan ka ahayn Midgaha waxay
samaysteen isbahaysi la magac baxay Aji. Waxa la ogsoon yahay in mar walba oo
qabiilooyin kala duwan oo Soomaaliyeed ay isbahaystaan, waxay iska bahaysan
jireen colaad. Marna isbahaysi nooc kale ihi ma dhexmarin qabiilooyin
Soomaaliyeed. Marka inta la ogyahay, isbahaysigaas ajiga waxa lagula dagaalamay
Midgaha oo waqtigaas ugu cudud weynaa qabiilooyinka oo ku amar ku taagleyn
jiray. Waxa kale ee iyaduna xusuus mudan in qabiilka yibruhuna waqti lasoo
dhaafay ay ku amar ku taagleyn jireen degaamada Soomaliyeed. Sida muuqata,
dulmi-falka Yibraha ayaad mooddaa inuu ka dambeeyey kan Midgaha sababtoo ah
dadku weli waxay xusuusan yihiin magicii boqorkooda oo la oran jiray Bucur
Bacayr iyo sheekooyin la xiriira falalkiisii fooshaxumaa.
Sida taariikhda qorani ay muujineyso, qarnigii 17aad ayey qabiilooyinka
Soomaaliyeed mar labaad soo nooleeyeen isbahaysigoodii ahaa Ajiga Markan waxay
kula dagaallameen dowladdii Ajuraanka ee waqtigaas ka talineysay inta badan
degaamada Soomaalida.Marka Saddexaad ee uu isbahaysigaasi shaqeeyey wuxuu ahaa
qarnigii 19aad oo lagu jebiyey Oromadii degganeyd dhulka jubbooyinka.
Haddaba sida ka muuqata dhaqanka Soomaalida ee waajahan Midgaha, waxa muuqata
markii ajigu jebiyey in lagu soo rogay xeer u diidaya inay meel wada degaan ama
xoolo yeeshaan, taasoo ku qasabtay in la qaybsado iyo inay ugaarsi ku
noolaadaan. Waxa kale ee xeerka lagu gooyey inaan wax xiditinnimo ah ayna dhex
mari Karin iyaga iyo qabiilooyinka kale ee Ajiga.
Haddaba marka aynu intaa kasoo gudubno, su’aasha manta taagani waxay tahay
xeerkaa quudhsiga ee aynu soo sheegnay manta qiil ma leeyahay? Haddii aan wax
kaleba la eegin, caqliga saliimka ayaaba ku tusaya in dambi waliba uu leeyahay
ciqaab muddeysan. Caddaaladda ilaahiga iyo tan dadku sameysteen midna ma oggola
ciqaab boqolaal sano iska socota oo aan dhammaaneyn. Waana sidaas awgeed sababta
aanuu manta quudhsigu wax qiila u lahayn oo uu ku salaysan yahay badownimo,
macangagnimo, jaahilnimo iyo weliba dhaqan gaalnimo ( caado jaahiliya).
Sida uu Cabdirasaaq Xaaji Xuseenba ka yiri shirka, anigana ay ila tahay,
caadadaa fooshaxun ee quudhsiga ihi waxay toos ugu xirantahay nidaamka
qabyaaladda ee Soomaalidu ku dhaqanto, wayna adagtahay in la tirtiro inta aynu
isu qabiil sheeganayno. Qabyaaladda fooshaxumi waa tan ku shaqaysa isla-weynaan
beena, raga iska dhici, sadbursi hel iyo rag waran baa kaa reeba ee weedhi kaama
reebto. Qorahan waxay la tahay Soomaali oo dhan baa jirran una baahan in la
daweeyo, la wacyi geliyo, wax la baro, la ilbixiyo, la islaamiyo laguna
hanuuniyo sidii ay noqon lahaayeen ummad casriya oo adduunka la saan qaadda.
Waxa iyaduna ammaan mudan si diirranna loosoo dhoweeyey oo uu soo jeediyey
Cabdirasaaq in dowladda ay Soomaali samaysan doonto lagu guubaabiyo inay xeerka
ummadda loo dejinayo (Dastuurka ku-meelgaarka) lagu daro qodob horumar gaara
lagu gaarsiiyo reeraha la quudhsado, oo la mida ama kasii xeeldheer kadalkan ka
jira ee loogu talagalay horumarinta dadyowga midabkale(Affirmative Action).
Waxase nasiib darro weyn ahayd in ku sheeganaya aqoonyahan suugaaneed uu shirka
u adeegsaday dano qabiil isagoo rajiimkii dhintay ee kelitaliska ahaa ku
ammaanay inuu horumar gaarsiiyey reerahaa la quudhsado. Haddii aynaan
is-yeelyeeleynin, rejiimku reeraha wuxuu u adeegsan jiray keliya inuu ku laayo
kuna tunto kuwa kasoo horjeeda ee iyaga wax la taaban karo uma qabanin. Waxase
hubaala “aqoonyahankaa”, oo ahaa dadkii rejiimku magaca u yeelay oo muufadiisuna
maraqa ku jirtay, inuuna manta qaxowti noqdeen haddii sida uu ku doodayo rejimku
uu ahaa mid wax hagaajinaya oo horumar innoo hogaaminaya.
Haddaba si loola dagaallamo loona yareeyo quudhsiga dulmiga ee lagu hayo
reerahaas walaalladeenna, waa in:
1. La sameeyo wacyigelin ballaaran oo xagga diinta ah, iyadoo marka hore
culumada diinta loo qabanayo aqoon isweydaarsiyo ay ku falanqaynayaan mawduuca
iyo istaraatiijiyada ay adeegsanayaan. Waa in si cad oo aan gabbasho lahayn
loogu sheego dadweynaha Soomaaliyeed in isquudhsiga qabyaaladeed uu yahay dhaqan
gaalaad uu Rasuulkii Ilaahay(Nabad iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee) si cad
innoogu sheegay. Dadka waxaba wacyigelin ugu filan iyadoo loo akhriyo qudbaddi
dardaaranka ahayd ee uu Nabigu u jeediyey ummadda islaamka xajkiisii ugu
dambeeyey (Xajul widaac), kuna tiiqtiiqsaday sinnaanta ummadda muslimka ah.
2. La qaado olole ballaaran oo suugaaneed iyo weliba warfaafineed oo dadweynaha
lagaga dhaadhicinayo xumaanta uu leeyahay quudhsigu iyo weliba sida uu
turunturro ugu yahay horumarkeenna dhaqan-dhaqaale.
3. Waa in waxa aynu sheegeyno daacad ka noqonnaa meelna ugu soo wada jeedsanna
ciddi guur ka hor joogsata wiil ama gabadh iyadoo ku saleyneysa caadadaa
gabowday ee fooshaxun
Gabagabadii, waxaan ku guubaabinayaa dadweynaha Soomaaliyeed in doodda
dhibaatada quudhsiga lasii wado iyadoo la adeegsanayo wargeysyada iyo noocyada
kale ee warfaafineed qof walibana ra’yigiisa soo gudbiyo.Quudhsigu waa cudur
bulsho ka hadalkiisuna wuxuu soo deddejiyaa dawadiisa.
Mr abdiweli osman jimale
E-mail: andrew_good_man@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 8, 2008
Madax ka Tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta
Soomaaliya oo si Diirran Loogu soo Dhaweeyey Magaalada Bermingham ee dalka
UK... Akhri....


|