SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ref GDH&MBH0069          ...... Date 07/01/2008

Ku: Beesha Caalamka

Ku: Hay’adaha udooda  Xuquuqda Qaxootiga

Ku: Ra’isulwasaaraha TFG-da 

Warsaxaafadeed

Ujeedo : Cambaareyn Barakicinta Cusub 
 

Iyadoo ay inta badan Shacabkii degenaa magaalada Muqdisho ka bara keceen kuna tabaaleysan yihiin daafaha magaalada Muqdisho iyo gobolada Dalka ayaa waxaa nasiib darro ah in Maamulka Gobolka Banaadir si mas’uulliyad xumo ah uu ku amro qaxoti Soomaaliyeed oo dhan 1700 qoys in ay 24-saac kaga baxaan kaamkii ay degenaayeen mudo 18-Sano ah (Ex-Dugsigii Sare ee farsamada Buulo-Tikniko), kuwaasoo markoodii hore ku bara kacay dagaaladii ahliga ahaa ee ka dhacay Soomaaliya. 

Sidaa darteed Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye wuxuu u arkaa barakicintaas arxandarada ah ee Maamulka Gobolka Banaadir kula  kacayo shacabkii ku haray Gobolka Banaadir in ay tahay mid ka soo horjeeda islaamnimada iyo hanaanka dowladeed oo ay tahay mid hogaamiye Kooxeednimo. 
 

Ugu dambeyn Golaha wuxuu ku baaqayaa :-

  1. In Beesha caalamka iyo hay’adaha udooda xuquuqda qoxootiyada il gaar ah ay ku eegaan barakicinta cusub ee uu Maamulka Gobolka Banadir sida joogtada ah ugu hayo shacabka Gobolka Banaadir.
     
  2. Waxaan ugu baaqeynaa Ra’isulwasaare Nuur Cadde in uu soo fara galiyo Barakicinta Cusub ee lagu hayo Shacabkii ku haray Gobolka Banaadir gaar ahaan Qoxootiga degen Buula-tikniko, iyadoo aysan dowladdu dib u dejin u sameynin.
     
  3. Sidoo kale waxaan Ra’isulwasaare Nuur Cadde ku dhaliilaynaa in uusan ka hadlin dhibaatooyinka lagu hayo shacabka Gobolka Banadir laga soo bilaabo magacaabistiisa, iyadoo arrinta Muqdisho ay maalinba malinta ka dambeysa ka sii darayso, taasoo sababta ugu weyn ay tahay guddiga amniga Qaranka oo si arxan darro ah ula dhaqmo shacabka Gobolka Banaadir, islamarkaana Barakicintii ay sii socoto ayna xiran yihiin inta badan wadooyinkii Muqdisho ee halbowlaha ahaa.
     
  4. Waxaa wax lala yaabo ah in  iyadoo ay xiran yihiin Jaamacadihii, Macaahiddii ay wax ku baranayeen ardaydii Gobolka Banaadir in uu maamulka Gobolku ka barakiciyo goob aan baahi waxbarasho loo qabin, balse la doonayo in xero Milateri laga dhigo.
     
  5. Gaba gabadii waxaan ugu baaqeynaa Ganacsatada Gobolka Banaadir in ay caawiyaan shacabka walaalahooda ah ee ku tabaleysan magaalada gudeheeda iyo daafeheeda, Ilaahayna wuu noo kaalmeynayaa inta aan u kaalmeynayno walaaleheen.

______________________________ 
Maxamed Xasan Xaad

Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 7, 2008

somaliMadax ka Tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya oo si Diirran Loogu soo Dhaweeyey Magaalada Bermingham ee dalka UK... Akhri....

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com