SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Qofkasta oo Maamul hayaa Dhaliil waa yeelankaraa

Maxamed Cabdullahi Cumar
London, uk
Faysal1@hotmail.com

Qaybtii I

Markaad u fiirsato webseydyadda ka soo baxa Puntland  ama  ka soo baxa Mogadishu oo dawladdiidka ah waxay shegaan Dhaliilaha Madaxdda Puntland,balse ma sheegaan wanaaga madaxda Puntland,waxaana ka dareemikartaa in ay Jecelyihiin in Isbedel ka dhaco Puntland,ama ay Burburto iyagoo Rag Puntland u dhashay oo dibadaha ku sugan ku sharaxa webseydyadooda.

Waa arin fiican in Madaxda La dhaliilo loona sheego qaladkooda , haddii ay wanaagsameyaana lagu amaano si ay ugu noqoto dhiirigelin, lakiin ma-aha in cadifad qabiil iyo nin jeclaysi qof wax looga qaro, amaan iyo xumaan, ee waa in qofku waxaa uu mudanyahay sax iyo qalad loo mariyo 

Markaan is barbardhigo Maamuladdii soo maray Puntland, waxaa mid waliba yeelanayaa wanaag iyo dhaliil, 

Xiligii Odayada Dhaqanka iyo Ganacsatada Puntland, waxay ku jireen Dagaal, kaas oo ay sameyeen Abaabul fican oo lagu hantay Dhulkii laga qabsaday, waxay soo dhaweeyeen dadkii soo barakacay oo ay u fidiyeen kaalmo macnawi iyo maadi ah, waxay ka ilaaliyeen isku dhaca qabiilka wada dhashay oo ay ka dhigeen mid degaanka wada wadaaga. 

Waxay dhaliishoodu ahayd in ay gacanta u galeen Itixaad oo ay u arkeen dad muslim ah oo aan qabiil isu bahaysan balse towxiidku ka dhaxeeyo oo walaala ah , waxayna gacanta u geliyeen Dekaddii iyo Airporkii Magaladda Bosaaso , waxay noqotay in meelkasta ay isaga yimaadaan oo Hub iyo dhaqaale iyo cudud meleteri oo itixaada ay abuuranto. 

Xiligii Mohamed Abshir, waxaa uu sii xoojiyey in ay magaladda Bosaaso ka taliyaan Itixaad oo ay odayadii kala wareegaan dadkna kala badbaadiyaan, waxaa uu door ka cayaaray in uu Somaali isu keeno oo dawlad yeelato, isagoo go,gol u fdiyey dhamaan uguna baaqay in Somalia Dawlad ay yeelato, waxaa uu ka ilaaliyey Puntland in ay qabiil u dagaalaman. 

Dhaliisha uu lahaa Masamayn mammul tayo leh, waxaa uu ku mashquulay Arimaha  Soomaliya,ilaa Itixaad ay Garoowe saacado ku haystaan, kuna qabsadaan puntland,kama qaban wax Mashaariic ah 

Maamulkii Abdullahi yusuf, waxaa uu sameeyey cidan tayo leh,  waxaa uu Ciribtiray Itixaad oo ahaa siyaasad lagu qabsado dhulka puntland iyadoo diin la hulaabanyahay calooshana qabiil tirtir ka buuxo, waxaa uu asaasay maamulka maanta lagu hirto ee wanaaga badan  waxaa uu ku hamiyey mar uun in uu ummadda somaliyeed uu dhibta ka saaro ilaa uu gaaray hamigiisii ,waxaa uu sameeyey tanaasul iyo heshiis mudan in lagu daydo, oo dagaala la samaynkaro lana heshiin karo, oo nabadu macaantahay,waxaa asaasay oo dhameeyey Astaan madaxdooyo oo qiimo ku fadhida,wax kale kuma fekerin oo aan ahayn in uu soomali mideeyo 

Dhaliisha uu leeyahay, wax mashaariic ah ma samayn, dhaqaalihii waxaa uu ku bixiyey arimo siyaasadeed, iyo in hadba qabqablayaasha in uu  midba markiisa siiyo, si uu u hello tageeridiisa, waxaa uu abuuray dagaal qabiil oo maal iyo naf badan  ku baxay 

La soco qaybta 2 ee Xiliga Gen. Cade 

Mohamed Abdullahi Omar
London, uk
Faysal1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 8, 2008

somaliMadax ka Tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya oo si Diirran Loogu soo Dhaweeyey Magaalada Bermingham ee dalka UK... Akhri....

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com